Home » Warar »

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Ganacsade caan ah ku diley Beledweyne, kaddib markii uu fahmi waayey luqadda Itoobiya oo ay ku amrayeen in uu istaago

“Luqadda Itoobiyaanka ayey kula hadleen oo ku dheheen istaag, markii uu fahmi waayey ee uu socodkiisii iska sii wateyna waa toogteen…”

Wararka ka imanaya magaalada Bedelweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maanta (Agoosto 6, 2012) ay halkaas ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku dileen ganacse caan ka ahaa magaaladaas.

Ganacsadaha oo magaciisu ahaa Maxamed Xiirey ayaa la sheegay in ay Ciidamada Gumeysigu toogteen kaddib markii afkooda ayagoo ku hadlaya ay ku amreen in uu ka istaago waddo ay ku sugnaayeen.

Laakiin bacdamaa marxuumku uusan fahmayn luqadda Itoobiyaanka iyo waxa ay ka hadlayaan ayuu iska sii watey socodkiisii, ayaguna markaas ayey rasaas huwiyeen, sidaasna uu marxuumkii ku geeriyoodey, sida laga xigtey dad ka ag dhawaa goobka dilku ka dhacay.

Medkii waxaa meeshii ka qaaday eheleda marxuumka.

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa xoog ku haysta qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan oo ay soo galeen December 31, 2011.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay ciidanka gumaysiga Itoobiya ay dad Soomaaliyeed si bareer ah ugu toogtaan gudaha Soomaaliya, ama tacadiyo u geystaan ummadda Soomaaliyeed.

Webiga Dhexmara Magaaladda Beled weyne oo Marti u noqdey Meydadka dadkii ku Noolaa Magaaladaas

Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaaladda Beled weyne oo dad Rayid oo ay ku jiraan Ardey ku laayey Magaaladaas

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Ganacsade caan ah ku diley Beledweyne, kaddib markii uu fahmi waayey luqadda Itoobiya oo ay ku amrayeen in uu istaago "

  1. Hassan says:

    Ilaah ha u naxariisto Marxuumkaas Dilka, dhaca, kufsiga iyo xadhiga waxay reer baladwayne iyo Gobolada kale La Qabaan Walaalahooda Somaliyeed kale ee 150 sano dhibkaas lagu hayay.