Home » Warar »

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka oo soo saarey wareegto ku wajahan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Isgaarsiinta.

somali37
Markii Maalintii Shaley ay Dowladda Federaalka Albaabada u laabtey Idaacadii Shabeelle ayaa Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Gaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdulaahi Ciil Mooge Xirsi waxaa uu soo saarey wareegto uu ku Amrayo in Qaybha Warbaahinta kala duwan , isgaariisnta , Internet-yada IYO Goobaha wax lagu Daabaco in ay iska soo diwaan geliyaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta Diwaangelintaas ayaa lagu sheegey Wareegtada wasiirka Ruqsada qaadasho iyo Cusbooneysiin.

“Dowladu waxay Muddo Sannad ah ku jirtey Wacyigelin iyo Wax u sheegid si loogu hogaansamo Sharuucda Dalka taasina waxay noqotey in dadka qaar ay qaataan Amarada Dowladda ,qaar kalena ay noqdaan kuwa u Hogaamsami waaya Shuruucdii Dalka “ ayaa lagu yiri Wareegtada uu soo saarey Wasiirka oo intaas raaciyey “Diwaangelinta iyo Cusbooneysiinta waxay bilaabaneysaa 27-10 2013 , waxayna ku egtahay 10 Bisha November 2013.

Wareegtada ayaa lagu Xusey in Warbaahintii iyo Shirkadihii aan Mudadaas isku soo Diwnaagelin waxaa laga qaadayaa talaabo Sharci sidoo kale wareegtadaas lagu Xusin in Isdiwaagelinta iyo Cusbooneysiinta ee Warbaahinta iyo Shirkadaha laga qaadayo Khidmo iyadoo wareegtadaad tii ka horeysey lagu sheegey in Isdiwaangelinta iyo Cusbooneysiinta ay tahay mid lacag la.aan ah.

Qaybta 1aad ee Wareegtada
Qaybta 2aad ee Wareegtada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.