Home » Warar »

Warsaxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada

Shirkii caadiga ahaa oo ay Golaha Wasiirada isugu yimaadeen ayaa waxaa shir gudoomiyay Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Mudane Xuseen Carab Ciise oo looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, arrimaha gobollada, siyaasadda guud ee isboortiska dalka, sharciyeynta shirkadaha gaarka ah ee amniga iyo xaaladda uu ku sugan yahay suuqii Xamarweyne ee gubtay.

Ugu horreyntii, Golaha Wasiirada ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Gen. Dhagabadan oo ah abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (X.D.S), oo ka hadlay xaaladda dagaalka dhanka ka ah kooxaha xagjirka ah, oo ay ciidamada (X.D.S) kasoo hooyeen guulo wax ku ool ah, abaanduulaha ayaa golaha usheegey inloo baahan yahay dagaalka si wadajir ah ay shacabka qeybihiisa kala duwan u wada galaan sida ganacsatada, haweenka, dhalinyarda iyo qeybaha kale ee bulshada, waxa uu sidoo kale golaha ku boorriyay in dawladdu ay kordhiso isticmaalka qeybaha warbaahinta, abaabulkana aad loo kordhiyo. Abaanduulaha ayaa golaha ka codsaday in sare u qaadis lagu sameeyo tayada ciidanka loona baahan yahay meelihi laga xoreeyay cadawga la xasiliyo, maamulana laga dhiso.

Golaha ayaa sidoo kale waxaa warbixin ka siiyay safar ay ku tageen Gobolka Hiiraan Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo iyagu muddo 10 maalmood ah ku maqnaa gobolka, kadib markii ay dadaallo u galeen sidii loo mideyn lahaa xoogagga halkaa ka dagaalamaya, guulo weynna kasoo hooyey maamul u sameynta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isbooritiga Mudane Maxamed Muxhidiin ayaa maanta horkeenay Golaha siyaasadda guud oo ay dawladda ka leedahay dhanka Isboortiga iyo ciyaaraha, wasiirka ayaa ku tilmaamay siyaasaddan mid kala habeynaysa hawsha ee kala leeyihiin hayadaha ku mashquulsan arrimaha isboortiga sida xiriirada kala duwan iyo guddiga Olimbikada, siyaasaddan cusub ayaa kor u qaadis ku sameynaysa guud ahaan isboortiga dalka si uu guulo uga soo hooyo tartamada kala duwan ee dibadda lagu qabto.

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dooday sharciga Lr. 54 ee 1971 oo ah sharciga shirkadaha ilaalada ee gaarka loo lee yahay (Private Security Campanies), Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud oo sharciga soo hordhigay golaha ayaa waxa uu caddeeyay sharcigaan inuu habeyn ku sameynayo ilaalada gaarka ah ee haystaan hayadaha, shirkadaha, iyo diblumaasiyiinta, waxa uu sidoo kale kor u qaadis ku sameynayaa arrimaha ammaanka ee dalka maadaama la sharciyeynayo cidda hubka haysan karta, waxbadanna ay ka qaban karto hoos u dhigista fal danbiyeedyada lala beegsado gaar ahaan shaqaalaha dawliga ah.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo saakay magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Wiliam Heague oo kulan kula yeeshay Villa Somalia Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah Mudane Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan ammaanka, cadaaladda, burcad badeedda, iy shirka London.

Ugu danbeyntii, Golaha ayaa warbxin ka dhageytay guddiga loo saarey gubashadii suuqa Xamarweyne oo ay sheegeen iney xiriir la sameeyeen dadkii hantida oga gubatay suuqa, walina ay ku jiraan sidii wax loogu qaban lahaa muwaadiniinta meeshaas ku hanti beelay.
–DHAMAAD–


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.