Home » Warar »

Dagaalka Sokeeye Ee Suuriya :- Saamaynta Uu Ku Yeelankaro Bariga Dhexe Iyo Soomaalida.

Dalka Suuriya waxaa 18 bilood ee ugu danbeeyey ka socday kacdoon ku bilaabmay Muharaadyo lagu codsanayey in wadanka isbadel dhinaca siyaasadda ah laga hirgaliyo, isla markaana la soo afjaro muddada 50 sannadood ahayd ee uu wadankaasi ka talinayey xisbiga kaliy ee lagu magacaabo (Alba‘ath), Dhaqdhaqaaqan isbadel doonka ah ayaa markii danbe isu badelay mid hubaysan ka dib markii xukuumadda dalkaasi kala hortimi shacabkii mudaharaadayey cabudhin xoogan iyadda oo u adeegsatay xadhig iyo dil aan loomiidaan dayin.

Wadanka Suuriya oo ay qawmiyado kala duwani ku noolyihiin ayaa waxa 42 sanno ee ugu danbeeyey xukunka kala dhaxlay wiil iyo aabihii iyada oo uu Madaxweynihii la odhan jiray Xaafid Al-Assad xukunka Inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsaday September 1970 isla markaana dalka hogaaminayey muddo 30 sanadood ah, ayaa waxa uu geeriyoodey sanadkii 2000 , waxaana wadankii gacanta loo galiyey wiilkiisa Bashaar Al-Assad ka dib markii qodob distoorka ku qornaa oo u diidayey in uu xilka qabto baarlamaanka waddanka Suuriya muddo 15 daqiiqo gudahooda ku baddelay, qodabkaas oo dhigayey in qofka xilka madaxweynaha qabanayaa aanu ka yaraan 40 sanno, Bashaar Al-Assadna xilligaas wuxuu jiray 34 sanno.

Waddanka Suuriya oo isagu ah dal ku yaala goob Istiraatiiji ah ayaa waxa xilligan aad ugu loolamaya wadamo iyagu bugcadaas aad u danaynaya kuwaas oo ay ugu horeeyaan Maraykanka , waddamada midawga Yurub , Sucuudiga, Qatar Iyo Turkiga oo iyagu doonay in uu xilka ka dego Bashaar hannoqoto qori caaradii ama hays iscasilee, waxayna taageero hiil iyo hooba la garab istaageen xooggagga Mucaaradka ah ee iyagu xilligan hubaysan lana magacbaxay Ciidanka Suuriya ee Xorta Ah.

Xukuumadda Bashaar Al-Assad uu hoggaamiyo ayaa waxa ay iyaduna garab ka heshay waddamada Ruushka , Shiinaha oo iyagu muddo sadex jeer ah is hortaagay go’aamo golaha ammaanka la soo hordhigay, kuwaas oo la doonayey in Suuriya cunaqabatayn lagu saaro ka gadaalna weerar lagu qaado sidii Liibiya loo weeraray 2011kii , waxayna Labadaas dal sadex jeerba adeegsadeen codka diidmada qayaxan, waxaa iyaguna ka mid ah waddamada ay Xukuumadda Bashaar Al-Assad ka helayso taageerada Iiraan , Ciraaq iyo Xisbullah oo aan hadda dawlad waxba ka dhicin .

Tan iyo intii kacdoonku ka bilowday Suuriya waxaa bannaanka laga dhigay dalkaasi Ururka Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa kale oo la caydhiyey dhamaan safiiradii Suuriya u fadhiyey waddamada Gacanka Carabta, Yurub iyo Austaralia iyo dalal kale oo tira badan, waxayna waddamo badan ka qaateen Safiiradoodii fadhiyey Dimishiq.

Dhaqaalaha Suuriya ayaa dhulka galay ka dib markii cunaqabtayn baahsan lagu soo rogay gaar ahaana Dalalka Midowga Yurub iyo Carabta ee ay iskaashiga gacanasiga gaarka ah lahaayeen, waxaana dhulka gashay qiimahii ay lahayd lacagta Suuriya, waxaana istaagay badeecadihii ay dunida u Iib gayn jireen sida Batroolka iyo wax-soosaarkii kale ee warshadaha waddanku tiirsanaa sida Dharka, kabaha, Raashinka IWM. Shaqaale badan ayaa shaqadoodii waayey , kaydkii lacagta adag ee uu dalku lahaa aad ayuu isu dhimay ka dib markii uu istaagay gacansigii taasi waxay keentay in lacagtii wadanka qiimaheedii 100% lumo.

