Home » Warar »

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeymo Dad Rayid ah wax ku Noqdeen ay ka Dhacdey Deegaanka Baako ee Gobolka Jubada hoose.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay Duqeeyeen Deegaanka Baako oo ku dhow Deegaanka Hosingow waxaana lagu waramey in Duqyntaas ay wax yeello ka soo gaartey Dad Rayid oo aan waxba Galabsan kuwaas oo la sheegay in ay ay ahaayeen dad Xoolo dhaqato ah .

Xildhibaano ka soo jeeda Deegaankaas ayaa Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ku eedeyey in ay yihiin kuwa markasta Bartilmaameeedsada dadka rayidka mana aha markii ugu horeysey ee ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay dhibaato u geystaan dadka aan waxba galabasan .

“Waxaan la yaabanahay Qorshaha Dowlada Kenya ee ay ku duweynayaan dadka Riyidka ah waayo Raggii ka soo horjeedey waxa Dagaalo kaga soo horjeedan deegaanada ay soo galeen Ciidamada Kenya marka Kenya Diyaaradaheeda waa uun soomaali ha la dhibaateeyo marka waxaan ka dooneynaa Dowladda Kenya In ay Magdhow ka bixiyaan dadkii rayidka ahaa ee ay ku duqeeyaan Deegaano ka tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo “ayuu yiri Xildhibaankaas oo u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay wax ka qabtaan Xasuuqa Ciidamada Kenya ay u geysanayaan dadka rayidka ah

Cabdinaasir Seeraar oo ka mid ah Saraakiisha Raaskambooni ayaa sheegey in Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay garaaceen Saldhigyo ka tirsan Xarakada Alshabaab isagoona intaa raaciyay in duqeyntu ay tahay mid sii socon doonta isla markaana meel walba oo ay ku maqlaan in ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada shabaabku in la duqeyn doono. Sarkaalkan u hadlay raas kaanbooni ayaan soo hadal qaadin wax khasaare ah ee soo gaaray Dadka rayidka ah iyo sidoo kalena Khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Ciidamada xarakada Shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.