Home » Warar »

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo hor Jeestay in IGAD Maamul u Sameeyso Gobolada Jubbooyinka

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dalalka Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay qorsheynayaan in Maamul Goboleed ay u magacabaan Gobolada Jubbooyinka, waxaana madaxweynaah DFS loogu baaqay in uu arrintaas wax ka qabto….

Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse Baantuu oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Jubbooyinka ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira Gobolka Jubada Hoose. Mudane Baantuu ayaa bogaadiyay kala wareegistii Xarakada Shabaab Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom ay kala wareegeen gacan ku hayntii Gobolkaas isagoona ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gobolkaas in ay soo dhaweeyaan Ciidamadaas lana shaqeeyaan.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Gobolka Jubada Hoose uu muddo dheer uu soo marey Maraxalado kala duwan taasoo uu sheegey in ay dhibaato ka soo gaartey Shacabka halkaa ku dhaqan Mar uu Baantuu ka hadlayay qorshaha Maamul u sameen ee Gobolkaas ayaa ka biya diiday in wax luga ah ay ku yeelato IGAD in Maamul ay u dhisto Gobolkaas isagoona arrintaa ku tilmaamay in ay noqonayso fara gelin.

Xildhibaanka ayaa sheegey in Maamul loo dhiso Gobolkaas in ay ka go’do dadka u dhashay isagoona ku baaqay in loo baahan yahay shir lagu qabto Gobolkaas ama Magaalada Muqdisho isla markaana dadka deegaankaasi ay iyagu ka tashadaan Aayahooda.

Hadalkan xildhibaan Baantu ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan hadalo la isla dhex marayo oo sheegaya in Dalalka Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay qorsheynayaan in Maamul Goboleed ay u magacabaan Gobolada Jubbooyinka.

Waxaa jiray Maamul Goboleed ay hore dabada uga riixeysey Xukuumadda Kenya kaasoo la magac baxay Azaniya in kastoo markii dambana la isku khilaafay maamulkaa si weyna ay uga soo hor jeestaan dadka dega Gobolada Jubbooyiinka.

Xildhibaan baantu ayaa ugu yeeray Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud in Maamul uu u magacaabo Gobolada Jubooyinka isagoona kala tashanaya dadka u dhashay Goboladaas oo leh iyagu doorashada Maamulkooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mai amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.