Home » Faallo »

Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa: Qaybta 2aad

Halkaas waxaa ka cadaatay in xumaanta samaynteedu ay bannaan tahay laba xaaladoodba: marka xumaan yar iyo mid weyni iska horyimaaddaan, oo sida keliya ee xumaanta weyn lagaga badbaadi karaa ay tahay in midda yar la sameeyo (tuugga gacan-goyntiisa vs xattooyada). Xaaladda labaad ee xumaanta samaynteedu ay bannaan tahay waa marka lagu helayo wax ka faa’iido badan ka tegiddeeda, kaas oo aanan suurogelaynin haddii aan xumaanta la samaynin (bakhti-cunid vs badbaadada nafta). Sidaas oo kale, wanaagga ka tegiddiisa waxaa la ogol yahay laba xaaladood: haddii samaynta wanaaggaasi ay sababayso in wax kasii wanaagsan laga tago (jihaad fardul kifaaya ah xoolo ku bixintiis vs reerkii oo qada), ama haddii wanaaggaas samayntiisu ay keensanayso xumaan dhibkeedu uu ka badan yahay faa’iidada ka imanaysa wanaaggaas oo la sameeyo.

Waxaa dhacda in mararka qaarkood arrin waajib ahi uu qofka ka dhaco oo looga cafiyo dhibaato adduun oo ka timid awgeed, ama waxaa baahi adduun darteed loogu ogolaadaa shay caadi ahaan xaaraan ah (sida soonkii oo qofka uga dhaca safar dartiis, arkaantii/tiirarkii salaadda oo xanuun awgiis qofka looga cafiyo, iwm), arrimahani waa baab kale oo soo gelaya waasacnimada diinta iyo dhibka oo qofka laga kor qaado. Waana baab ay shareecooyinku ku kala duwanaan karaan. Laakiin, baabkan qoraalku ku saabsan yahay wuu ka duwan yahay, oo waa mid aysan suuro gelaynin in shareecooyinku ku kala gedisnaadaan, haba isku khilaafaan waxyaalo ka mid ah’e. Waana mid ku sugmaya caqliga oo waxaa la yidhaahdaa: qofka caqliga lihi ma aha ka khayrka iyo sharka kala yaqaana, ee caaqilku waa midka garanaya laba khayr kooda wanaagga badan, laba sharna kooda daran.

إنَّ اللَّبِيبَ إذَا بَدَا مِنْ جِسْمِهِ    مَرَضَانِ مُخْتَلِفَانِ دَاوَى الْأَخْطَرَا

Qofka caqliga leh haddii jidhkiisa laba cudur oo kala duwani ku dhacaan, wuxuu hor  daweeyaa kooda khatarsan.

Arrimaha kale oo dhanina waa la mid. Haddii aan dhakhtarka tusaale usoo qaadano, wuxuu u baahan yahay in uu xoojiyo awooda jidhka xanuunkana uu la dagaalamo. Kasoo qaad in uu haysto daawo labadaba kordhinaysa (fasaad). Haddaba marka jidhka awooddiisu sarrayso [oo uu xanuunka la dagaalamayo] farahaa laga qaadayaa si xanuunku u yaraado. Marka awooddii jidhku yaraatana dawadii baa la siinayaa, maxaa yeelay faa’iidada ku jirta awoodda jidhka oo la xoojiyo (in kastoo xanuunkuna kordhayo) ayaa ka muhiimsan in xanuunkii iyo awoodiiba wada maqnaadaan. Maxaa yeelay maqnaashaha awoodu wuxuu sababayaa dhimasho.

Sidaas darteed ayaa caqliga dadku u aqbalaa in xilliga abaarta roobku uu yahay raxmad. In kasta oo dalaga uu soo bixiyo ay dadka qaar u adeegsanayaan dulmigooda, roobkaas la’aantiisa ayaa uga dhib badan. Sidaas oo kale, dadku hogaamiye daalim ah ayey ka jecel yihiin hogaamiye la’aan [iyo fawdo]. Waana ta caaqillada qaarkood yidhaahdeen: lixdan sano oo lagu hoos noolaado hogaamiye daalim ah ayaa ka wanaagsan hal habeen oo hogaamiye la’aan ah.

Asal ahaan hogaamiyaha waa loo qabanayaa waana lagu xisaabinayaa dulmiga uu samaynayo ee uu ku xadgudbayo xuquuqda isaga oo awooda in uu dulmiga joojiyo. Laakiin halkan waxaan leeyahay: Haddii hogaamiyuhu, (talo guud – sida khaliifka, madaxweynahaha- ha hayo ama mid kooban’e- sida guddoomiye, taliye, ama qaadi), uusan gudan karin waajibkii jagadiisa looga baahnaa, kana tegi karin wixii laga xaaraantimeeyey, laakiin sababta uu uhayo jagadaas iyo ulajeeddadiisu ay yihiin in uu hirgeliyo arrin qayrkii ayagoo awooda ay ulakac u samayn waayeen, xaaladdaa iyada ah way u bannaan tahay in uu qabto oo hayo jagadaas, waxaana dhici kartaba in ay waajib ku noqoto! Arrintaas waxaa keenaya, haddii jagadaasi ay ka mid tahay waajibaadyada la is faray (sida cadowga oo lagu jihaado, xoolihii oo la qaybiyo, xuduuddii oo la fuliyo, iyo jidkii oo ammaan laga dhigo) ee la rabo faa’iidadooda in la helo, qabashadeedu waxay noqonaysaa waajib ay tahay in la fuliyo.

