Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiwali Gaas “…Axdi Qarameed Laguma Shaqeyn Karo…” Shir Jaraa’id – Video

“Dastuurka Waxaa Loo Ansixnayaa si kumeel gaar ah” Prof Gaas –

“Dastuurku Wuxuu u Baahan Yahay Afti, Si Loo Qaadana Waxaa Loo Baahan Yahay Tirakoob oo Wadankuna Nabad Gelyo Yahay Ama Xor Yahay, Intaas oo Dhan Hadda Lama Suubin Karo, Waxaana Loo Ansixinayaa Si KMG-nimo Ah…”

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maal mahii la soo dhaafay booqasho ku tegey dalka Jabuuti, islamarkaana kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuut Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa Md. Dilleyta Maxamed Dilleyte oo shir jaraa’id ku qabtey Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedadaa socdaalkiisa, waxa laga doonayo madax dhaqameedyada magaalada muqdisho ay ku kulmiyeen DKMG, Shirka Istanbuul ka furmaya, qabsashadii Degmadda Af-gooye iyo shirkii lagu soo gebagebeeyey magaalada Adis Ababa dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaan wax ka weydiiney odayaashii soomaaliyeed in ay ansixiyaan dastuurka cusub ama ay ka hadlaan, iyadoo hore uu u jirey baarlamaanka soomaaliya oo 550 xubnood ka kooban, axdi KMG ahaa, heshiiskii Kambala oo Roadmap-ka lagu soo sameeyey, islamarkaana hadda la soo sameyeeyey heshiis kale oo cusub iyo waxa ka dhalankara bur burinta heshiisyadii hore iyo kan cusub.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG Gaas isagoo ka warbixinaya shirkii Adis Ababa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey “Shirkaasi waxaa isu yimid sixiixayaashii Roadmap-ka, mudo yar oo kooban ayaa ka hartey waqtigii roadmap-ka la hirgelin lahaa, geedisocodka nabada Soomaaliyeed iyo soo af-jarida marxaladan KMG-nimada la yiraahdo, lana de dejiyo, shaqaduna waqtigii mucayinka ahaa ee loogu talo galey usoodhamaadaan, kadibna marka la gaaro Agoosto la ansixiyo dastuurka, baarlamaanka la soo xulo oo dowlad aan KMG ahayn ka dhalato Soomaaliya, inta ka horeysa wixii la dhameystirikaro xaga hawlaha dowlad wanaaga iyo dibu-heshiisiinta” intaas ayuu shirku ku saabsanaa.

Mar uu ka hadlaayey odayaasha ayaa wuxuu yiri “Madax dhaqameedku, iyagaa mas’uul ka ah soo xulitaanka baarlamaanka iyo ergada ansixinta dastuurka shaqadaas shaqadoodii weeye, annaga waxaa nalaka rabaa ka xukuumad ahaan iyo ka dowlad ahaan inaan baritaarno oo riixno in barnaamijka waqtigii loogu talo galey ku soodhammaado, mas’uuliyadeenu taa weeye, waana sida ay ku cadeyd labadii shir garoowe iyo heshiiskii Gaalkacyo”.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Gaas isagoo ka hadlaya shirka lagu qabanayo dalka Turkiga ayaa wuxuu yiri “ shirkaasi waa Istanbuul labo, arrimaha soomaaliya ayaa lagaga hadlayaa, wax-yaabo badana wuu taabanayaa, xaga nabad-gelyada sidii loo xoojin lahaa oo loo dhisi lahaa, waxaa kale oo lagaga hadlayaa horumarinta dalka iyo dibudhiskiisa, la qaadana abaabul weyn oo xaga dhaqaalaha wax looga qabanayo oo lagu dhisayo Soomaaliya, dhameystirka arrimaha siyaasadda, ansixinta dastuurka iyo waxa imaandoono Aogusto, 2012-ka, maarka ay dhammaato KMG-nimadu, kadibna wixii qorshe ah la isla eego, si soomaaliya ay u gasho marxalad labaad oo tan ka duwan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Gaas.

Sidoo kale ra’iisul wasaaruhu isagoo ka Hadley qabsashadii Degmadda Af-gooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa uu yiri “qabsashada Af-gooye waxay ka mid tahay guulihii is-daba jooga ahaa ee ay ciidamadu ka gaarayeen la dagaalanka cadowga soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo wixii kale ee Ajende shisheeye wata oo raba soomaaliya in ay dhibaateeyaan, waa ugu hambalyeeynayaa guusha ay gaareen ciidamadda soomaaliyeed. wadanka xoreyntiisa iyo xasilintiisa way soconeysaa meel fiican buu marayaa, marka waan ku faraxsanahay ciidamadda guulaha ay gaareen”.

