Home » Faallo »

Lacag Kunaa u yar, Darajana Xidiglaa u yar, Xilna Madaxweynaa u yar.

Markii ay sii idlaanayeen lacagihii Soomaalidu lahaan jirtay ee Shilinka Soomaaliga ayna u dambeysay wax qabriga la dhigo lacagta Shanta Boqol ah ayaan waxaan la yaabay hees uu sameeyey Maki Xaaji Banaadir oo ahayd “Lacag Kunaa u yar kunaa u weyn”, waxaa la yaab leh in Dal uu Nidaam Dowladeed ka jiro in uu isticmaalo Hal Naqashad oo lacag ah, wax walba waxay ku soo dhamaadeen in Kun wax lagu kala iibsado, waxaa hadda muuqata in uu Waddanku u guurayo in la isticmaalo lacagta Doolarka, hadda iyadaa wax lagu kala iibsadaa.

Ka soo gudub, marka aan leeyahay Darajana Xidiglaa u yar, iskama aanan oran laakiin waa wax aan Xooraansi hoose ku soo sameeyey, nin odey ah oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ciidamada ayaa mar ii bitiyey oo igu yiri “Ma la socotaa in Garaadada ciidamada ee ay ugu yartay Xidigta” Aniga oo Warkaas qaba Qalbigana ku haysta ayaa iri Adeer Maya , intii aan wada taagneyn ayuu farta iigu fiiqay meel ay joogaan koox ciidamo ah oo ilaalo ka ahaa Waddo ayuu igu yiri “Ciidankaa weydii Darajooyinkooda”, waxaana u dhaqaaqay dhankooda, waxaana u tagay kooxdii Ciidanka ahayd waxaana ka gartay Askari iyaga ka mid ahaa, waxaana weydiiyey Darajadiisa, wuxuuna ii sheegay in uu Xidigle yahay, kuwii kale oo aan meesha isku baranay ayaan weydiiyey Darajooyinkooda, waxayna yiraahdeen “Aniga Xidigle, aniga labo Xidigle, aniga Kabtan” waxay dhamaantood iila Muuqdeen Ciidan wada Dableey ah , anigoo qoslaya ayaan Odeygii ku soo laabtay waxaana u sheegay in uu wax ii iftiimiyey balse baaritaan badan u baahan tahay, maalmo kaddib ayaa Wiil Dhalinyaro ah oo ka soo baxay Tababar cusub (Kuruud) ayaan weydiiyey Darajadiisa i“waxaan ahay Xidigle” ayuu iigu jawaabay, waan yaabay, waxaana ku iri “War ninyahow hadda ayaa Tababar cusub oo Kuruud ah ka soo baxay goorma Xidigle gaartay”, wuxuu ii sheegay in Darajo ka hooseysa Xidigle in la sheegto xiligaan ay ceeb tahay.

Koox Isbaarooleey ah ayaan weydiiyey Darajooyinkooda, mid wuxuu yiri Xidiglaa ahay, midna labo Xidigle, waxaa iigu yaab badnaa Will da’ yar inuu ii sheegay in uu Gaashaanle yahay, waxaan weydiiyey sababta Xidigle iyo Gaashaanle ay isbaaro u joogaan waxay igu yiraahdeen “Saaxiib anaga wax la yiraahdo Dable ,Alifle,labo alifle Xarigle in aad afka la taagto waa Ceeb iyo wax laga Xishoodo anagana maxaa noola yaaban tahay rag naga liita oo Maleeshiyo Beeleed ah ayaaba Janaraalo ah”. Waxaan weydiiyey ma isku qadarisaan Darajooyinka aad Sheegaaneysaan waxaa uu yiri” Maya maanta Gaashaanlaa la igu yeerayaa Berina laba Xiddigle”Markaas baan hoosta ka iri” Darajo Maxay Qiimo Beeshey”

Xaalku wuxuu maalinba maalinta ka dambeysa in isbedelaba waxaa dhacday in dadkii oo dhan ha noqdo Aqoonyahan, siyaasi iyo shacabba waxay u tartamayaan xilka Madaxweynenimada Soomaalida waxaa hadda la sheegayaa in Tartanka xilka Madaxweynimada Soomaaliya ay isku diwaangeliyeen ku dhawaad 100 Musharax iyadoo Tiradu ay intaas ka sii kordheyso, waxaana muuqata in xilalka ka hooseeya Madaxweynimada aan il wanaagsan lagu fiirineyn oo hadii aad Tiraahdid Beeshaada war ila raadiyo Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo Agaasime Guud waaba laguugu yaabayaa oo laguugu Ceebeysanayaa,waxaa Xiligaan taagan ninkii kaa horyimaada wuxuu kugu salaamayaa “Mudane Madaxweyne”, waxaa iigu yaab badneyd mar aan arkay carruur yar yar oo mid ka mid ah ugu yeerayaan Madaxweyne, waxaana weydiiyey sababta ay saaxiibkood ugu yeerayaan Madaxweyne, mid ka mid ah carruurtii ayaa igu yiri “isaga ayaa jecleystay in loogu yeero”,.

Wiilkii yaraa ee Madaxweynaha loogu yeerayey ayaan weydiiyey sababta uu ku jeclaaday in sidaas loogu yeero, wuxuuna yiri “Teleefishinada iyo idaacadaha ma dhageysan miyaa, Habeen walba, waxaa la soo saaraa ilaa Shan qofood oo mid waliba uu doonayo Madaxweyne, marka anigana maxaa iga reebaya in la igu yeero Madaxweynenimo”. Waxaana weydiiyey inuu og yahay xilal fara badan oo ka soo hooseeye Madaxweynimada, wuxuu yiri wiilkii yaraa “Haddii ay taasi jirto maxay dadka badani u doonayaan Xilka Madaxweynimada”, carruurtii yareed inta ay qosleen ayay si wadajir ah u yiraahdeen “Adiga kuwa hoose ayaan kuugu og nahay, annagana Adeer Madaxweyne ayaa na Qanciya”.

Guntii iyo Gebagabadii haddii lacagtii kun u yar yahay, Darajadiina Xidigle u yar yahay, wax ka hooseeye Madaxweynimana aan la dooneyn maxaa xal u noqon kara Ummaddaan Cirka mareysa oo aan diyaar u aheyn in hoose wax ka soo bilaabaan, waxaa sheego ku maqley in Xiligii Xoriyadda la qaatay ayaa dadka intiisa badani u tartamayeen Karaaninimo, waxaana qof sare loo arki jiray qofka Karaaniga ah, iyadoo ay dadka ka dhaadhacsanayd in shaqo ka fiican karaanimo aysan jirin, markaas ayaa nin abwaan ahaa wuxuu curiyey gabay uu ugu magacdaray “Dowlad Wada Karaani ah”, Maanta waxaa la marayaa Ummad wada Madaxweynayaal ah, Ummad wada Janaraalaa iyo lacag Kunku u yar yahay una weyn yahay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Lacag Kunaa u yar, Darajana Xidiglaa u yar, Xilna Madaxweynaa u yar. "

  1. JARATE says:

    ADIGA QORAALKA QOREY IYO ANIGA IYO RUUX WALBA OO GARAAD LEH WAXA DHACAYA WAA TAARIIKH AAN WAX KA BARAN KARNO.WAXAANA JECLAHAY SIDA AAD U SAWIRTO ARIMAHA SOOMAALIYA ADIGA OO TUSAALOOYIN BADAN ADEEGSANAYA.