Home » Warar »

Khilaafkii u Dhaxeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Saacid oo Cirka isku Shareerey.

Khilaaf maalmahaan u Dhaxeeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon Saacd ayaa haatan u Muuqda in uu sii Xoogeystey ka dib markii uu Madaxweynaha uu ku Wargeliyey Raiisul Wasaaraha Saacid in uu is Casilo hase yeeshee Raiisul Wasaaraha ayaa ku gacan seyrey soo jeedintaas

somali69Raiisul Wasaare Saacid ayaa laba jeer waxaa uu u Gudbiyey Madaxweynaha isku Shaandheynta Golaha Wasiirada iyadoo labadaas jeer uu Madaxweynha ku Celiyey Raiisul Wasaaraha isagoo u Sheegey in Magacaabis aan Xiligaan loo joogin ee loo baahan yahay in Dhamaan Xukuumadda ay Iscasisho , waxaana wararkii u dambeeyey ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ay u kala Dab qaadayaan Labada Dhinac .

Qaar ka mid Wasiirada ayaa waxay Madaxweynaha u soo jeediyeen in Xiligaan aysan habooneyn in Raiisul Wsaare Saacid uu is Casilo iyagoo sheegey in Xaaladda Dalka uu Marayo aysan Saamaxeyn in Xiligaan uu is qabqabsi uu ka dhex abuurmo Masuuliyiinta ugu Sareysa Dowladda, Warar kale ayaa sheegaya in Raiisul wasaare loo wado Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hore Raiisul Wasaare ugu soo noqdey Dowladii Shiikh Shariif , hase yeeshee Khilaaf dhexmarey Dowladaas uu isku Casiley.

Arrinta ku saabsan in uu iscasilo Raiisul Wasaare Saacid ayaa la sheegey in ay ku kala qaybsameen Kooxdii Hogaanka u qabtey Dowladda Fedraalka ee uu Hogaaminayey Madaxweyne Xasan Shiikh hase yeehee Dadka Somaaliyeed ayaa Fajiciso ku Noqtey in Dowladaan uu ka dhex Abuurmo Khilaaf Siyaasadeed oo hore uu u saameeyey Dowladihii Hore Dalkaan u soo marey iyadoo waa haddii uu iscasilo RaiisuL Wasaare saacid ay Dowladaan mari Doonto halkii ay mareen Dowladiihii ka horeeyey waxaana Niyad jab ku abuuri doontaa Shacabka Soomaaliyeed oo rajo wanaagsan ka qabey Dowladaan hadaba la arki doonee halka uu sal dhigto Khilaafkaas .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.