Home » Warar »

Boliiska Gobolka Hiiraan oo Baaritaan ku Haya Aabbe Afar Caruur oo Wiilal ah oo uu Dhaley ku Gowracay Deegaan ku Dhow Magaalada Beled Weyne.

Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka Warbixiyay Aabbe Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cumar Shire Xuseen oo Afar Caruur ah oo uu Dhalay Maalintii Shalay ku Bireeyay Degaan Magaalada Beled Weyne u jira illaa Soddon Kiilo Mitir oo lagu Magacaabo Gal Xamur

Col Isaaq ayaa ugu horeynba Xaqiijiyay Dhacdadan oo uu sheegay in ay tahay tii ugu horeysey ee Gobolkaas ka dhacda isla markaana ah wax ku cusub Degmada,Taliyaha ayaa hoosta ka Xarriiqay in Ciidamada Ammaanku in iminka ay u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan Ninkaas Caruurtiisii laayay isla markaana ay Baaritaan Dhab ah ku hayaan sababaha keenay in falkaas uu ku kaco

Col Isaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Boliisku Baaritaanka ay iminka samaynayaan marka ay dhameeyaan Xaqiiqadana ogaadaan in ay soo bandhigi doonaan sababaha Ninkaas ku Kalifay inuu Afar Caruur ah oo uu dhalay mar keliya Dhegta Dhiigga uu daro. Col Isaaq ayaa intaas kadib sheegay marka ay Baaritaanada Dhacdadaan Xanuunka badan ay ka Fara Xashaan in ay u Gudbin doonaan isla markaana Sharciga hor gayn doonaan Ninkaas Odeyga ah.

Si kastaba maalintii Shalay ayay ahayd markii ay Dhiiladani ka soo yeedhay Gobolka Hiiraan dhacadadaas oo noqotay midda ugu hadal haynta 48kii Saac ee aynu soo dhaafnay Guud ahaan Dalka iyadoo Aabaha Caruurta uu Bireeyey ay dhamaan ay ahaayeen Wiilal oo uu ugu weynaa Sideed Jir, waxaana Dhacdadaan Xanuunka badan ka Hadley Hooyadii Dhashey Caruurtaas oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho waxayna Sheegtey in Odeyga uu Caafimaad Qabey waxa ku Xambaarey in Caruurtiisa uu Gowraco

Aabaha caruurtiisa Gowracay ayaa Dadiisa lagu Qiyaasey 65 Sanno Jir waxaana uu Dhawaan uu ka yimid Wadamadda Reer Galbeedka , waxaana la sheegey in Haweeneydii uu ka Dhaley Caruurtaas ay kale hore kala tageen ilaa iyo hadda lama garanayo Sababta Dhabta ah ee Aabahaas Caruurtiisa uu u Laayey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.