Dagaalka oo haatan maraya halkii ugu xumaa waxa uu keenay in magaalooyin badan dhulka lala simo, dhul badana dawladda laga qabsado, dagaalkuna uu soo gaadhay Caasimadii wadanka Dimishiq iyo magaaladii warshadaha iyo ganacsiga ee Xalab , taasina ay dhalisay in shacab badani qaxo isla markaana qaxooti ku noqdo wadamada hareeraha ka xiga wadanka Suuriya Gaar ahaana Turkiga, Lubnaan, Urdun, Iyo Ciraaq, kuwo kale oo badana ay dalal kale oo adduunka u gudbeen.

Waxaana goostay madax badan oo isugu jira saraakiil ciidamada ka tirsanaa ,safiiro iyo wasiiro, waxaana ugu danbeeyey Raysal wasaarihii wadankaasi oo dhawaan ka goostay dawladda Suuriya

Haddaba Dagaalkan Sokeeye ee hadda ka socda waddanka Suuriya Saamayn intee leeg ayuu ku yeelan karaa Bariga Dhexe iyo Soomaalida ?

Inta aynaan ka jawaabin Su,aashaas waxa aan dib u jaleecaynaa Taariikhda dalka Suuriya. .

Suuriya

Dalka Suuriya waxa uu ku yaalaa Galbeedka Qaaradda Aasiya wuxuuna xuduudo la leeyahay Wadamada Urdun,Lubnaan,Ciraaq, Turkiga iyo Falastiin(Isra’il)Wadanka Suuriya waxa uu soomaray taariikho kala duwan , magacana waxaa wadankan loogu yeedhi jiray sida ay taariikhuhu qorayaan sadex qarni ka hor Dhalashada Nabi Ciise (C.S), waxa kale oo ay dadka carabtu u yaqaaneen wadankan Shaam , oo ilaa iyo hadda looyaqaano, hasa yeeshee shacabka reer Suuriya waxay magaca Shaam u adeegsadaan ama ugu yeedhaan magaalada Dimishiq.
Suuriya waxa ay ka mid ahayd goobihii ilbaxnimada adduunku ka unkantay , waxaana waddankaasi ku yaala goobo badan oo Taariikhiya , Sida ku cad taariikhda dalka Suuriya wuxuu ka mid yahay waddamadii ugu horeeyey ee uu dago bani’aadamku, waxaana lagu tilmaamaa magaalada Dimishiq Magaalo madaxda adduunka ugu da’da weyn, sababtoo ah muddo 6000 oo sanno ah ayaanay maalin Kaliya maamul la’aan ku soo toosin kuna seexan,

Dalka Suuriya wuxuu soo maray xukumo kala duwan oo dadkii soo xukumi jiray kala haysteen diino kala duwan, sida Diinta Yuhuuda, Kiristaanka iyo Diinta Islaamka oo ayba Muslimiintu fureen dalka Suuriya bilowgii taariikhda Hijriyada xilligii Amiirkii muminiinta Cumar Ibnu Khataab (R.C). Waxaana gacanta lagaga dhigay oo xilligaas xukumi jiray Dhulka Suuriya nimankii loo yaqaanay Biisaantiiniyiin, , Sanadkii 14aad ee taariikhda Hijriyada ama 635 tariikhda Miilaadiga ah.

