Home » Maqaallo, Warar »

Baaq ku socda Ummadda Soomaaliyeed: Qodobka Khuseeya badda iyo dhulka, hallaga saaro Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub

Waxaa markale baaqday shirkii la doonayey in lagu ansixiyo Dastuurka, kaas oo la doonayey in uu ka furmo Muqdisho (Sabti July 21, 2012) ayaa la sheegay in uu u “baaqday arrimo farsamo”.

Waxaa xaqiiqo ah in Ummadda Soomaaliyeed ay la wada socdaan damaca ay Keenya ku raadineyso in ay ku boobto dhulbadeedka Soomaaliya ayadoo u mareysa dariiqad kasta si ay ugu hirgasho mashruucaas wajiyada badan oo aan si cad dhowr jeer uga hor imid.

Wajiga cusub oo hadda uu Mashruuca Kenya lasoo baxay waxuu yahay in ay dhulbadeedkii ku cabirnaa Heshiiskii Is-Afgarad oo Qaramada Midoobay aay hadda ka hor go-aan ka gaareen ayadoo laga soo qaaday WAXBA KAMA JIRAAN- (NULL & VOID), ayeey hadda u kala qeybiyeen heshiisna kula galeen si shiidaal loogu soo saaro Shirkadaha kala ah:-

  • Anadarko: Block L5.
  • Total : Block L22.
  • ENI (Talyaani): Block L21, L23, L24
  • Statoil (Norway): Block L26.

Waxaa si isdaba joog ah usoo ifbaxaya khilaaf u dhexeeya wasiirka Dastuurka iyo Odayaasha Dhaqanka, islamarahaantaasna waxaannu la wada soconnaa in Dastuurka Qabyo Qoraalka oo hadda qarka u taaganyahay in la ansixiyo ayadoo lagu soo daray Qodob Kenya u hiilinaya in uu u hirgalo Boobkaas iyo khayaanadaas aay damacsanyihiin.

Qodobka 7aad (Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya), farqaddiisa 3aad ayaa lagu soo kordhigey erayada: Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

Kuwa raba in dastuurkan la ansixiyo aad ayeey isugu taxallujinayaan in loo gudbiyo guddiga 850ka xubnood ah, kaddibna muraadkoodu waxuu yahay in la dhaho waqti hadda lama hayo lagu doodo ama qoraalka isbaddal hor leh lagu sameeyo ee hadda halloo codeeyo. HAA ama MAYA.

Arrintaas waa iska fahmi karnaa sida aay ku dhamaaneyso oo ah 50%+1 oo cod dheeri ah, ayadoo la dareemi karo doorka y ka cayaari doonaan Kenya iyo xulafadeeda.

War Soomaaliyeey Kumeel Gaarka (KMG) Hallaga boxo yaan lagu doorsan bililiqo loo geysto dhul-badeedka Soomaaliyeed.

Haddii la rabo in Dastuurka la ansixiyo, lana doonayo in laga boxo KMG, waxan qabaa in qodobka badda ama dhulka khuseeya gabiigiisaba laga saaro Qabyo Qoraalka oo aan loo gudbin guddiga wax ansixinaya si looga badbaado shirqoolkaas iska cad.

Sida aan la wadasoconno, qodobkaan khatarta ku ah dhul badeedka Soomaaliyeed, ma ahan mid dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed ee waa mid nalagu dirqinayo in la ansixiyo si loo gaaro danaha laga leeyahay dhul badeedka Soomaaliyeed oo ah in la bililiqeesto.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com


Hal ku dhegga Maanta:

Maxaa xuubka caarada na badey xaqana noo diidey
Ma xooleynu nahay maa dulmiga laga xajiimoodo
Xaqiyo baadil kee baa xurmo leh waa xujiyo yaabe
Annagoo diin xaniifaloo xabiibku noo keeney
Xufaaddiina ay joogto oo xabadku noo buuxo
Maxaa xeerka gaaladu dhigteen nagu xambaaraaya
(Abshir-Bacadle)

AKHRI: Aqalkii Liitey ee uu qoray Dr. Eenow

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Baaq ku socda Ummadda Soomaaliyeed: Qodobka Khuseeya badda iyo dhulka, hallaga saaro Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub "

  1. Muddo dheer baan dood iyo juhdi ku jirnay si aan wax u tusno ummadaan aan bog damqadaba lahayn. Ummad aan aqoon barwaaqada faraha badan ee aysan dawlado badan haysan. Ummad ka indha la’ oo marti uh kheyraadka dhex ceegaaga badda gunteeda. Ummad aan garan cadawga jecel in uu helo mar un miidaas. Ummad doodoodu tahay anaa amiir wa anta ammiir, laakiin aan sidaas u sii ridneyn. Somaliyay ka kaca hurdada Isimada dhaqanka, Duubabka iyo indheer garkaba waa Ramadaan Rabi ka cabsada u tura da’ yarta idinka dambeysa oo ka saara qodobkaas khiyaamadu ku jirto si aan beri looga qoomamayn.

  2. yaab wlhi arintaa ayaba shidadeda leh. Oday ka mid odoyal dhaqamedyada somaliyed ayaa waxan weydii maxa shirka ku diiday oo ugu qeyb kali waaysay ?? Ka dib wuxuu igu jawabay in danbi kasoo racayo sababtoo ah buu yiri odayasha lacag(laaluush ah aya la sinaa) yacni lacag badan qaado oo u codey dastuurka benaaad cml. Macaada laah bari ka maalini waxa lagu dhaha adigaa ogolaatay dastuurka

  3. Sheegoow says:

    Mashaa Allaah, Allaha u naxariisto Abwaan Abshir Bacadlle wuxuu ahaa Abwaan ilaah ka buuxshey xigmad, beriyihii danbana dhanka diinta wax ku beegi jirey ama ku cabiri jirey waxaa inbadan faham noogi filan diinteena in aan raacno waxa eey na fareyso. Dastuur ka qalisan midka Hada laqorayo aan heesanana . Wixii Islamku ku hishiiyo ma xumo laakin waa inuu diinta wafaqsan-yehay. Cidii doneyso ineey Dhaqan wacan iyo Nabad ku noolaansho radineyso ha raacdo dastuurkii Alle inoo soo dejiyey isagaa wax walbo inaga deeqee. Somalia in la dhaco waxeey iska noqotey wax iska caadi ah waxaan soo xasuustaa Maah maahdi aheed (Nin-Bukaa kun ayaa la taliso). Aduun walbo Somalia inuu doonayo Bad-baadadeeda ayuu sheega hadana danihiisa ayuu ka garaa ,waxaaba intaa ka daran aqoon yahano somaliyeed oo ka shaqeynayo danta dadkale toodi iyo tii Dalkana dayacaya. Alloow kuwaa naga qabo adaa awood lahee noogu dhiib kuwa xaqaada tana eey umada masuulka ka yihiin dhowraya. Amiiin,Amiiin