Home » Faallo »

Jaamacadda Badweynta Hindiya oo lagu Qabtey Munaasabada ku Aadaneyd Difaacidda Buugga Qalin Jabinta

(Thesis Defending Agenda)

Hoolka weyn ee Jaamacadda Badweynta Hindiya waxaa maanta lagu qabtey Munaasabad ku Aadan Soo Gudbinta iyo ka Doodida Buuga Qalin jabinta ee la Qoro marka uu Ardeyga uu Dhameysto Jaamacadda waxaana ka soo qabgaley Masuulinyiinta Jaamacadda, Madax ka Socotey Dowladda Federaalka , Macalimiinta Wax ka dhigta Jaamacadda iyo Ardeyga wax ka Barata jaamacadda Badweynta Hindiya iyo Marti Sharaf kale .

Ardeydii Maanta Qalin jabineysey ayaa waxay ka Koobnaayeen ilaa Sagaal Ardey oo bartey Aqoonta kala Duwan ee laga dhigo Jaamacadda kuwaa oo Dhameystey Bachelor Business and Administration, waxaana ugu horeyn halkaa ka Hadley Cabduqaadir Maxamuud Axmed (Prof Cuntush) oo ka mid ah Macalimiinta wax ka Dhiga Jaamacadda waxaa uu sheegey in Jaamacadda ay aad ugu faraxsan tahay Ardeyda maanta Gudbineysa Buugii Qalin jabinta , isagoo sheegey in Buuga Qalin Jabinta uu ka Turjumaya waxa uu soo Bartey Ardeyga muddadii Dheereed .

somali4 somali5

Sagaalka ardey ee maanta ka doodeysey Buugii ay Qoreen ayaa waxay Saddexdiiba loo Direy Hal Mowduuc waxaana ugu horeyn Dooda Dhiibtey Ardeydii Qortey Mowduuca (The Importance Of Somali Factories on Economic Growth in Banadir Region) waxay kala Ahaayeen Faarax Ibraahim Cabdulaahi,Saacid Faarax Axmed iyo Maxamed Ibraahim Cilmi (Jirde) Waxaana markii ay dhameen ka Hadlida Buuga (Thesis Defending Agenda) halkaas lagu weydiiyey Su’aalo a Xiriira Mowduuca ay wax ka Qoreen.

Qolada Labaad ayaa waxaa uu ahaa Mowduucooda (Private Water Supply and Housing Delivery System) waxay kala ahaayeen Maxamed Aadan Cabdulle, Cabdiraxmaan Dayib Xuseen iyo Abuukar Xuseen Cali iyana waxaa halkaas lagu weydiiyey Su;aalo ku Saabsan Mowduuca waxa uu ku saabsan yahay Buugooda Qalin Jabinta

Kooxda Saddexaad ayaa iyana waxay ka doodayeen (Mowduuca The Effect of Exchange Rate on Import in Somalia) waxayna kala ahaayeen Duniya Cumar Xasan,Cabdikaafi Axmed Cilmi iyo Xamdi Bille Xirsi waxay si aad ah ugu Dheeraadeen Mowduucaddoda waxayna si wanaagsan u Difaaceen waxa uu ku saabsan Buugooda

somali6 somali7

Dooda intii ay Socotey ayaa waxaa halkaas ka Hadley Agaasimaha Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga Cali Lumbe , Nadiifo Shiikh Xasan oo ka socotey Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga , Maxamed Muuse Khayre oo ka Socdey Shirkadda Isaf Water Supply, Cabdiraxmaan Xerow Jimcaale oo ka socdey Shirkadda Som Power iyo Maxamed Cali Maxamed Shirkadda Som Power waxayna Dhamaatood Sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ardeyda Qalin Jabineysa ay wax ka Qoraan Hayadihii iyo Shirkadihii ay ka socdeen taasoo ay sheegeen in wax badan aoo faaiido ah ay Buugta ku jiraan

Ugu Dambeyntii waxaa halkaas ka Hadley Hormuudka Jaamacadda Badweynta Hidiya Prof Samawade Maxamed Cali Daahir oo ugu Horeyntii u Mahadceliyey Ardeydii Qortey Buugga Thesis-ka isagoo u soo jeediyey Ardeyda in ay halaas ka sii wadaan Waxbarashdooda oo ay meel sare ka gaaraan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.