Home » Warar »

Musharaxa Madaxweyne Yaasiin Maaxi oo Muqdisho soo Gaaray

MUQDISHO: Musharaxa xilka madaxweyne ee Soomaaliya Md. Yaasiin Maaxi Macalin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, Iyadoo qeybaha bulshada ay kaga hortageen garoonka Caalamiga ee Magaalada Muqdisho.

Musharaxa Yaasiin Maaxi ayaa durba Kulamo xasaasi ah la qaatay waxgarad kala duwan isagoo sharaxaad uga bixiyay musharaxnimadiisa iyo siduu u daneynayo inuu ka qeybqaato samata bixinta dadkiisa Soomaaliyeed.

“Dalka wuxuu u baahan yahay hoggaan ka daacad ah wax u qabadka dadkiisa dhibaatada ku raagtay, si loo samata bixiyo, Anigu waxaan qorsheynayaa hanaan cad oo aan mustaqbalka dhow iyo midka fog uga adeego ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Md. Yaasiin.

“Waxaa la xaqiijiyay in saboolnimadu ay shidaal u tahay argagixisinimada, waxayna khatar ku tahay xuquudda Adamiga, demoqradiyada, nabada iyo deganaanshaha. Sidoo kale Barnaamijyada ciribtirka saboolnimada waxaa lagu guuleysan karaa oo qura ah markii aqoon loo yeesho waxyaabaha sababay. Waxaa loo baahanyahay in sababaha saboolnimada lawada tixgeliyo markaa la qimeeynayo micneheeda, sida: dakhli aad u yar, aqoon yari amma jaahilnimo, daryeel cafimaad la’aan, tixgelin la’aanta xuquuqda adanaha iyo mabaadida demoqraadiyada. Intaba waxaa laysku yiraahdaa Horumarinta Adanaha”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay u tartamaha xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Mas’uulka oo muddo 25 sano oo uu ku noolaa dalka Sweden caan ku ahaa inuu xaafiisyada garsoorka ugu doodo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi tegay in badan uu ku guuleystay sharciyeyntooda iyo dejintooda, waxayna dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh Yaasiin Maaxi ay sheegeen inuu yahay nin dhallinyaro ah, leh aqoon iyo karti ku filan laguna aamini karo masiirka ummadda Soomaaliyeed islamarkaana ka badbaadin kara xaaladda culus ee dhinacyada, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo IWM.

Waxaa soo tebiyey
Said Ibrahim saciid_buuna@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.