Mar aan weydiiyey Ra’iisul Wasaare Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxay su’aali ka taagan tahay odayaashii Soomaaliyeed in ay ansixiyaan dastuurkii amma ay ka hadlaan, sida hadda aad addigu sheegtey, horena waxaa u jirey baarlamaanka Soomaaliya oo 550 xubnood ka kooban iyo axdi KMG ah, waxaa kale oo jirey heshiiskii Kambala oo Roodmap-ka aad ku shaqeyneyseen ah, haddana waxaad soo sameyseen heshiis kale oo cusub, haddaba sharci kasta amma axdi kasta oo la sameeyo oo soomaaliya ay yeelato miyuusan ahayn mid markasta dib loo bur burinayo?!

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Gaas waxaa uu ku jawaabey “ walaall aan kuu sheego axdi qarameedka, mudaa lagu soodhaqmayey, kadibna dastuur baa la sameeyey mudo soo socdey, waxaan annagu bilowney ma ahan 2006-dii ilaa iyo hadda ayuu socdaa, qabyo qoraal baa la oran jirey, isaga ayaa waxaan u saarney gudi la yiraahdo khuburo in la soo af-jaro, maadaama mudo uu socdey, lana dhameystiro, axdi qarameed laguma shaqeyn karo, sababtoo ah waxaan rabnaa inaan ka baxno KMG-nimo, si looga baxana waxay u baahan tahay dastuur, KMG-nimaduna ma noqon kartid dowlad taam ah, inta la rabo intaa weeye.”

Waxa uu intaas raaciyey “Odayaashu ma ansixinayaan dastuurkee ergadii 825-ta ahayd ee ansixineysa dastuurka ayey soo xulayaan ee iyagu dastuur ma ansixinayaan, dastuurna waa lagama maarmaan, wadan aan dastuur lahayn dowlad ma yeelankaro, axdina laguma shaqeynkaro, sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan ka gudubno KMG-nimada, axdigu wuxuu shaqeynayaa dowladu inta ay tahay KMG, haddii la rabo In laga baxo waa in la helaa dastuurkii iyo cid ansixisa, marka la ansixiyo ma noqonayo kan ugu dambeeya ee dastuurku wuxuu u baahan yahay Afti, si loo qaadana waxaa loo baahan yahay tirkoob oo wadankuna nabad gelyo yahay amma xor yahay, intaas oo dhan hadda lama suubin karo, waxaana loo ansixinayaa si KMG-nimo ah, xukuumada imaandoonta ugu dhaqanto Aogus 2012-ka wixii ka dambeeya”.

Laakiin marka si guud loo eego qaabka ay wax u socdaan, su’aalaha is-dabayaal iyo jawaabaha mas’uuliyiinta KMG-rada lagu sii meel gaarey, oo lagu daro muuqaalada mac’malka ah ee soo foorara, foorida iyo farataaga faraha badan sheekadu waa faanoole fari kama qodna iyo falkii hore oo la falsafadeeyey!!

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiwali Gaas “…Axdi Qarameed Laguma Shaqeyn Karo…” Shir Jaraa’id – Video "

  1. Gureey says:

    R/Wasaaraha ma xushmeyn ku dhaqanka Axdi Qarameedka, Ma xushmeeyn Baarlamaanka oo ma hor imaado, mana hor keenaan heeshiisyada iyo miisaaniyadda. Marka yaa ka yeelaayo dastuur cusub iyo baalamaan cusub ayaan sameeynayaa qof sharciga jebiyey oo aan qadarin Baarlamaankii dalka. Hadii laga yeeli lahaa dastuurkaan tuugada Nairobi joogta lacagta ku cuntay oo Baarlamaan cusub xattaa la sameeyey, beriro haddii sideey doonaan ka waayaan madaxda TFG waa jebin doonaan dastuurkaas mana hor imaan doonaan Baarlamaanka cusub haddoow noqdo mid la xisaabtama. Marka ma waxeey noo sheegi doonaan waxaan haddana sameeyn doonaa dastuur iyo baarlamaan cusub. Sheeko baraleey.

  2. Axmed Baare says:

    Raiisalwasaaraha Cabdiweli ma been loow baa, aqoondaro baa haysa. Waxaan leenahay waana dastuurkii 1960 soomaali oodhan ay u cudaysay. Kaasna waa kan saxa ah. Marka maxuu u leeyahay dastuur la’aa kuma shaqayn karno. Waa inuu tuugada Nairobi iyo beesha caalanka u sheegaa inaan dastuur leenahay. Wixii loo baahanyahayna baarlamaanka cusub uu ku daro ama ka gooyo.
    Raiisal wasaarahaan daacad kama aha inuu wadanaka dantiisa iyo shacabka baahidooda difaaco.