Home » Warar »

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka oo si Weyn uga soo Hor Jeestay Shirka Maanta Muqdisha uga Furmay Ergada Ansixinta Dastuurka.

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmey Shirweynihii Oodoyaasha Dhaqanka ee Ansaxinta Dastuurka qabyo qoraaleedka ayaa haddana waxaa arrintaa qayla dhaan fara badan ka keeney .Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Bakool wuxuuna si aad ah uga hadlay kulankii maanta furmey Magaalada Muqdisho gaar ahaana Dugsigii Sare ee Boliiska.

Xildhibaanka ayaa sheegey in Odoyasha Dhaqanka ee loo asteeyay in ay ansixiyaan Dastuurka inaysan ahayn Odoyaashii dhaqanka ee dhab ahaan matalayay Beelaha ay ka kala socdaan isagoona Dastuurkaasi gebi ahaantiisaba ku sheegey mid aan u cuntamayn Ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray Dastuurkan mudaba ay ka qayla dhaaminayeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed balse ay wataan waa siduu hadalka u dhigaye Dad dano gaar ah ka leh.

Odoyaashan la sheegey in maanta ay Muqdisho ku kulmeen ayuu xildhibaanku ku yeeshay inaysan ahayn kuwii dhab ahaan metelayay beelaha Soomaaliyeed isagoona si gaar ah u soo qaatay Odoyaashii dhaqanka ee Gobolka uu ka soo jeedo ee Bakool in gebi ahaanba laga tegay.

Wuxuu sheegey in hanaanka xulashada Odoyaasha in lagu soo soocay nin jecleysi odoyaashii dhab ahaan metelayayna Gobolka Bakool laga tegay Ka sakoow Xildhibaan Mashruuc waxaa jiray maalimihii la soo dhaafay qaylo dhaan ka soo yeereysey qaybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasoo ka qaylinayay Dastuurkan oo ay sheegeen inuusan ahayn mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed Mahiga iyo dad la mid ahina wataan.

Ansaxinta Dastuurkan oo qaybo kala duwan oo Bulshada Soomaaliyeed ay ka hadleen ayay ku sheegeen inuu yahay mid dhibaato u horseedaya Soomaaliya halka qaarna ay ka Ishaarayaan in mar kale Soomaaliya Gumaysi lagu gelinayo islamarkaana uu wato Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soomaliya Agostina Mahiga

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uK
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.