Home » Warar »

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka oo soo Dhaweeyay Bayaankii ka soo Baxay Maamulka SomaliLand ee lagu Magacaabey Guddigii Soomaaliland ee la Xaajoon lahaa Dowladda Federaalka

Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka tirsan Mudanayasha Barlamanka ku meel gaarka Soomaalaiya ayaa ka hadalay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Maamulka Soomaali land ee ahaa in ay magacaabeen Guddi wada hadal. Xildhibaanka ayaa sheegey in ay tahay fikrad wanaagsan in maanta Somali land oo muddo 20 Sana ah sheeganaysey in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ay maanta isu soo diyaariso in ay wada hadal la gasho Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir ayaa sheegey in Soomaaliya aanay marnaba kala go’ayn beesha caalamkuna ay ku Cadaadinayeen mudadaas Somali land in ay tahay Maamul ka mid ah Maamul Goboleedyada ka jira Dalka Soomaaliya sidaasna loo aqoonsan yahay. Xildhibaan Jiisoow ayaa soo dhaweeyay Guddigii dhawaanta uu magacabay Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegey in wada hadal ay la furayaan Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Dawladda Federaalka Soomaaliyana looga fadhiyo in sidan oo kale ay soo magacowdo guddi heer wasiira ah kuwaasoo la kulmaya Guddiyada ay soo magacaabeen Soomaali land.Xildhibaan Daahir jiisoow ayaa ku ammaanay Maamulka Soomaaliland labaatan sano kaddib in ay u soo noqdaan sidii ay walaalahooda Koofurta Soomaaliya ay wada hadal ula geli lahaayeen isagoona raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalada la filayo in dhawaan ay yeeshaan Soomaalida Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Hadalkan xil;dhibaanka ayaa waxa uu ka danbeeyay ka gadaal markii Maalintii shalay Maamulka Soomaali land ay soo magacaabeen Gudiyadii u meteli lahaa wada hadalada labada dhinac ay yeelanayaan waxayna kala yihiin Magacyada Guddiyadaas

Guddiga ayaa ah guddi farsamo, si ay wada hadallo toos ula gallaan dowladda Soomaaliya, xilli ay socdaan dadaallo xooggan oo ku aadan sidii wadahadallada ay yeelan doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaliland ay u noqdaan kuwa mira dhal ah, Guddigaani ayaa waxa Magacaabey Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Siil;aanyo waxayna kala yihiin Guddiyadas :

1. Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)

3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade

4. Wasiirka Cadaallada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo

5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

Magacaabista Gudiyadaan ayaa ka Dambeysey markii 23 bishii Febraayo ee Sannadkaan uu kulan ka dhacay Magaalada London lagu go’aamiyey in ay Wada hadlaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland hase yeeshee kulanakaan ayaan la ogeyn halka uu ka dhici doono balse warar baa sheegaya in kulanakaan uu ka horeyn doono kulan lagu wado in uu ka dhaco Dalka Turkiga kaasoo lagu g’aansan doono sida loo dhisi doono Dowlada Soomaaliyeed

W/D Amin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.