Home » Warar »

Safaarado Shisheeye oo Dhisanaya Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho

Waxaa kale muran ka taagan yahay Cidda bixisay Dhulkii Dugsigii Hoose Dhexe ee 21 November ee Degmada Howlwadaag….

  •  “Safaaradaha Dhisnaya Xerada Ciidamadii Badda Muqdisho kama waayin Dhul ay Dhistaan”… “Waa Su’aalee miyaaney Dowlada ku tala jirin in ay dib u soo nooleyso Ciidamada Badda Soomaaliya..” Xildhibaan Maxamuud Maxamed “Xaggee laga difaacayaa badda.” ayuu raaciyey…

Waxaa Dhismayaal ay hadda ka socdaan Xaruntii Ciidamada Badda Soomaaliyeed ay lahaayeen kuna ee ku Dhaweyd Dekedii hore ee Magaalada Muqdisho, waxaa la sheegey in ay Dhisnayaan Safaarado Shisheeye.

Ilaa hadda lama garanayo Cidda bixisey Xeradii Ciidamadii Badda Soomaaliyeed , waxaana haatan la sheegay in ay Safaaro ka dhisnaya Wadamada Turkiga, Mareykanka iyo Yaman, waxaana ka socoto Howlo lagu dhisyo Dhulkaas , iyadoo Dhismaha lagu fidiyey Qaybo ka mid ah dhanka Badda.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa mar la wareystey waxaa uu Baarlamaanka Soomaaliya ka codsadey in baaritaan lagu sameeyo lagu Cidda Bixiey Dhulka ama Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya

“Waa Dhul Ciidanka Badda Soomaaliya uu leeyahay marka haddii la dhisto Xagee laga difaaci doonaa Badda Soomaaliya, Dhulkaas waa Dhul Muhiim u ah Qaranka Soomaaliyeed waayo haddii loo baahdo waxaa ku soo Durki kara Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho oo iyadu u baahan doonta Mustaqbalka Dhul ay ku fido”ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Maxamed Xayd oo intaa raaciyey

“Safaaradaha Dhisnaya Xerada Ciidamadii Badda Muqdisho kama waayin Dhul ay Dhistaan Magaalada Muqdisho, marka ma garanayo in meel Astaan u ah Qaranka Soomaaliyeed in la bixiyo waxayna ceeb ku tahay Dowlada Federaalka marka waa Su’aalee miyaaney Dowlada ku tala jirin in ay dib u soo nooleyso Ciidamada Badda Soomaaliya”.

Maalmahaan waxaa Magaalada Muqdisho ka jirey Dhul boob, warar aan helney ay sheegayaan in dad la siiyey qaar ka mid ah Dugsiyadii Waxbarashada, waxaana haatan muran u ka taagan yahay Cidda dhiibtey Dhulkii Dugsigii Hoose Dhexe ee 21 November ee Degmada Howlwadaag iyadoo Wasaarada Waxbarashada ay sheegtey in aan la dhisan Karin Dugsigaas.

Warar kale ayaa sheegaya in laga iibiyey Dugsigaasi Ganacsato Soomaaliyeed ka dib markii gebi ahaantiis la burburiyey dhul Banaana laga dhigey .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Safaarado Shisheeye oo Dhisanaya Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho "

  1. Ina bulsho says:

    Dekadaha Boosaaso ,berbera iyo Kismaayo waxaa leh umadda soomaaliyeed waxaa gacanta ku hayo maamul is magacaabay keligiis oo tartan kula jira dowladda fedraalka.Waa in eey gacanta dowladda ku soo noqdaan ileen wax muuqda oo qaranka ka maqan.

  2. waa iney ka fiirsataa dowlada fadaralka safaardah shisheeye oo dhisanaaya xeradii ciidamada bada soomaaliyeed ee magaalada muqdisho

  3. Cumar says:

    Asalaamu calaykum

    Waxaa layaan leh meesha ay soomaali u socdaan wax walba oo ay qaranka soomaaliyeed lahaayeen hadii loo hibaynayo ajnabi awalbay u hibeeyeen bada soomaaliya hadana dhulkii iyo dakadii barina calanka in la badalo oo la suro turki, yamani, maraykan iyo iwm oo dhan siaashayda waxaan ku soo koobayaa ma hareen dad wadani ah mise waa horaa la aasay