Home » Warar »

Nederland oo Qorsheyneysa Dib u soo Celinta Muwaadiniin Soomaali ah kuwoodii ugu Badnaa

Xukuumadda Netherland ayaa iminka wadda qorshe ay dib ugu soo celinayso dalka in ka badan Lixdan Muwaadiniin Soomaali ah kuwaasoo ku sugan haatan dalkeeda. Muwaadiniintan Soomaalida ah ayaa hore u weeydiistay in dalkaas laga siiyo Magan gelyo ha yeeshee xukuumadda ayaa si bareer ah ugu gacan seeyrtey codsigii qaxootigas Soomaalida ay ku doonayeen in ay ku helaan sharci dal ku joog ah.

Qaxootigan Soomaalida oo dhawaan dibadbax ay sharci ku doonayeen ka dhigay dalka Netherland ayaa waxa ay arrintaasi caro ku dhalisay xukuumadda dalkaas oo go’aamisey in dadkaas dib loogu celiyo Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Muqdisho. Cabdullaahi Maxamed Cali oo ka mid ah dadkaas oo warbaahinta caalamka la xiiriiray ayaa sheegey in dadkaas Soomaalida ah qaarkod ay halkaa joogeen muddo shan sana ah isla markaana ay si joogta ah u weeydiisanayeen in la siiyo Sharci qaxootinimo oo ay dalkaas ku joogaan
.
Cabdullaahi ayaa sheegey in iminka qaxootiga Soomaalida oo tiradoodu ay gaarayso illaa iyo laba iyo Toddobaatan ay ku sugan yihiin oo ay ku jiraan Xero la yiraahdo Xerada Tahriibinta muddo seddax biloodna ay halkaa ku xirnaayeen isagoona intaa raaciyay in Qareenaddii u doodeysey Muwaadiniintaas Soomaalida ah ay ku guul dareysatay in xukuumadda ay ka dhaa dhiciso sidii Soomaalidaas ay u heli lahaayeen Sharciyada ay doonayaan isagoona hoosta ka xarriiqay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay gacan ka gaysatay soo celinta Muwaadiniintaas Soomaalida ah.

Cabdullaahi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadaladan ka soo yeerey Xukuumadda Netherland isagoona sheegey in dhibaatadii Soomaaliya ay uga carareen ay weli dalka ka jirto haatana ay quus ka joogaan rajadii ay ka qabeen in dawladda Holland ay aqbasho qaxootinimadooda isagoona xusay in lagu war geliyay in ay isu diyaariyaan Safar qasab diyaarad lagu saarayo iyo waliba in ay ka degan doonaan marka ugu horreysa Magaalada Nayroobi kaddibna Muqdisho loo sii duulin doono maalmaha soo scoda. Hadaba haddii ay taa dhacdo waxa ay noqoneysaa qaxootigii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ugu badnaa ee laga soo Tarxiilo Yurub tan iyo markii Soomaalidu ay bilaabeen in ay galaan wadamada Reer Yurub.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.