Home » Warar »

Dufcaddii Labaad ee Ciidamada Dalka Jabuuti oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka mid ah Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa maAnta soo gaarsiisay Dufcaddii labaad ee ciidamadooda qaybta ka ah Amisom Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Jabuuti ayaa hore ciidamo hor u dhac ah ay dalka Soomaaliya ugu soo direen horraantii sanadkan kuwaasoo shaqo ahaan lagu qorey ama lagu magacabay Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho oo aan tiradooda la shaacinin ayaa waxaa halkaa sii diiran ugu soo dhaweeyay Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom.

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha caalamiga ayaa aad loo adkeeyay iyadoo waddooyinka soo gala garoonkana si weyn loo ilaalinyay. Ciidamadan oo ku biiri doona Ciidamadii hore Jabuuti uga joogay Muqdisho ayaa sida la filayo waxaa la gaarsiin doona Gobolka Hiiraan gaar ahaana Magaalada beled weeyne oo ah halka Ciidamada Jabuutiyaanku ay ka sugi doonaan ammaanka.

Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Munaasibaddii Shan iyo Soddon Guuradii Madax banaanida dalkaas dhawaan ka hadlayay ayaa sheegey in Soomaaliya ay u dirayaan Ciidamo dheeraad ah oo qayb ka noqonaya hawl galka amisom.

Madaxweyen Geelle ayaa Ciidamada jabuuti ku amaanay Geesinimo isagoona u rajeeyay kuwa Soomaaliya jooga iyo kuwa tagayaba in ay kaalin xoog leh ka qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa dawladnimadii iyo kala danbeyntii dalka Soomaaliya.

Si kastaba imaatinka Ciidamada jabuuti ayaan la garanayn waxa ay ka bedelayaan Xaaladda ammaan ee Magaalada Beled Weeyne oo xiligan ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka oo hore u sheegey in ay xilka ku wareejinayaan Ciidamada Amisom.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.