Haddaba, haddii jagadaas haynteeda ay ka dhalato in uu maamul u dhiibo dad aan mutaysanin, ama in uu qaato wax aan u bannaanayn, ama in uu xoolo siiyo dad aan xaq u lahayn, isla mar ahaantaana aysan suuro gelaynin in uu joojiyo falalkaas, waxa ay soo hoosgelayaan qaacidada sharciga ah ee odhanaysa: wixii la’aantiis uusan waajibku ama mustaxabku suuro gelaynin, waxa uu noqonayaa waajib ama mustaxab haddii dhibka ka imanayaa uu ka yar yahay faa’iidada laga helayo arrinkaas waajibka ama mustaxabka ah.

Xittaa haddii aysan jagadaasi ahayn waajib ayna wadato dulmi, qofkii qabtaana uu dulmigii oogayo oo sii wadayo, dabadeedna uu qabto qof ujeedadiisa iyo qasadkiisu yihiin in uu yareeyo dulmigeeda, oo uu intiisa badan hor istaago isaga oo samaynaya in yar, waa arrin wanaagsan marka niyaddaasi la socoto. Sidaas oo kale, haddii uu xumaan samaynayo isaga oo niyaddiisu ay tahay in uu hor istaago mid kasii daran, waxaan leenahay waa arrin wanaagsan.

***

“mar inaan la wada gaadhi karin madax la qiimeeyo

Oo mar ba mar kale ku xigo geliya maankiina”[1]

***

Arrimaha noocan ahina waxay ku kala gedisan yihiin niyadda iyo ujeeddada. Tusaale ahaan, haddii daalin awood lihi uu dad ku khasbo in ay bixiyaan xoolo, oo markaa nin uu dhexgalo si u dadkaas la dulmiyey uga khafiifiyo dulmiga, dabadeedna isaga oo aan dulmi uga jeedin xoolihii inta uu qaado uu daalinkii siiyo, wuxuu noqonayaa qof wanaag sameeyey (muxsin). Haddiise uu dhexgalo isaga oo raba in uu kaalmeeyo daalinka, wuxuu noqonayaa qof xumaan sameeyey (musii’).

Laakiinse arrimahan intooda badan waxaa la socda niyo iyo fal xun; oo niyadda qofka waxaa xumaynaya xoolo iyo darajo raadin, falkiisana xaaraan samayn iyo waajib uu ka tegayo ayaa kharribaya, iyada oo aysan jirin wax ku kallifaya oo arrimo iska horyimid ah ama dedaal uu ku raadinayo waxa faa’iidada iyo wanaaga badan toona.

Mana aha in dadkoo dhan laga rabo in ay maamul qabtaan, oo maamul-qabashadu (wilaayah) in kasta oo ay mar bannaan tahay (jaa’is), mar habboon tahay (mustaxab), marna ay ba tahay waajib, waxaa dhici karta in ninka gaarka ah wax kale oo kaga sii waajibsan ama looga jecel yahay ay jiraan, oo markaa labada arrimood kooda khayrka badan la hormariyo, ayada oo mar lagu hormarinayo waajibnimo marna mustaxabnimo.

 

***

“Xaqu waa sunniyo faral

Marna waa sir iyo caad

Misna waa sal iyo baar

Camalkaa sed lagu xidhay

Qofba saami mudan yahay,

In sinnaanta laga dhigo

Kala-soof in gudashada

Qofba dhinac ku sara-kaco

Rabbi waa samaalee

In samaan-u-xilashada

Samihiisa lagu helo

Samo samo la dhaafshiyo

Sare iyo tu hoosiyo

Isa-sudhan ha noqotaa

Sababuhu u dhacayaan.”[2]

***

Qaybtan na waxaa soo gelaysa qabashadii uu Nebi Yuusuf­- calayhis salaam- khasnadda maaliyadda u qabtay boqorkii Masar. Uma uusan qabanin oo keliya’e isagaaba weydiistay in jagadaa loo dhiibo, ayada oo boqorka iyo dadkiisuba ay gaalo ahaayeen, sida uu Alle- sarreeye- yidhi:

 

﴿وَلَقَدْ جَاءَكُمْ يُوسُفُ مِنْ قَبْلُ بِالْبَيِّنَاتِ فَمَا زِلْتُمْ فِي شَكٍّ مِمَّا جَاءَكُمْ بِهِ﴾ الْآيَةَ

“Waxaa dhab ah inuu Yuusuf idiin la yimid mucjisooyin hadda ka hor kamana aydaan suulin inaad ku jirtaan shaki aad ka qabtaan wixii uu idiin la yimid”

 Ilaa aayadda dhammaadkeeda.

