Home » Warar »

Shirkadda FRUITSOME oo Heshiis Caalami ah la gashey Shirkadaha DOLE iyo DEL MONTE

frut1frut3Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka lagu soo Gabagabeeyay Shirweyne Caalami ah oo looga hadlay Dhoofinta Mooska iyo Miraha kale kaasoo socdey 6-9 Bishaan waxaana arrimo ku saabsna Shirkaas iyo Heshiisyo ay soo gashey Shirkadda Fruitsome ayaa Xarunteeda Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtay Shirkadda Frutsome oo iyadu shirkaas ka qayb gashay.

Ugu horeynba waxaa Shirkaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirkaddaasi Cusmaan Xayle oo ka warbixiyay sababihii loo aas aasay Shirkadaas. Mudane Xayle ayaa xusay in Shirkadoodu ay ku guulaysatay in ay ka qayb gasho Shirkeedii ugu horeeyay ee ka dhaca Dalka Jarmalka isagoona sheegay in ay Guul ballaaran oo u soo hooyatay Beeraleyda Muuska Soomaaliyeed oo xiligan albaabadu u furmeen dhinaca wax soo saarkooda iyo Suuq geyntoodaba.

Intaas kaddib ayaa waxaa isaguna goobtaas WarSaxaafadeed ka akhriyay Madaxa Maaliyadda ee Fruitsome Shiikh Xuseen Cismaan Waasuge oo ka warbixiyay Shirkii ay ka qayb galeen Wafdigii Shirkadda Matalayay ee uu isagu hoggaaminayay. Madaxa Maaliyadda ayaa sheegay in ugu horeynba Shirkaddu ka qayb gashay Carwo Caalami ah oo lagu qabtay Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka Taariikhdu markii ay ahayd 6-9kii Bishan kaasoo ay ka soo qayb galeen Shirkado badan oo Caalami ah kuwaasoo ka ganacsada noocyada kala duwan ee Frutiska sida Muuska halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxa Wafdiga oo Shirkiisa Jaraa’id sii wata ayaa intaa raaciyay in shirkadda Fruitsome la jeclaysatay waxaayaabihii ay halkaa ku soo bandhigtay isagoona hoosta ka xarriiqay in ay Heshiisyo la kala saxiixdeen Shirkado ay ka mid yihiin.Dole iyo Del Monte ,Sheikh Xuseen ayaa sheegay in Shirkadahan dhamaantoodba ay dhoofiyaan isla markaana Suuq geyn ballaaran ay haystaan.

frut2frut4Ugu dambayntii ayuu Shiikh Xuseen balan qaaday in Shirkadoodu dhawaan ay bilaabi doonto hawlaha Dhoofinta Muuska iyadoona ka bilaabi doonta Wadamada Bariga Dhexe. Shirkaddan ayaa noqonaysa tii Labaad ee dalka ka hana qaadda tan iyo markii ay meesha ka baxday Wakaaladdii Muuska Soomaaliyeed iyadoo Xiliyadii burburkana ay soo baxeen Shirkad kale kuwaasoo aakhirkii Burburey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.