Home » News »

Shirkadda Tawakal 00 Aqoon is weydaarsi iyo Tababar ku saabsan ka hortaga lacagaha sharcidarada iyo la dagaalanka lacagaha Burcad badeedka ka furtey magaalada Garoowe ee Puntland. Diseember 27-ka ilaa 30-ka

Tababaro iyo Aqoon is weydaarsi aad u qota dheer oo looga hadlayey ka hortaga lacagaha sharci darada ah ee aan kasab hufan ku iman iyo la dagaalanka lacagaha burcad badeedka ayaa maanta ku soo xirmay caasimada Garoowe ee Puntland. Tababaradan oo socdey muda afar casho ayaa waxaa lagu falanqeeyey arrimahan soo socda:

 Ilaalinta qawaaniinta caalamiga ah ee shuruucda khaaska ah ee Ganacsiga Hawlaha Lacagta (MSB),
 Caddeynta lacagaha aan sharciyeysneyn,
 Caddeynta la dagaalanka taakuleynta burcad badeedka,
 Diiwaan gelinta ka ganacsiga hawlaha lacagta (MSB),
 Fal qarsoodiga Bankiyada (Bank Secrecy Act, BSA),
 Fal Wadaniyeedka Ameerika (USA Patriotic Act),
 Aasaaska u hogaansamida shuruucda,
 Barnaamija waafijinta shuruucda wakiilada:
• Qorsheynta iyo Qaanuunka,
• Ku magacaabida qofka waafajiyaha ah,
• Barnaamijka tababarada,
• Baaritaanka madaxa banaan ee sharciyada AML/BSA iyo u hogaansimadooda.
 Dhawrista iyo dayactirka diiwaanada khaaska ah ee xafiiska mudo shan sano ah sida:
• Warbixinta dhaqdhaqaaqa shakiga (SARS),
• Warbixinta lacagaha (CTR),
• Diiwaanka dalabka lacagaha,
• Diiwaanka lacagaha la diro iyo kuwa la soo diro,
• Aqoonsiga macaamiisha iyo macluumaadka ganacsigooda.

Tababarkan iyo aqoon is weydaarsigan ayaa waxaa ka soo qeyb galey hawl wadeeno iyo mas’uuliyiinta dawladda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland; mudane, Maxamuud Xasan Aw Cismaan, Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeedka; mudane, Cabdirisaaq Maxamed Dirir iyo Xisaabiyaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland; Mudane, Cabdirisaaq Xasan Guul. Gebagebadii iyo Gunaanadkii Tababarkan aqooneed ee la dagaalanka lagacaha sharci darada ah ayaa waxaa lagu soo afmeeray in hanaanka iyo qawaaniinta u yaal Puntland iyo shirkada Tawakal in la ilaaliyo, lana waafajiyo qawaaniinta caalamiga ah ee ka hortagaha lacagaha aan sharciga aheyn.
Waxaa kasoo qaybgalay dhamaan agaasimayaasha xarumaha Tawakal ee Somalia iyo wakiiladda Tawakal waxaana halkaas lagu gudoonsiiyey shahadooyin ku saabsan tababarkii ay qateen.

 

 

 

Halkan kadaawo masiro dheeri ah

Maamulka Tawakal
Waaxda ilaalinta lacagaha
Minneapolis,Mn,USA
Www.Tawakalexpress.net

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.