Suuriya (Shaam) gaar ahaan Dimishiq Waxa ay Caasimad u noqotay dawladii Islaamka xilligii uu Mucaawiye Ibnu Abii Sufiyaan xilka la wareegay Aasaasayna dawladii markii danbe la baxday Umawiyiinta, inkasta oo dawladii Cabaasiyiintu ee iyaguna dunida Islaamka muddada dheer ka talinaysay u guurtay dhinaca dalka Ciraaq iyo Baqdaad haddana marnama Suuriya ma noqon goob laga hayaamay waxaa ku sugnaa Culimo badan oo dunida muslinka caanka ahaa sida Ibna Taymiyah, Ibnu Khathiir, Imaamu Nawawi, iyo culimo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin, waxa kale oo iyaguna ka soo taliyey Suuriya dawladii loogu yeedhi jiray Salaajiqa, waxaa isaguna Suuriya iyo Masar gacanta kuwada dhigay Salaax Al-Adiin Al-Ayuubi oo isagu ahaa hoggaamiyihii Qudus ka xoreeyey Ciidamadii Yurub ka soo duulay ee macatab u dirirka, waxaa kale oo ka soo taliyey wadanka Suuriya dawladii loogu yeedhi jiray Mamaaliik oo markii danbena ay ka qabsadeen Cusmaaniyiinta sanadkii 1516kii waxayna u talinayeen Suuriya ilaa sanadkii 1916kii waxayna gacanta ku hayeen in ku dhaw 4 qarni.

Sanadkaas 1916kii waxaa dhulkii Carbeed ee ay khilaafadii Cusmaaniyiintu ka talinayeen ka bilaabmay dhaqdhaqaaq lamagac baxay Kacaankii Carabta oo uu hoggaaminayey Shariif Xuseen Bin Cali oo ahaa hoggaamiyihii xilligaas Magaalada Makkah ka talinayey kana soo jeeday Quraysh, isaga iyo wiilkiisii Faysan Bin Xuseen waxay heshiis hoose la galeen dalalkii markaasi ka soo horjeeday dawladii Cusmaaniyiinta dagaalkii koowaad ee aduunka kuwaas oo ahaa Ingiriis Iyo Faransiis , waxayna heshiis ku ahaayeen in la aasaaso Boqortooyo Carbeed oo iyaga madax looga dhigo.

Dagaalkii koowaad ee aduunku markii uu dhamaaday balantii ay Ingiriis iyo Faransiis la galeen Shariif Xuseenkii Makka iyo wiilkisii Faysal waa looga baxay, wadankii Suuriya ama dhulkii loo yaqaanay Shaam waxaa kala qaybsaday wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska waxaana loo kala qabybiyey dhulkii loo yaqaanay Suuriyadii Weynayd(Shaam), afar Dal (Falastiin, Urdun , Lubnaan iyo Suuriya, oo waliba qaybta loo bixiyey Suuriya iyadana loosii qaybiyey afar qaybood (Dimishiq oo Sunni Ah , Xalab oo Sunni ah , Laadiqayah oo Shiicada Calawiyiinta ah, Buuraha Carabeed(Jabalu Carab) qolada loo yaqaano Durisiyiin oo maamul looga sameeyey.

Arrintaasi markii ay dhacday waxaa ka dhiidhiyey rag wadaniyiin ah waxaana markii danbena afartan qaybood laskaga dhigay hal dawlad ah oo xilligan looyaqaano Suuriya. Waxaanay Suuriya si buuxda xoriyadeeda u heshay sanadkii 1946kii, inkasta oo wadanka Suuriya ay soomareen madaxweynayaal tiri badan sanadihii u dhaxeeyey 1946kii ilaa 1970kii, inqilaabo badani ka dhaceen , oo xataa madaxweyne ka mid ah madaxweynayaashaasi uu xilka hayey 24 saacadood isla markiibana la In-qilaabay , haddana wadanka Suuriya wuxuu galay sanadkii 1970kii markaas oo uu xilka la wareegay Xafid Al-Assad deganaansho dhinaca siyaasadda ah , taas oo ay ugu wacnayd gacan bir ah oo uu ku qabtay Xaafid Al-Assad wadanka Suuriya , wuxuuna abuuray 17 waaxood oo wada sirdoon ah, wuxuuna xabsiga dhigay qofkii uu ku ogaa in yar oo Han iyo Karti Ah, qaarkood waxay ku geeriyoodeen xabsiga qaarna waxaa la soo daayey iyaga oo duqoobay ka dib markii uu geeriyooday, wuxuuna sannadihii sideetameeyaadkii Dhulka la simay magaalada lagu magacaabo Xamah ka dib markii magaaladaasi kacdoon ka qarxay ay hogaaminayeen kooxda Al-ikhwaan Almuslimiin.

