Home » Warar »

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo ka qayb galaysa shirka O.I.C

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Ahna Wasiirka Arriamaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Oo Ka Qayb-galeysa Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ee Ururka (O.I.C)
57-da Dal ee Wasiiradda arrimaha dibadda dowladaha Islaamka ayaa lagu wadaa shir soconaya laba maalmood in uu uga furmo 15/11/2012 Hoteel Kampiniski ee caasimadda dalka Jabuuti.

Shirkan oo ay marti gelisey dowladda Jabuuti ayaa waxaa lagaga hadlayaa xaaladaha ka jira dalalka Suuriya, Muslimiinta dalka Barma iyo guud ahaan dowladaha kale ee shucuubta Islaamka
Wafdi ay hogaamineyso Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji ayaa lagu wadaa in ay buuxiso xubinimada dalka soomaaliya sida uu ii xaqiijiyey Denjiraha soomaaliya ee fadhigiisu yahay Jabuuti.

22- sanno kadib, waa markii ugu horeysay oo shir caalami ah ay dowladda soomaaliya buuxiso xubin nimadeedii, waxayna guul u tahay dowlada cusub ee soomaaliya, inkastoo xukuumadan aysan helin kalsoonida baarlamaanka, haddana wali dalka waxaad moodaa in uu ku jiro KMG-nimadii, islamarkaana waxaa kala qoqoban gobolada dalka iyo degmooyinka, Berriga iyo Badda soomaliyana, waxaa jooga ciidamo ajnabi ah oo ka socda AMISOM iyo NATO, baarlamaankuna wali kuma sameyn dib u eegis joogitaanka ciidamadan ajnabiga ah.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.