Home » Warar »

Xarakada Shabaab oo Sheegtay in Dagaaladii u Dambeeyay ay ku Dileen Saraakiil Caddaan ah isla markaana Gaadiid Fara badan ku Gubeen

Afhayeenka dhinaca hawlgalada xarakada Shabaab Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab ayaa sheegey in dagaaladii shantii maalmood ee la soo dhaafay ay la galeen Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom in Khasaare ba’an ay gaarsiyeen. Afhayeenka ayaa sheegay in Dagaaladaas ay ku dileen illaa 27 Askeri oo u badan kuwa Uganda isla markaana ay dhaawac gaarsiyeen illaa Afartameeyo Ciidamada Huwanta ah.

Sheikh Cabdilcasiis ayaa farta ku fiiqay in dagaaladaas ay ka dhaceen Gobolka Shabeelaha hoose ay ku gubeen Shan Gaari oo uu ku jiro Taangi oo ka mid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada Ugandha. Abuu Muscab ayaa dhinaca kale sheegay in gaari Bebe ay ku gubeen dagaaladaas gaarigaas oo sida uu sheegay ay saarnaayeen Saraakiil caddaan ah oo uu tiradooda ku sheegay Seddax illaa afar.

Af hayeenka Ciidamada Xarakada Shabaab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Dagaalkaasi xooggiisa uu dhacay maalinimadii Jimacaha ahayd ee aynu soo dhaafnay isagoona xusay in ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Ciidamada cadowga, waa sida uu hadalka u dhigay’e. Si kastaba Xarakada Shabaab ayaa weli sii wadda dagaaladoodii ku dhufo oo ka Dhaqaaq ahaa oo ay kula jireen Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.