Inkasta oo uu balan qaaday Bashaar Al-Assad in uu isbadelo samayn doono, haddana wadankii wuxuu sii galay loolan adag oo uu la galay wadamada aduunka iyo shacabkiisaba, 42 sanno ee ay reer Al-Assad xilka hayeen waxa ay abuureen colaad gudaha iyo mid dibada oo ay ugu weynayday tan reer galbeedka ay lagaleen, ka dib markii lagu cadaadiyey in ay wadahadalka nabada ee Bariga Dhexe ka qayb qaataan, Yuhuudana ay ka qaataan wixii ay uga ogolaadaan Buuraha ay ka haystaan Suuriya ee loo yaqaano (Jolan) waxayna Suuriya in badan ka cagataaglaysay in ay heshiis kala dhiman ay la gasho Israil , waxayna Suuriya sii-waday taageerada ay u fidinaysay kooxihii diidanaa in Israil wadahadal lala galo sida Xamaas , Xisbullah iyo ururo kale oo badan oo Falastiiniyiina, Hogaamiyaha Xamaas Khalid Mishcal oo goobo badan laga soo caydhsadayna waxay u ogolaadeen in uu Dimishiq Xarunka dhigto.

Qaraxii lala beegsaday 2005tii Raysal wasaarihii wadanka Lubnaan Rafiiq Al Xariiri wuxuu soo dedejiyey in Suuriya ay ka baxdo wadanka Lubnaan oo ay ku sugnayd muddo 29 sanno ah.
Xilligaas waxaa iyaduna soo shaac baxday kala qaybsanaanta hogaanka sare ee xisbiga talada haya waxaana 2005 ka horyimi kana goostay madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi jagadaasna hayey muddo dheer C\xaliim Khaddaam.

Dagaalka Sokeeye ee Suuriya Ka Qarxay Saamayn Intee Leeg Ayuu Ku Yeelankaraa Bariga Dhexe ?

Kacdoonkii ka curtay wadamada carabta ee loogu magacdaray Gu‘ga Carbeed(Al-Rabiic Al-Carabi) kana bilaabmay wadanka Tunesia keenayna in madaxweynihii wadankaasi Zinal Caabidiin Bin Cali Muddo ka yar bil wadanka kaga baxsado ka dib mudaharaadyo iyo kacdoono joogta ah oo wadankaasi hadheeyey, Masarna Xusni Mubaarak 18 maalmood xukunkii looga tuuray , liibiya iyo Yemenna kacdoono hadheeyeen, shacabka Suuriya waxay isu arkeen in aanay Suurta gal ahayn in ay dugsadaan xukun digtaatoor ah oo ay aabe iyo wiilkiisii iska dhaxleen , iyada oo aanu wadanku ahayn Boqortooyo uuna yahay Jamhuuriyad, waxayna shacabka Suuriya dareemeen in ay ahayd in ay iyagu muddo hore kacdoonkan ku talaabsadaan oo ay bulshada carbeed hogaamiyaan.

Bishii sadexdaad ee 2011 ayey bilaabeen shacabka Suuriya kacdoonkooda markii hore ku bilowday si nabad galyo ah, hasa yeeshee markii danbe isu badelay kacdoon hubaysan.

Inkasta oo ay shacabka Suuriya quudaraynayeen in Bashaar Al-Assad lagu ridi karo Muhadaharaadyo sidii wadama kale , haddana arrintaasi waxay noqonweyday mid suurta gasha, waxaana ugu wacan qaabdhismeedka shacabka Suuriya u dhisan yahay oo ka duwan kann wadamada kale ee carbeed, wadanka Suuriya waxaa ku nool qawmiyado kala duwan oo isugu jira Carab,Kurdi,Shiico , Sunni,Kiristaan, , loo qaybiyo Dhawr qaybood(
Carab Sunni 69%.
Kurdi Sunni 5%.
Masiixi-Kiristaan 10%,
Shiici-Calawiya, Ismaaciiliya, Durisiyiin marka iyagana laysku daro 16%).

