Home » Warar »

Kibaki “Xaalada Sidii Hore way Dhaantaa ee waa in Dib loo celiyaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya”

Madaxweynaha Dawladda Kenya oo Khudbad u jeedinayay Shacabka Kenya ayaa soo hadal qaaday Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Bariga Dalka Kenya isagoona ugu baaqay ina ay dalkooda dib ugu laabtaan. Madaxweyne Kibaki ayaa sheegey in qaxootiga Soomaalida sababtii ay dalkooda uga soo baxeen ay ahayd Nabadgelyo Xumo sidaa darteedna ay xaaladdu iminka dhaanto sidii ay ahayd muddo ka hor.Madaxweynaha Kenya ayaa farta ku fiiqay in degaano fra badan oo hore ay uga talin jireen Xarakada Shabaab iminka laga saaray degaandaasina ay ka jiraan deganaansho sidaa darteeda loo baahan yahay in Dadkii hore u soo bara kacay in haatan ay dib ugu laabtaan Dalkoodii.

Kibaki ayaa xusay in xukuumaddiisu marnaba aysan si qasab ah dib ugu celinayn qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Xeryaha dha dhaab balse la khiyaar gelinayo Dadka halkaa ku dhaqan lana kala dooran siinayo in dalkooda ay dib ugu laabanayaan iyo in kale.Moi Kibaki ayaa sheegey in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ay ka kaashan doonaan sidii dadka doonaya in dalkooda dib ay ugu laabtaan loogu caawiyo.

Ma aha markii u horeeyay ee Xukuumadda Kiinya ay soo hadal qaaddo sidii ay dib ugu laaban lahaayeen qaxootiga faraha badan ee ku sugan Xeryaha waqooyiga bari ee Kenya. Dadkan qaxootiga ah ayaa siyaalo kala duwan uga qaxay gudaha Soomaaliya qaar ka mid ah dadkaas ayaa ka qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya halka qaar kalena ay ka qaxeen abaarihii ba’naa ee kal hore ku dhuftay Gobolada Koofureed ee Soomaaliya taasoo keentay in qaxooti ka badan afar boqol oo kun ay gaaraan Dalka Kenya

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Kulan la qaatey Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Koofur Afrika.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo habeen hore gaaray Dalka Koofur Afruika ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaalida eek u dhaqan Magaalada Johansiburag. Madaxweynaha KMG ayaa ugu horeynba war bixin ka dhagaystay Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida kuwaasoo ugu horeynba soo dhaweeyaya Wafdiga Soomaaliyeed ee soo booqday Magaalada ay joogaan.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa dabadeed ka war bixisay dhibaatada ku haysata Soomaalida dalka Koofur Afrika kuwaasoo sheegey in Soomaalida ku dhaqan Koofur Afrika in loo gaysto Dil Dhac iyo waliba Hanjabaadyo Joogta ah.

Mas’uuliyiintii Jaaliyadda Soomaalida ee Madaxweynaha warbixinta siisay ayaa sidoo kale ka warbixiyay mudadii ay halkaa ku noolaayeen iyo sababihii ku kalifay inay Dalka isaga soo cararaan.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo halkaa Khudbad dhinacyo baadan taabanaysey ka soo jeediyay ayaa ugu horeyn Jaaliyadda u guidbiyay salaam uu uga siday Shacabka Soomaaliyeed, Golaha Xukuumadda iyo Barlamanka Soomaaliyeed. ,Sheikh Shariif ayaa dabeeto u sheegay Xubnihii jaaliyadda Soomaalida ee halkaa ku sugneed inuu la kulmay madaxweynaha Dalka Koofur Afrika waxyaabihii ay ka wada hadleena ay ku jirtay dhibaatada lagu hayo Dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa u sheegey Jaaliyadda in dhibaatada lagu hayo Dadka Soomaalida ah ay haatan wixii ka dambeeya ay yaraan doonto
Intaas kaddib ayuu Madaxweynaha uga warbixiyay xubnihii uu la kulmay xaaladihii ugu dambeeyay ee Dalka Soomaaliya ka jira isagoona ugu baaqay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Afrika ku dhaqan in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha DFKMG ayaa Xubnahaas ka codsaday in ay Dalka ku sameeyaan Maal gelin isla markaana ay dalka soo eegaan is bedelada uu ku tallaabsaday. Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambayntii u rajeeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan horumar isagoona ka codsaday in ay la socdaan sida ay wax u soconayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.