Home » Warar »

Cape-Town: Arday Soomaaliyeed oo Tartanka Xisaabta Olympia-ka ka qaybgaley

Todobo arday Soomaaliyeed ayaa ku guuleeystay ineey u gudbaan tartanka lagu magacaabo “Olaympiad” loona qabto sanad kasta ardayda xidigaha ah ee dugsiyada sare (the best of the best) magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika. Tartanka ayaa waxaa loo qabtaa ardayda aadka ugu wanaagsan xisaabta, waxaana lagu qabtaa jaamacada caalamiga ah ee “University of Cape Town” loona soo gaabiyo UCT.

Halkan ka daawo Sawirada

Jaamacada tartankaan soo agaasinta ayaa ah jaamacada kaalinta koowaad uga jirta qaarada Afrika iyo wadanka Koonfur Africa, isla markaasna waxeey ka dhex muuqataa labada boqol ee jaamacadaha caalamku ugu horeeya. UCT waxaa ay marti galin doontaa tartanka caalamiga ee International Mathematical Olympiad (IMO) bisha July, sanadka 2014.http://www.uct.ac.za/dailynews/?id=8083

Labo wiil iyo 5 gabdhood ayaa nasiib u yeeshay ineey masraxa kalasoo muuqdaan sanadkaan ardey ka badan 8000 oo xisaabta aadka ugu horeeya. Ardada Soomaaliyeed ee tartanka galey ayaa waxaa ka mid ahaa:-

  • Bishaaro Muxuyadiin
  • Cabdiraxmaan Xaydara
  • Faaisa Cabdullahi
  • Hodan Cabdirashid
  • Maryan Xasan
  • Ibrahim Cabdulahi

Sanadkii tagey waxaa tartankaan usoo gudubtey hal gabar oo lagu magacaabo Naciimo Xuseen.

Ardayda Soomaaliyeed ayaa sanadahaan ku soo badanayey goobaha kala duwan ee wax barasho qaas ahaan gobolkaan Western Cape iyo wadanka Koonfur Afrika guud ahaan – min dugsiyada hoose dhexe, kuwa sare ilaa iyo jaamacadaha. Tiro lagu qiyaaso ilaa iyo in ka badan 500 oo ardey, kuwaasoo boqol ka mid ahna ka tirsan yihiin dugsiyada sare kuna kala baahsan gobolkaan ayaa ka diiwaan gashan goobaha wax barasho. Waana arin yididiilo leh in todobo ardey soomaaliyeed ah laga soo dhex xulo ayadoo cabirka ardayda soomaaliyeed uu fara ku tiris yahey marka loo eego tirade guud ee ardada dugsiyada sare ee gobolka Western Cape.

Wadanka Koonfur Afrika ayaa ka mid noqdey wadamada ay soomaalidu aadka u degtey iyagoo u badnaa qaxooti ganacsiyo ku heeysta, waxaana soo daahiraya in iminka ay wadankaan xuquuq ku yeelanayaan maadaama caruurtii ku dhalatey ay iminka heer jamacadeed u gudbayaan.

Ardayda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ayaa waxaa laga rajaynayaa ineey door wax ku ool ah ka qaadan doonaan xal u helida dib u dhaca iyo mashaakilaadka la harey bulshadooda Soomaaliyeed, gaar ahaan sidii loo gaari lahaa nabad, cadaalad iyo horumar. Dhanka kale waalidiinta ardayda ayaa qaybweyn ka qaatay Dhiiri galinta iyo horumarka ardeyda waxaana ka mid ahaa walidiintii soo xaadirtay suurtana galisay in warkani usoo gudbo saxaafada Somalida Hussein Cumar (Engeneer ka) oo ah nin u dhaqdhaqaaqa xuuquqda Somalida wadankan kaalin weyna ka qaatay waxbarashada ardayda Somalida siday ugu gudbi lahaayeen Jaamacadaha iyo schoollada wadankan iyo sidoo kale Cabdullaahi Cali oo aan ka dhicin hussein ahna nin aad ugu howlan wax qabadka Somalida South Africa iyo dalkii hooyo intaba .

Jamacada University of Cape Town (UCT) ayaa Aduunka ka gashay Kaalinta 103 aad Jamaacadaha aduunka waxaana ka mid ah ardayda dhigata kuwa ka yimid wadamada Europe, USA, Australia iyo wadama badan oo kuyaala aduunka dacaldiisa waxaa ilaa haatan inta la ogyahay dhigata Arday Gaadhaysa ilaa 4 Qof oo Somali ah Halka laga yaabo in sanadka 2013 ay gaadhaan ilaa Tobaneeyo Wallow ardeyda Somaliyeed ee Jaamacadaha wadankan dhigata ay Gaadhayso qiyaastii ilaa 70 ardey .

Sikastaba ha ahaatee waa tira aad u yar marka la eego Somalida South Africa Dagan oo lagu qiyaaso ilaa 70 kun waase yididiila fiican Marka la eego xawaaraha waayadan danbe waxbarasho ee kusoo kordhaya Somalida South Africa ood moodo inay fahmayaan hor’umarka ay leedahay waxbarashada .

Maxamed Xaaji, University of Cape Town South Africa .
Saxafi2009@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.