Waxaa iyaguna jira qawmiyado kale oo ay ka mid yihiin Yaziidiyiin, Aashuuriyiin
Madaxweynaha Suuriya ayaa isagu waxa uu ka soo jeedaa dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada Calawiyiinta ah.

Qaab dhismeedka shacabka Suuriya ayaa waxa ay keentay dadka ugu badan ee mudaharaadka iyo kacdoonka hogaaminayaa in ay u bataan dadka ka soo jeeda Sunniga oo iyagu wadanka u badan, waxaana markiiba soo shaac baxay hadalo ay madaxda aduunku ka dhawaajinayaan oo salka ku haya dhinaca qawmiyahada kala duwan , iyada oo ay ku andacoonayaan in haddii xaalku sidan ku sii socdo wadanka Suuriya uu marka danbe isu badali karo wadan kala qaybsan oo u kala qaybsama qaab diimeed , dagaal sokeeye oo faraha looga gubtaana uu ka qarxi karo, kaas oo saamayn weyn ku yeelan kara dhamaan wadamada hareeraha ka xiga wadanka Suuriya, ayna ugu horeeyaan Lubnaan , Ciraaq , labadaas wadan oo ay ku nool yihiin dad ka soo kala jeeda Shiicadda iyo Sunnaha, Marka danbena xaalku ku danbayn dooni sidii uu Faransiisku u kala qaybiyey, ad, dawlad Sunniya oo dimishiq looga taliyo, Dawlad Shiico Ah Oo Laadiqaya Looga Taliyo, Dawlad Kurdiya iyo Mid Durisiya.

Waxa kale oo ay wadamada reer galbeedka aad walaac uga muujiyeen saamaynta ay dagaalada ka qarxaa Suuriya ku yeelan karaan nabad galyada Israa‘iil, siiba markii xaaladdu isu badeshay mid gacan ka hadal ah, iyada oo ay soo badanayaan wararka sheegaya in ay dagaalka qayb ka yihiin kooxda Alqaacida, waxayna waddamada reer galbeedku cabsi ka muujiyeen haddii dagaalku sii daba dheeraado mid sokeeyo oo kululna isu badelo, in uu burburi karo maamulka iyo kala danbayntu xaalkuna ku danbeyn doono sida Soomaaliy iyo Afganistaan, taasina ay meesha ka saarayso 40 sannadood ee Israa‘iil nabad galyada kaga noolayd dhinaca xadka ay la wadaagto Suuriya , waxaana isu sawiray wadanka oo faraha ka baxay Yuhuudna jabhaddi kaga furan tay dhina buuraha Jolan, oo ay ka faa.iideysan karaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee aaminsan in Israa’iil bada lagu daro.

Qodobadaasi waxay ku keeneen reer galbeedka in ay ka cagataagleeyaan in ay sidii Liibiya weerar ku qaadaan wadanka Suuriya, iyaga oo ku andacoonaya in ay u gargaarayaan shacabka Suuriya.

Iiraan iyo Xisbullah ayaa iyaguna dhinacooda u arka in ay Suuriya u tahay difaac lama taabtaan ah oo haddii uu goobta ka baxo xukunka Calawiyiinta shiicada ahi in ay kala go,ikaraan Xisbullaha iyo Iiran , awooda Xisbullahina ay wiiqmayso taasina waxay keentay in Iiraan Taageero hiil iyo Hooba isla Garabtaagto Maamulka Bashaar Al-Assad , wadanka Ciraaq oo ay haatan gacanta ku hayaan dadka Shiicadda ah ayaa iyaguna u arka in haddii ay Sunniyiintu Gacanta ku dhigaan Suuriya ay ku furmi karaan dagaal horle oo ay Alqaacida helikaraan garab xoogan taasina ay khatar ku tahay Shiicadda Ciraaq.

