Home » Warar »

Warbixin ku saabsan Shirkii u Socdey Dawladda KMG Somaliya iyo maamulka Soomaaliland

Iyadoo maalinimadii shalay si rasmi ah uu u bilowdey wada hadaladii u dhaxeeyay dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya iyo maamulka SoomaaliLand ayaa wararka naga soo gaaraya shirkaasi waxa ay sheegayaan in si habsami leh ay u soconayaan.

Shirka oo ay goob joogayaal ka yihiin qaar ka mid ah Beesha caalamka ayaa dhinacyadu waxa ay halkaa isku weydaarsadeen Aaraadooda iyadoo dhinaca Soomaaliland ay aad u hadal haysey doonisteedii gooni isu taagga.

Dhinaca dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa dhankooda waxa ay muujinayaan dabacsanaan iyagoona ku doodaya in marka hore ay haboon tahay in la iskka ilaabo Hibashada dhibaatadii Waqooyiga Soomaaliya ka soo gaadhay Xiligii Xukuumaddii milateriga ay halkaa ka talinaysey.

Wararkii u horeeyay ee shirka naga soo gaaray ayaa sheegaya wax xoogaa is faham ah inuu haatan jiro isla markaana ay suurta gal tahay in wada hadaladan bilowga ah in ay sii socon karayaan.

Wararku waxa ay intaa ku dareen in la filayo in shirku isla maanta gelinkeeda dambe la soo gaba gabeeyo isla markaana gaba gabaynta shirka kaddib ay si wadajir ah u soo saaraan labada dhinac War Murtiyeed.

Ajandhaha Shirkan ay Gudiyada labada dhinac kaga wad hadleen ayaa sida la filayo waxaa loo gudbinayaa labada Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Axmed Siilaanyo kuwaasoo sida la filayo kulankan kulanka xiga ku yeelanaya dalka Imaaraadka Carabta.

kulankan oo ah kii u horeeyay ee labada dhinac fool ka fool ay u yeeshaan ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulada kala duwan ee dalka ka jira iyo waliba jaaliyadda Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan kuwaasoo sheegey in Soomaaliy aysan kala go’I Karin isla markaana loo baahan yahay in dib loo soo celiyo midnimadii Ummadda Soomaaliyeed ee lagu kala tegay Bishii May ee sanadkii 1991kii.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin ku saabsan Shirkii u Socdey Dawladda KMG Somaliya iyo maamulka Soomaaliland "

  1. In la wada hadlo ceeb ma ahan, ee dhibaatadu waa, dadkii dantu ka dhaxaysay ee Soomaalidu oo aan isla hadlayn ilaa qof shisheeyo soo amro inay kulmaan mooyaane, sida hogaan xumadu dadkeena u saamaysay ayey ka marag kacaysaa, Soomaali iyadaa dani ka dhaxaysaa may wada hadlaan oo danahooda iyo siday ay doonaan ku heshiiyaan iyagu intay sugayaan saancade marba yiraahda sidaas yeela, waxaan hubaa inaysan Soomaali jiri doonin sanado dhow oo aan inaga fogayn, taasna qofkastaa maanka ha geliyo inta la inoo kala dabqaadayo