Home » Announcements »

Horyaalka Soomaalida Jiddah oo soo Gaaray wareega 8-da

Horyaalka jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga ayaa soo gaaray wareega 8-da waxaana kooxaha soo baxay ay kala yihiin: Jubba Airways, Banaadir, Goley, Blue Star, Iftin Star , Sharbatle, Xiddigaha Ruweys, iyo Batroolka.
Kadib markii ciyaaro adag ay dhexmareen kooxaha Iftin iyo Boondheere – Jubba Airways iyo Jiin wabi, Banaadir iyo Janaale, Goley iyo Blue Stars aya akooxaha kor ku xusan waxaan u suuragashay in ay soo gudbaan..

Aan ku horeyno Ciyaartii dhexmartey Kooxaha Jubba Airways iyo Jiin wabi ciyaartaasoo aheyd mid la wada sugaayey si loo ogaado kooxda xaqiijineysa ina booskeeda wareega 8aad ciyaartaasoo ku bilaawatey mid weerar iyo weerar celin ayaa waxaa 2gool oo is daba joog ah dhaliyey kooxda Jiin wabi intaasi ka dib waxaa isna gool dhaliyey kooxda Jubba Airways waxey socotaba waxaan hada goolkoodii sadexaad dhaliyey kooxda Jiin wabi ciyaartiina wey ka sii kululaatey oo waxaa hal mar isbedeley jawiga ciyaarta iyadoo kooxda jubba airways ay iyana markoodii dhaliyeen laba gool oo isdaba joog ah sidaasina ay ku noqotey 3 : 3 oo ay isku mari waayeen sidaasina waxaa kaalinta koowaad group kusoo baxey Kooxda Jubba Aiways ka dib markii ay uruursatey 14 dhibcood waxaana kaalinta labaad kusoo baxey kooxda banaadir ka dib markii ay 1 : 0 ugu badisey kooxda Janaale sidaasina ay ku uruursatey 13 dhibcood halka ay kooxda Jiinwebi ay yeelatey 12 dhibcood. Waxaan group “ B “ soo gaarey wareega Sideedaad Kooxaha Jubba Airways iyo Banaadir .

Group “A’ waxaa kaalinta koowaad kusoo baxey Kooxda Goley ka dib markii 2 : 0 ay kaga badisey kooxda Blue Stars halka ay kaalinta labaad kusoo baxeen Kooxda Blue Stars .

Groupka “ C “ waxaa kaalinta koowaad kusoo baxey kooxda Iftin Star ka dib markii 1 : 0 ay ku suul daareen Kooxda Boondheere .

Group “ D “ waxaa kaalinta Koowaad ku soo baxey kooxda Xiddigaha Ruweys halka ay kaalinta labaad kusoo baxeen Kooxda Batroolka .

Waxeyna isku arkayaan sida soo socota :

1- Kooxaha Goley iyo Banaadir – Kooxaha Jubba Airways iyo Blue Stars
2- Kooxaha Xiddigaha Ruweys iyo Sharbatle – Kooxaha Iftin Stars iyo Batroolka
Ciyaarahaasi waxaa la ciyaari doonaa haddii alle idmo bisha ramadaan ka dib waayo inta lagu gudo jira waxaa bilaawanaya koobkii Ramadaank .
Hadaba waxaa is weydiin leh kooxdee ku guuleysan doontaa koobka Horyaalka ee jaaliyadda soomaaliyeed Magaalada Jidda ? laakin jawaabta la ogaan doonee marka fooda la is daro

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.