Waddamada Gacanka Carbeed ayaa iyaguna u arka Suuriya in si kasta oo ay noqoto laga gacan maroojiyo Shiicadda xukunka Gacanta ku haysa 42sanno , ee taageerada ka helaysa Shiicadda Iiran oo ay u arkaan in ay Iiraan fadqalalo ka wado wadamada Sucuudiga iyo Bahrain , oo ay ku noolyihiin dad badan oo Shiica ahi Gaar ahaan bariga Sucuudiga iyo Wadanka Bahrain oo lagu sheego in ay yihiin 60%, Qatar iyo Turkey ayaa iyaguna garab iyo taageero u fidinaya mucaardka wadanka Suuriya.

Inkasta oo markii hore Suuriya , Iiran, Xisbulaha iyo Xamaas lagu tilmaami jiray xooggaga ka soo horjeeda reer Galbeedka iyo waxay cagaha ku jiitaan haddana waxa ay arrinta Suuriya sababtay in aragtiyo kala duwan laga kala qaato, tusaale ahaan Xamaas waxay go,aan ku gaadhay in ay ka guuraan wadanka Suuriya , waxayna canbaareeyeen xadgudubka shacabka Suuriya lagulka kacayo, waxayna ka gaabsadeen in ay taageeraan kacdoonka ka socda wadanka Bahrain , hasa yeeshee Xisbullaha waxa uu taageeray dawladda Suuriya talaabooyinka ay qaaday iyaga iyo Iiraan iyaga oo qaatay aragtida dawlada Suuriya oo ah in ay la dagaalamayso kooxo argagixiso ah , waxayna taageereen kacdoonka ka socda Bahrain, Sucuudiga ,Qatar Turkiga oo garabsanaya reer Galbeedkuna waxay taageero Dhaqaale iyo mid hub ahba u fidiyeen Mucaardka wadanka Suuriya , Bahraina waxa Sucuudigu u soo diray ciidan.

Warbaahinta laftarkeeda ayaa kula kala qaybsantay Arrinta Suuriya , waxayna sababtay in wariyaal badani iska casilaan Aljazeera , ayna furtaan warbaahin cusub , labada TV ee Aljazeera iyo Alarabiyaha ayaa iyagu si badheedh ah isu garab taagay kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda Dawladda Suuriya.

Kooxaha taageera Suuriya , Xisbullah iyo Iirana waxa ay furteen Tv-yo Cusub oo uu ugu horeeyo TV-.ga Almayadeen halkaas oo ay isugu tageen wariyaal badan oo ka digo rogtay Aljazeera.

Maamulka Bashaar Al-Assad oo u eg mid aan si fudud xukunka u wareejinayn cidiyahana ku diriraya dareensanna in xaalku laba mid taagan yahay, in dalka iyo dadka siduu ugu talin jiray ugu taliyo iyo in maydkiisa lagu dulqaado, iyo mucaarka ku kacsan oo aaminsan in aysan jirin meel laga noqdaa iyo labada garab ee kala taageersan sawirka sidaas ahi waxa uu muujinayaa in xaaladda waddanka Suuriya aysan ahayn mid muddo dhaw soo afmeer-rnaysa, waxayna u muuqataa mid galaafan karta dad badan una gudbi karta wadamo madan, waxaana taas sii xoojinaya siyaasadaha ku hareeraysan iyo wadamada ay xuduudaha leeyihiin, sidaas daraadeed ayaa dadka arrimaha bariga dhexe u dhuundaloolaa ku celceliyaan in aanay Suuriya ahayn Liibiya oo kale, oo xataa waddamada reer galbeedku waxay ka cagajiidayaan in ay goobaha ay hadda haystaan mucaarku ka sameeyaan goobo diyaaradaha ka caagan, iyaga oo ka cabsi qaba difaaca cirka ee Suuriya oo dhawaan Sooriday diyaarad Turkigu leeyahay ka dib markii ay in yar ku soo xad gudubtay hawada dalka Suuriya, waxaan shaki ku jirin in wadanka Suuriya raadweyn ku yeelan karo Bariga Dhexe, Haddii ay mucaardku la wareegaana isbadel baaxdweyni ka dhaci karo Bariga Dhexe taas oo aan la sii saadaalin karin.

Kacdoonka Suuriya Raadka uu ku yeelan karo Soomaalida.

