Home » Warar »

Madal loogu Magacdarey Daljir ayna ku Mideysan yihiin Siyaasiyiin Aqoonyahano maanta looga dhawaaqey Magaaladda Muqdisho

Munaasbad si heer Sare ah loo soo agaasimey islamarkaana ay ka qeyb galleen aqoonyahanno,Siyaasiyiin Masuuliiyn ka Tirsan Dowladda KMG, Culumaa’udiin, Haween iyo dhallinyaro ayaa maanta ka dhacday Hotelka Ambasador ee Magaalada Muqdisho taa oo dhidibada loogu taagay Madal ay ku midaysan yihiin Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, Magacna looga dhigay Madasha Daljir.

Ugu horen wasiirkii hore ee wasaradda Warfaafinta Xukumaddii Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmake ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka xildhibaan Daahir Maxamuud Geelle oo loo doortay Hoggaanka Ururkan ayaa sharaxaya waxa ay diirada saarayaan.”Dadka soomaaliyeed waxay muddo Sanooyin ah ku jireen dhibaatooyin aan dhamaad lahayn qaar Badda ayaa ku halaagsameen, qaar xabad bay hoy u noqdeen, qaar Sun baa loogu aasey Badooda oo ay ka qaadeen Cuduro , qaar abaar baa leysey iyaga iyo duunyadooda kuwa kale waxaa loogu yeerey Burcad badeed marka waxaan dooneynaa sidii aan dhibaatooyinkaa ummadda Sooomaaliyeed uga saari lahayn “ayuu yiri D aahir Maxamuud Geelle oo intaa raaciyey “Madesheena waxaa ka go’an in isku keento ummada Soomaaliyeed si maadaama ay ku Midoobeen dad Aqoonyahano ah iyo Siyaasinyiin

Shiikh Bashiir Axmad Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadllay baahida ay bulshada Soomaaliyeed u qabto hoggaan hagaagsan.”waa in la fahmaa waxyaabaha lagu badbaadi karo waa danta guud , dan gaar ahaaneed oo laga eegayo xagga kooxeed ama xagga qabiileed na anfici mayso, marka waa in Danjir ay la timaadaa Barnaamij ummadaan uga saari karto dhibaatooyinka haysta ” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Cabdi Kariin Xassan Jaamac oo mar Wasiir ka noqdey Dowladii Farmaajo oo ah xoghaynta guud ee Madasha Daljir ayaa ka dhawaajiyay inay meesha ka maqan yihiin waxyaabo aasaasi u ah Dowladnimada Soomaaliyeed.”dhibaatooyinka jira fiiri Ciidanka Qaranka Dhisidiisa, waxaa ka mid ah isagoo hoos yimaada siyaasad aan sal ku fadhiyin oo mar walba is bed bedelaysa, marka Wasiirkii Gaashaandhigga iyo xukuumaddii ihtimaamka siinaysay ay lixdii bilood ama sideedii bilood mar isbadalayso howshii ma socon kartoo miro ma dhali karto fakir iyo in laga doodo ma loo baahan yahay in la sameeyo Hay’ad dhista Ciidamada Qalabka sida ama ciidan Qaran soo dhista oo aan iyadu ku xirneyn siyaasadda is rog rogeysa” ayuu yiri Cabdi Kariin Xassan

Ugu danbayn Canab Xuseen Cilmi Guddomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa Talooyin badan u jedisay Madashan Cusub ee Daljir. waxayna tiri “waxaan leeyahay Daljir laba qodob ayaan ku biirinayaa oo ah dalkeenna waxaa la dagay nin qabiil la yiraahdo oo qabyaalad ah oo aad garaado waaweyn ugu yeeshay Soomaalida dhexdeeda jaakad bir ah xiran cid ka hor tagi kartaana aysan jirin haddii aan rag u dhiman oo aan dadi ka hortagin weligeen dhibaato ka bixi mayno marka Madasha Daljir waxaan ka codsanayaa oo aan kula talinayaa inay Dalka Soomaaliyeed kala dirirto Qabyaaladda” .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madal loogu Magacdarey Daljir ayna ku Mideysan yihiin Siyaasiyiin Aqoonyahano maanta looga dhawaaqey Magaaladda Muqdisho "

  1. Caaqil says:

    Xisbi Cusub oo soomaaliweyn wax u tarayaa hadii la samaynayo aniga tallo ahaan waxaan dhihi lahaa jagooyin idinkoo isku magacaabin ku imaada rabitaanka shacabka. Markii jagooyin lagasoo waayay dowlad ku sheegta ayaa shaatiyo Cusub la’soowada xirtay.
    Shiqsiyaadka aan soomaaliweyn sumcad wanaagsan ku dhex laheen waxaa dhihi lahaa
    ha’isceebaynina qof walba waxa uu yahay taariqda marqaati ka ah. Umaddana yaan lagu
    Lug’gooynin waxaan Daacad laga aheyn oo rooti maalmeed lagu raadinaayo iyo dano
    gaar ahaaned. Umadda soomaliyeed nasiib darro wali waxaad mooda inaysan casharweyn
    ka qaadan dhibaatadii ay soo martay 20kii sano danbe, marba qallo Cusub shaati inoo Soo
    gashanaya siday ku gaari lahaayen danahooda gaar ahan. Goorman hurdada ka kaceynaa?