Home » Warar »

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo Dadaal ugu jira sidii ay u Fashilin lahaayeen Shirka Soomaalida ka dhacaya 23-ka bishan Magaalada London.

waxaa la filayaa 23-ka bishan Magaalada London lagu qabto shir loogu yeeray dib heshiisiin, waxaana la filayaa in loo qabto qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, waxaana shirkaani qabanqaabadiisa wada Dowladda Ingiriiska oo horey u sheegtay in ay dooneyso in ay wax ka qabato xaaladda Siyaasadda Soomaaliya, Burcad Badeeda iyo wax ay ugu yeertay la dagaalanka kooxaha Argagixisada, hase yeeshee shirkaasi ayaan la ogeyn gunta hoose waxyaabaha looga hadlayo, waxaana durbadiiba bilowday mucaaradad looga soo horjeedo shirkaasi.

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo inta badan is xijiya arrimaha Soomaaliya ayaa waxay olole ugu jiraan sidii ay u fashilin lahaayeen shirkaasi, waxayna warar aanu helnay sheegayaan in kulamadii dhex maray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda Dowladda Talyaaniga layskula soo qaaday shirka ka dhici doona Magaalada London, waxayna Dowladda Talyaaniga dooneysaa in shirkaasi ay ku sameyso is hor istaaga, maadaama Dowladda Ingiriiska aysan wax la tashi ah la sameyn Dowladda Talyaaniga, waxayna Dowladda Talyaaniga ku tartarsiineysaa Dowladda Federaalka in aysan ka qaybgelinba shirkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Qaahira kullan ku dhex maray mas’uuliyiin ka socotay dowladda Talyaaniga iyo Dowladda Masar ay isla soo qaadeen shirka dib u heshiisiinta ay ku baaqday dowladda Ingiriiska, waxayna labada dal ku heshiisyeen in ay si wadajir ah uga hortagaan martigelinta dowladda Ingiiriiska ee shirkaasi sida aynu ka helnay ilo ku dhow dhow kullankii Masar ka dhacay, waxaana la sheegay in labada dowladood ee Masar iyo Talyaaniga is tusiyeen in shirka London laga damacsan yahay arrimo badan oo aan dan ugu jirin labadaas Dowladood

Shirka London oo maalmo kooban ka harsan tahay ayaa shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxba kala socon qodobada shirkaasi looga hadli doono, waxayna wararka qaar sheegayaan in Dowladda Ingiriiska ay shirkaani ku dhaliyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Wadamada Qurbaha oo iyana la sheegay in ay wataan ajandooyin gaar ah, iyadoo dad kala duwan oo aan kula kulanay Magaalada Muqdisho ay noo sheegeen maadaama dadka Soomaaliyeed horey laysugu diray qaab Qabii, qaab Maamul gobaleed iyo Mid diimeed ayaa hadda la doonayaa in cadaawad la dhex dhigo dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool iyo kuwa gudaha ku nool.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mar ay u waramayeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho waxay shirkaasi ku tilmaameen mid la doonayo in dalka Soomaaliyeed Maxmiyad lagu geliyo, waxayna sheegeen in Dowladda Ingiriiska dooneyso in arrimaha Soomaaliya lagu wareejiyo Qaramada Midoobey, isla markaana nin General ah oo u dhashay dalka Uganda madax looga dhigo Soomaaliya iyo Gole Hoaamineed oo ay ku jiraan Soomaali inta uu dalka Soomaaliya ka baxayo wax ay ku tilmaameen qalalaasaha ka oogan, sidoo kale waxaa la sheegay in shirkado laga leeyahay wadamada Yurub loogu gogol xaarayo shirkaasi sidii ay ula bixi lahaayeen kheyraadka dalka Soomaaliya si shaqooyin loogu abuuro shirkadaha Shisheeye ee Yurub iyo Mareykanka oo waayadan dhaqaale xumi la soo daristay, isku soo wada duuboo la ogaan doonee waxa ka soo baxa shirkaasi oo dadka lagu martiqaaday ay yihiin dad wata Baasabooro ajnabi ah Siyaasiyiinta ugu Caansan Soomaaliya

WD : Amiin Yuusuf Khasaaro
Email: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Email: amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo Dadaal ugu jira sidii ay u Fashilin lahaayeen Shirka Soomaalida ka dhacaya 23-ka bishan Magaalada London. "

  1. Gooje says:

    Acw.Waxaan akhriyey qoraal badan oo kala duwan iyo joornaalo badan marka,mahayo wax cadayn ah oo sheegaya in soomaaliya lagu celinaayo gumeysi.Sidaa awgeed waxaa Aniga ii soobaxay in markasta oo uu dhamaanayo xilliga Dowlada in laqabto shir larabo in dowlad kale lasoo dhiso deedna buuq iyo is-riix-riix kadhasho.
    Waxaana arki doonaa haddii saadaashaydu sax tahay in Mudaharaadyo ay abaabuli doonaan dadka taageersan Dawladda kahor mudada Shirku dhacayo.