Tan iyo intii Soomaaliya ku biirtay Ururka Jaamacadda Carabta Sanadkii 1974kii waddanka Suuriya dadka Soomaalida ah si diiran ayuu u soo dhaweeyey iyada oo halku dhiga wadanka Suuriya iyo Xisbiga dalka Talidiisa hayaa ahaa,( Carabtu Waa Dad Mid ah Oo Xanbaarsan Dhanbaal Mugweyn) hal ku dhigaasi waxa uu Soomaalida ka dhigay dad ka heliyjiray waddanka Suuriya qadarin iyo soo dhaweyn balaadhan shacab iyo xukuumadba.

Taasna waxaa la odhan karaa Soomaaliya ama xukuumadii alla hawnaxriistee Siyaad Bare ayaa raadweyn ku lahaa, waxaanay Soomaaliya wadanka Suuriya la lahayd xidhiidh saaxiibtinnimo oo qoto dheer gaar ahaana waxa ay Soomaali wadanka Suuriya u muujisay taageero weyn xilligii Dagaalku ka dhex qarxay Carabta iyo Yuhuuda 1973kii, waxayna Soomaaliya ku taageeri jirtay wadanka Suuriya Khayraadka ilaahay ku manaystay sida Hilibka iyo Kdudaarta ilaa maanta waxaad shacab Suuriya ka dareemaysaa in uu maankooda ku sii jiro Muuska Soomaaliya, oo aad arkaysid iyada oo Suuqdayada Khudaarka lagu iibiyo ku yaboohaya in muuskani ka yimi Soomaaliya , si ay dadku u gataan, iyada oo la ogyaha in uu Muuska markaas ay gadayaan ka soo go,ay wadamada Ameeriga Dhexe sida Urugwaay.

Waxaa jiray Soomaali badan oo waxbarasho heerar kala duwan kaga qalin jabisay wadanka Suuriya, iyada oo xukuumadda Suuriya u qoondaysay Soomaalida deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah sanadkiiba 30 arday tiro ku dhaw, kuwaas oo isugu jira kuliyadaha kala duwan ilaa heer caafimaadna gaadhsiisan, waxayna arrintani soo bilaabmatay xilligii Soomaaliya Jaamacadda Carabta ku biirtay ilaa maantana ay san sanad kaliya baaqan.
Soomaalidu waxay wadanka Suuriya ku soo gali jireen si ka fudud wadamada kale ee Carabeed, waxayna in badan oo Soomaali ahi ka soo gureen Soomaaliya, Carabaha, Ameeriga iyo Yurub , dhamaantoodna waxay ka heleen waxbarasho ay la mid yihiin muwaadiniinta u dhashay wadanka Suuriya iyada oo aan lagu xidhin sharciga degaanaanshaha, Soomaali kale oo badani waxay u imaan jireen dhinaca caafimaadka gaar ahaan ilkaha oo Soomaali badani uga soo safri jirtay Yurub iyo Waqooyiga Ameeriga, Suuriya oo ka mid ahayd wadamada ugu horeeya dhinaca caafimaadka Ilkaha iyo Indhaha, waxaa iyaguna jiray Soomaali badan oo ay wado u ahay Suuriya iyaga oo ku sii jeeda Qaarada Yurub.

Arrimahaas aan ka soo sheekaynay iyo kuwo kale oo badani waxay ahaayeen Faa’iidooyinka ay ku qabeen Soomaalidu Shakina kuma jiro in dagaalada ka qarxay halkaasi ay raadweyn ku yeesheen Soomaalidii halkaasi ku dhaqnayd, waxaana dhibaato ka soo gaadhay qoysas badan oo Soomaali ah, qaarna ayba ku geeriyoodeen dagaalka halkaasi ka socda, kuwo badan oo kalena ay wadanka uga qaxeen Turkiga, Lubnaan Iyo Masar.

Si kastaba ahaatee waxaan shaki ku jirin in xukunkii soo taxanaa mudada 42 sannadood ahaa ee reer Xaafid Al-Assad iyo Shiicadda Calawiyiinta ahi uu sii galbanayo, waxaan iyana marnaba layska indha tiri karin in uu galaafan doono dad badan dalal kalena xaaladani u gudbi karto.

Assad Caddaani Ibraahim
asadlaska@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.