Home » Warar »

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo mar kale Duqeeyey Deegaanka Hosingow

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii danbe duqeyn dhinaca Cirka ah in lagu qaaday degaanka Hoosiinggoo ee Gobilka Jubada Hoose.
Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kiinya ayaa la sheegey in Weerar dhinaca Cirka ah ay ku qaadeen degaankaas iyagoona halkaa dhowr Madfac ku dhuftay.

Weerarka diyaaradahan oo ahaa nooca loo yaqaano Miigga ayaa ahaa mid illaa laba goor oo kala duwan halkaa ay ku soo qaadeen.Weerarkan Diyaaradaha dagaalka ee Kiinya ay ku soo qaadeen degaankaas ayaa sida la sheegey wuxuu ahaa mid dhaliyay Argagax xoog leh oo keenay in gebi ahaanba dadkii ku dhaqnaa Tuuladaas in ay halkaa ka cararaan.

Mid ka mid ah Goob joogayaashii halkaa ku sugnaa oo Saxaafadda u waramay ayaa sheegey inuusan garan karin wax khasaare ah oo ay duqeyntaasi gaystay keliyana isagoo xaqiijiyay in garaacistu ka dhacday bartamaha magaalada.

“Markii aan maqalnay Guuxa diyaaradaha ayaanu mar qura yaacnay beegsanayna Jihadii naga horeysey” ayuu yiri goob joogahan oo sheegey in Xalay ay ku Baryeen Keynta ama Duurka.

Goob joogaha oo xiliga uu hadlay sheegey inuu ku sugan yahay Hawdka Degaankaas isla markaana uu waagu xiligaas u baryayo ayaa intaa raaciyay in dadkii ay kala anbadeen isla markaana aysan jirin labo meel isku sheegta.

Goob joogaha ayaa xusay in ay bilaabayaan bal in ay dadkii dib isula baadi goobaan maadaama Xalay baqdin aawadeed magaaladii looga soo cararay.
Goob joogahan ayaa sheegey in dadka badankood ay saseen isla markaana qajaftii ay maqlanaaba ay soo xasuusinayso Guuxii Diyaaradaha oo ahaa mid aan loo adkaysan karin iyo waxyaabihii ay Ridayeen oo Dadkii Jah wareer ku abuuray

Si kastaba Xaaladda tuuladaas Hoosinggo ayaa saaka u muuqanaysa mid deggan walow ay haawanayso oo aysan jirn cid iminka halkaa ku sugna in kastoo dadku ayaa baqnaya ay iminka si tartiib tartiib ah u bilaabayaan in ay dib ugu soo noqdaan

Waa Markii labaad oo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay Duqeeyaan Tuuladda Hosingow ee Gobolka Jubada Hoose waxaa Duqyntaa tii ka horeysey ay ku geeriyoodeen 12 Qofood kuwaas oo weli ku dhibaateysan Deegaankaas oo la sheegey in ay degen yihiin dad dhawaan ka soo laabtey Abaarihii ka dhacay Koofurta Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.