Home » Warar »

Maamulka Jaamacada Muqdisho oo Cabasho ka muujiyay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee Dhawaan Fariisimaha ka sameeystay Xarunta Jaamacadaasi .

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka guud ee Jaamacadda Muqdisho ayaa
looga hadlay gelintaankii ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay galeen
Jimcihii lasoo dhaafay dhismaha Jaamacadda Muqdisho
Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan:

jaamacadda Muqdisho oo ah jaamacaddii ugu horaysay ee laga furay dalka
kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, kuna taalla
xarunteeda dhexe degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxay muddadii ay jirtay u fidisay waxbarasho tayo leh kumannaan arday

Soomaaliyeed ah oo maanta kaalin lixaad leh kaga jira hormarinka
dalka. Sidoo kale kuma koobna waxqabadka Jaamacaddu waxbarasho oo kali ah ee waxay ka qayb-qaadataa dhammaan baahida kala duwan ee ay qabto
bulshada Soomaaliyeed.

Jaamacadda Muqdisho marna qayb kama ahayn dhibaatada dalka ka jirta,
balse waxaa looga bartay kaabidda horumarka, diyaarinta jiil aqoon
leh, walaaleynta iyo nabadeynta bulshada
.
Taariikhdu markay ahayd 20/01/2012, waxaa galay xarunta Jaamacadda oo
ku taala degmada Yaaqshiid ciidammo ka tirsan dowladda KMG iyo kuwa
AMISOM, isla markaana ka saareen shaqaalihii joogay xarunta, lana
wareegay gacan ku haynteeda.

Haddaba, Maamulka Jaamacaddu wuxuu cadaynayaa:

1.Inuusan ka warhayn laga billaabo taariikhda kor ku xusan waxay ku
sugan tahay xaruntaas

2.In mas’uuliyadda ilaalinta hantida maguurtada ah iyo tan kale ee
goobtaas taalla ay saaran tahay ciidamada ku sugan iyomas’uuliyiintooda.

3.In si deg-deg ah ciidamada uga baxaan xarunta Jaamacadda, kuna soo
caliyaan gacanta maamulka Jaamacadd

Ugu dambeyn, Jaamacaddu waxay ugu baaqaysaa bulshada Soomaaliyeed,
gaar ahaan bahda waxbarashada ka shaqeysa iyo waxgaradka inay u
howlgalaan dhowridda xarumaha waxbarashada iyo goobaha loogu adeego
bulshada, noqdaanna meelo ka caagan dagaallada iyo galidda ciidamada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.