Home » Warar »

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ee lagu Dooran lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku Dhamaadey Buuq iyo Feer Jilib

Xildhibaano Maanta oo isniin ah kulan ku lahaa Xarunta Golaha Shacabka kuwaas oo 12 ka bishii hore Xilka ka qaadey Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana kulankaan shir Gudoominayey ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Axmed Rooble Casoowe waxaana laga doodayey qaabka loo dooran lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana lagu guda jirey in Musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka ay halkaa ka jeediyaan Wax qabadkooda.

Inta uusan bilaaban Kulanka ayaa waxaa Iridka hore ee Baarlamaanka la fariisiyey Guddiyo la socda Tirada Xildhibaanadda maadaama hore loogu andacoodey in kulankii Xilka looga qaadey Shariif Xasan ay fadhiyeen kalfadhiga dad aan xildhibaano ahayn markii uu buuxsamey Kooramkii ayaa Xildhibaano taageersan Shariif Xasan ay goobta yimaadeen waxaana loo sheegey in ay Magacooda qoraan hase yeeshee waa ka biya diidaan waxaana dhacdey in warqadihii lagu qorayey Xildhibaanadda la jeexjeexo ka dib ay xoog ku galaan Xarunta golaha shacabka.

Markii Gudaha la iskula tagey ayaa waa bilowdey Buuq iyo sawaxan waxaa xigey Feer jilib iyo in kuraasta la isla dhaco iyadoo Ciidamadda Amisom iyo kuwa Dowladda FKMG ay kor ka daawanayeen markii dagaalkii iyo buuqii siibatey ayaa la xirey kalfadhigii iyadoo Xiriiriyaha Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guuleed Gacmadheere uu sheegey in kal fadhigii uu xiran yahay sidoo kale wuxuu sheegey in Kulamadda soo socda ay ku qabsanayaan Goobo kale isagoo sheegey intaasi uu u fasaxayo Xeer hoosaadka Baarlamanka.

Qaar ka mid Xildhibaanadii Xilka ka qaadey Shariif Xasan ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in Xildhibaanadda kulankii maanta ku sameeyey arrimo sharcidaro ah oo ka hor imaanaya Xeer hoosaadka Baarlamaanka waxayna sheegeen in kuwii falkaas ku kacay talaabo laga qaadi doono iyadoo lagu waramey in muddo aan la cayimin dib loo dhigey Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka .

Inta uusan bilaaban Kalfadhigii Baarlamaanka ayaa waxaa warbaahinta la hadley Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegey in kulankii Xilka looga qaadey Shariif Xasan uu ahaa mid “sharci darro ah” isagoo Xildhibaanadda u soo jeediyey in ay raacaan Heshiiskii Kambala.

Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.