Home » News »

Baaq kusocda Afhayaynka iyo dhamaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya

Markahore waxaan idiinka mahadcelinaynaa habsamida aad uhogaaminaysaan siyaasadda dalka iyo dadkeena Soomaaliyeed xiligaan xaaladda adag lagujiro.

Sida aan wada ognahay dalkeenu waxuukabaxay xiligii kumeelgaarka waxuuna galay xili uu caalamku utexgalin sida doowladaha caalamka kajira ookale. Haddaba waxaa muhiim ah in aad la’imaataan taxadar dheeraad ah, waxii qaldaad ahaa ee horay udhacay in aad waxkabarataan kuna dadaashaan in aynaan kunoqnoqonin mararbadan halqalad.

Haddaanunahay Xisbiga Tiir waxaan idin xasuusinaynaa waxa ragaadiyay siyaasadda dalkeena inay tahay labo arimood: nidaamka waxlugu qeebsado ee “Qabiilka” oo looyaqaan “4.5” iyo siyaasadda kudhisan sadexda awood sida “Madaxwaynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayaynka Baarlamaanka” kuwaas oo sidaan wada ognahay dabeecad ay u ahaanjirtay isqabqabsi aan dhamaanaynin iyo isutanaasul la’aan. Xaqiiqadu waxaytahay haddii idinku aynaan badalin labadaas arimood way adagtahay in waxlagabadalo geedi socodka siyaasadda dalkeena.

Intabadan umadaha dunida kajira, waxay soomarayn xiliyo ay dadkoodu kukala sarayn jirayn siyaabo kaladuwan sida qabiilka, midabka, rag ama dumar, iyo waxyaabo kale oo farabadan. Sikastaba ha’ahaatee mudokadib way kagudbi jirayn dhaqankaas jahliga ah waxayna kutalaabo qaadijirayn nidaam cusub oo tilmaamaya in dadkoodu kudoortaan madaxdooda aqoonta, kartida, wanaaga iyo waxiilamid ah.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan idinxasuusinaynaa in siyaasadda dalkeenu kusocday 21 giisano ee lasoodhaafay in uu ahaa nidaamka 4.5 iyo sadaxda awood ee isbarbarsocota. Sikastaba ha’ahaatee ma’inooshaqaynin, hadaba waxaa lajoogaa xiligii aad waxkabaran laheedayn waxiitagay dalka iyo dadka Soomaaliyeed na aad uhorseedi laheedayn nidaam siyaasadeed cusub.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan idinka codsonaynaa inaad kubadashaan nidaamka 4.5 “Xisbi-Xisbi”. Sidookale inaad kasaartaan dastuurka qaranka “Jagada Ra’iisul Wasaaraha” siloohelo siyaasad kudhisan labo gole sida “Golaha madaxwaynaha ooy kulamaantahay, madaxwayne kuxigayn, wasiiro” iyo “Golaha baarlamaanka iyo afhayankooda”. Nidaamkaas waxuusahli in shaqsiga lagudoorto kartidiisa, aqoontiisa, iyo waxqabadkiisa ookaliyah. Arintaas waa talaabo la’idiinka baahan yahay in aad kashaqaysaan hadda siloodhaqan galiyo doorashada guud ee soosocota.

Kadib mudodheer oon waxkuqeeb saneenay nidaamka 4.5, guulaystooyin madaxdii dalka iyo dadkoow hadda ayaa lajoogaa xiligii aad kubadali laheedayn “xisbi-xisbi”. Kadib mudodheer oon kusoconay siyaasad kudhisan sadex awood, guulaystooyin madaxdii dalka iyo dadkoow hadda ayaa lajoogaa xiligii aad kubadali laheedayn siyaasad kudhisan labo gole sida: “Golaha madaxweenaha iyo Golaha baarlamaan”. Xisbiga Tiir waxuu diyaar idiinlayahay inuu idinka caawiyo badalista labadaas arimood, hiil iyo hoona waan idinlagarab taaganyahay marwalba ood nasoo codsataan.
Fadhil Sh.mohamed,
Gudoomiyaha Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.