Home » Maqaallo »

Gen. Cadde Muuse Waa Wadani Ku Dayasho Mudan.

Nasiib uma yeelan in aan la kulmo intii uu hogaanka u hayay Puntland Maxamuud Muuse Gen.Cade ,hasa yeeshee maanta oo Sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 22/12/2012 ayaan markii ugu horaysay aan la kulmay Maxamuud Muuse Xiri anniga oo ka mid ahaa Koox Saxafiyiin ah oo ugu tagay gurriga uu ka dagan yahay Bosaso,ka dib markii maanta uu soo gaaray magaalada Bosaso.

Cade Muuse oo aan da’diisa ku qiyaasayo 70-sanno waxaa ka go’an in uu ka shaqeeyo nabadda iyo xasiloonidda deegaanadda Puntland,si mar kale Puntland uusan dagaal uga dhicin.

Markaan qiimeeyay qiiradda wadaniyadeed ee ku jirta,waxaa ii soo baxay in uu yahay wadani dareenkiisa wannaagsan uu ka tarjumayo in reer Puntland ay gaaraan hormar wannaagsan.

Xilliga aan la kulmayay Maxamuud Muuse ma jirin Siyaasi dhinaciisa ka muuqanayay,waana mid kuu muujinaysa in uu yahay Nabadoon ka madax bannaan Siyaasiyiinta reer Puntland.

Oraahyadda uu ku dhawaaqayay waxaa ka mid ahaa”…Puntland cadow badan ayay leedahay,waxaa loo baahan yahay in lasoo celiyo Midnimadeeda,waxaan reer Puntlad ka codsanayaa in ay amaanka ka shaqeeyaan,waxaa Puntland ku jira dad badan oo burburka raba….”.

Ma aha nin isla wayn oo dabeecad qalafsan,waa masuul u ixtiraama qof kasta si xilkasnimo ku dheehan tahay.

Horay uma maqal Isim,Culumaa’udiin iyo Siyaasi u istaagay in uu qaato door la mid ah kan Maxamuud Muuse Xirsi,inkasta oo aan garanayn in dib laga arki doono.

Waxaan ku tilmaami karaa Maxamuud Muuse Xirsi,halyay nabad doon ah,caaqil aragti dheer iyo wadani xilkas ah oo tusaale wannaagsan u noqon kara dadweynaha reer Puntland.

Talabada nabadeed ee uu qaadayo Maxamuud Muuse Xirsi waa mid lagu xusi doono Diiwaanka taariikheed ee umadda reer Puntland.


ALLA Ha Xafido Maxamuud Muuse Xisi Cadde.

Qormadan waxa qoray Qoraa Cabdi Qani Cabdullaahi Cabdi (Qalabad).
qalabadyare@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.