Qaafir: 34.

Waxaa kale oo Alle- sarreeye- yidhi;

﴿يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَأَرْبَابٌ مُتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ. مَا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِهِ إلَّا أَسْمَاءً سَمَّيْتُمُوهَا أَنْتُمْ وَآبَاؤُكُمْ﴾ الْآيَةَ

“Labadaydii saaxiib ee xabbiskoow ma rabbiyaal kala tagsan ayaa idin la fiican mise Allaha midka ah ee wuxuu rabo adoomihiisa ku dirqiya”

Ilaa aayadda dhammaadkeeda.

Yuusuf: 39-40.

Waxaana la ogsoon yahay in kasta oo ay gaalo ahaayeen, in ay lagama maarmaan u ahayd in ay lahaadaan hab-dhaqan iyo nidaam ay ku ururiyaan xoolaha, uguna qaybiyaan dadka boqorka ku hareeraysan, reerkiisa, ciidankiisa iyo shacabkiisaba. Habkaasina ma ahayn mid ku socda dhaqankii Nebiyada iyo cadaaladdoodi. Nebi Yuusuf na- calayhis salaam- ma samayn karin waxkasta oo diinta Alle ah oo uu rabay, maadaama qawmku dacwadii ka diideen. Laakiin wuxuu sameeyey intii uu awooday ee cadaalad iyo wanaag (ixsaan) ahayd, jagadiisuna waxay u suurta gelisay in uu sharfo Mu’miniintii ehelkiisa, arrinkaas oo uusan la’aanteed awoodi karin. Waxaas oo dhanina waxa ay soo gelayaan hadalka Alle- sarreeye-:

﴿فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ﴾

“Alle waxaad ka cabsataan intii aad awoodaan”

At Taqaabun: 16.

Markii laba arrimood oo waajib ah iska-horyimaaddaan ayna suurtageli weydo in sinaba lagu kulmiyo, dabadeedna tooda weyn la hormariyo, xaaladdaa iyada ah arrinta kale waajib maba aha, qofkuna xaqiiqadii waajib kama uusan tegin. Sidaas oo kale, haddii laba arrimood oo xaaraan ahi kulmaan oo ilaa ta yar la sameeyo aan ta weyn laga bedbaadi karin, xaaladdan iyada ah ta yar ee la sameeyey ma aha xaaraan. Marka guud ahaan loo hadlayana dhibaato malaha in ka hore lagu tilmaamo “waajib laga tegay”, kanna “xaaraan la sameeyey”. Arrimahan oo kalena waxaa la yidhaahdaa: “waajibkii oo cudurdaar dartii looga tegay”, iyo arrin xaaraan ah samaynteed oo laga firsan waayey maslaxo [iyo dan] xoog badan oo kalliftay awgeed, ama ba se duruuf (daruuro) darteed, ama ayada oo looga gol leeyahay in lagu hor-istaago arrin kasii xaaraansan.

Arrimahan oo lagu tilmaamo in ay yihiin “waajib” laga tegay iyo “xaaraan” la sameeyey, waxa ay la mid yihiin qofka salaad ka seexday ama ilaaway oo la dhaho: wuu qalleeyey oo wakhtigeedi ma uusan tukanin. Ayada oo Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam­- sheegay in uusan qallaynin’e uu tukaday wakhtigeedi:

{مَنْ نَامَ عَنْ صَلَاةٍ أَوْ نَسِيَهَا فَلْيُصَلِّهَا إذَا ذَكَرَهَا فَإِنَّ ذَلِكَ وَقْتُهَا لَا كَفَّارَةَ لَهَا إلَّا ذَلِكَ}

“Qofkii salaad ka seexda ama ilaawaa ha tukado marka uu xusuusto, markaas weeye wakhtigeedu kafaaro-gud aan taas ahaynna malaha”


[1] Masaawaad: Jaamac Kediye Cilmi

[2] Suubban: M.I.W. Hadraawi

Qore: Mohammed Yusuf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa: Qaybta 2aad "

  1. maasha Allah waa qoraal muhiim ah kuna soo beegmey xili loo baahan yahay l hadii fahamka iyo miizaanka ku dhisan manhajka islamiga la isticmaali lahaa waxaa qabaa in somali wax badan aysan ka burbureen !!!.

  2. Maxamad Yuusuf says:

    Jazakallaahu khayran. Aad ayaad ugu mahadsan tahay dhiirigelintaas. Insha Allaah qaybtii saddexaad uguna dambaysay dhowaan baa la faafin doonaa.

  3. Qoraalkan waa muhiim waa meesha baryahan loo dhimanayo ummaddana u baabayso,waa midda culimada iyo al-shabaab isla fahmi la’yihiin,markaa wax badan ayuu daaweeynaa sii wad allaha ku barakeeyo akh Maxamad Yusuf.