Home » Faallo »

Uur Doox: Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya – Qaybtii 2-aad

Mashruuca Islaamica ee Soomaaliya

Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan dadkii faallooyinka ,dhiirrigalinta iyo ducooyinka iisoo diray ,Allaha idinka abaalmariyo.Waxaan Allah ka magangalayaa in aan wax dulmiyo ama la I dulmiyo,In aan sibxado ama la I sibxiyo ama aan lumo ama la I lumiyo (waa ducooyinkii nabiga scw).

Qormadii koowaad kaddib waxaa ii soo baxay in dad badan dhufays galeen oo leeyihiin wadaad xaggee wax marsiin doonaa nin walibana irridiisa ayuu qool wayn islataagay, mid difaaco xarakadiisa iyo mid difaaco kacaankii, mid uu hayo xanuunkii doowlad la’aanta iyo wixii la haysan jiray xilligii barisamaadka iyo sida sahlan ee ay nagu dhaaftay, mid diin la’aan difaacayo iwm. Intaas oo dhan waxaan u sheegayaa, waxaan wax ka qorayaa dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee soomaaliya anigoo ka leh ujeedooyinka soo socda:

  • 1- In aan nalwayn ku daaro taariikhda saxwada oo aan ku dhameeystay cimrigaygii intiisii badnayd.
  • 2- In aan uga tago facyaalka soo socda dhaxal ay ka faa’iidaystaan si aan loogu dhicin khaladaadkii aan galnay.
  • 3- In la ogaado waxa la gaaray iyo waxa dhiman si aan loo doondoonin wax la heeysto ama aan loo lumin wax la gaaray.
  • 4- In dadbadan ay ogaadaan waxa ay soo qabteen Kana sugaan Allaah abaalmarinteeda.

Waxaan intaa raacinayaa in aan soo joogay laba qarni (qarnigii 20-aad ilaa kii 21-aad), laba doowladood iyo laabaatan sano oo dagaal sokeeya ah, diintana yaraantaydii ilaa maanta waan ku dhexjiray, afkayga iyo qalinkayga Allaah masoo marsiiyo aflagaaddo iyo gaf kooxeed iyo mid qofeed. Haddaan wax naqdiyo waxaan jeclahay in uu noqdo mid gar ah waxna dhisa.

Dadka faallooyinka qoro waxaan kula dardaarmayaa haddii aad saxwada ka midtahay oo aan isku da’ nahay waad fasaxantahay, ummada waxaad u reebayso soo dhowow, haddii kale sug inta laga gaarayo dhalashadaada , hana qaadkaaga ,waxbarashadaada, kadibna qiimayntaada.

Haddaad dagaalkii sokeeye bilawgiisii aad sexddex jir ahayd oo aad hadda 23 jir tahay, akhri wixii kaa horreeyey, kaddibna markaad aqoonteeda iyo khibradeeda yeelato wax qiimee oo taladaada ku darso geeddisocodka islamdoonka.

Waxbarashadii Somaaliya

Isticmaarkii ka hor iyo kaddib

Waxbarashada waa xaqa aasaasiga ah ee adaanaha, waana waxa kala duwa ummadaha habdhaqan kooda, siyaasadooda, dhaqaalahooda iyo sida ay u fakarayaan. Islaamka wuxuu ku billoowday akhri, taasoo ah in Islaamka oo dhan uu yahay waxbarasho sidaa darteed waxa soomaaliya soo gaaray culimadii cilmiga islaamka xambaarsanayd,waxayna aasaaseen xarumo waxbarasho oo ay kasoo baxaan arday sii xambaarta cilmiga. Xarumahaas waxay ku yaalleen magaalooyinka xeebaha iyo kuwa waaweeyn sida Zaylac mudisho ,harar,baraew, warshiikh iyo Galcusbo. Waxaa dhammaantood lagu baran jiray culuunta kala geddisan sida xifdiga quraanka,carabiga ,fiqiga iyo suugaanta carabiga. Sheekh yusuf Al-koownayn waa kii soo saaray alif wax ma leh, b hoos ku hale, t korkulabale. Halgankii sayid Maxamad Cabdulle Xasan dagaal kii ingriiska uu la galay waxay keentay in ingriiska ka mamnuuco in la furo iskuullada kiristaanka, laakin waxay billaabeen in ay furaan iskuullo hoose oo Calmaani ah, magaalooyinka Berbera,Zaylac, Bullixaar.

1920-kii wuxuu Ingriiska soo rogay cashuur laga qaado xoolaha si loo helo miisaaniyad looga dhiso magaalada burco lix iskuul oo hoose iyo hal iskuul oo dugsi dhexe ah. Mashruucii waxaa ku kacay dadweeynihii taasoo keentay in la dilo guddoomiyihii degmada ingriiska u fadhiyay sidaasna waxaa ku istaagay mashruucii. Arrintaa waxa hogaaminayay culimadii markaa joogtay. 1929-kii Ingriiska wuxuu keenay istraatijiyad cusub oo ah in sheekhyada loo ogolaado miisaaniyad ay ku furaan iskuullo gaar ah oo lagu barto quraanka carabiga xisaabta, akhrinta iyo qoraalka, waxaa kaloo miisaaniyad loo qoondeeyay in arday loo qaado Gordon College oo ku yaal Sudan, 5-tii arday ee ugu horreeysay ayaana galay

1933-dii Waxaa la aasaasay urur labaxay (SOMALILAND NATIONAL SOCIETY ) oo u ololaynayey in tacliinta casriga ah la qaato iyadoo ay wadaan dad Muslimiin ah, dagaalwaynihii adduunka ka hor, waqtigaa wixii kadambeeyey ingriiska wuxuu iskuullo ka furay Hargaysa,berbera ,burco waxaa taa lasocday idaacad iyo filimada socdo oo lagu xayeeysiinayo waxbarashada.

1944-tii guddoomihii waxbarashada wuxuu magacaabay hoggaamiyayaal diineed si ay uga mid noqdaan shaqaalaha waxbarashada iyo dadka wax ka dhigaya iskuullada si kalashakiga loo saaro.

1945-tii marka ahayd 400 oo arday ayaa dhiganaysay iskuullada mustacmaradda iyo 19 madraso oo quraanka lagu barto xisaabta iyo carabigana lagu dhigo.1950-tii laba iskuul oo dugsi dhexe ayaa furnaa ,qabanqaabada dugsi sarana waa la hayey.

Dhinaca koonfurta isticmaarkii Talyaaniga sidoo kale wuxuu yareeyay dacwadii kiristaameeynta isagoo ka baqay in lagu kaco wuxuuse fasaxay in la furo Catholic elementary schools.

1930-kii xukunkii fajistaha waa kalasoocnaayeen iskuullada ay wax ku bartaan Yurubiyaanka iyo kuwa caruurta dadka sar sare ee soomaalida ah ay wax ku bartaan. Waxaa aad loo hirgaliyay tacliinta calmaaniga ah mudadii xukunkii militariga ee ingriiska(1941-1950). Waxaa furmay 29 dugsi hoose oo ay dhigtaan 1600 oo arday, ayna dhigaan 45 macallin. Iskuulkii ugu horreeyay oo ay gabdho dhigtaan waxaa la furay 1949. Waxaa aad u muuqatay dadka iskuullada ka baxayey waxay ahaayeen dadkii ingriiska iyo talyaaniga boosaska sare ka haystay ilmahooda, waxaana loo diyaarinayey in jagooyin ka qabtaan dowladda isticmaarka ah ee xiligaas dadka gumaysanaysay.

Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ingriisku u qoondeeyay waxbarashada 500 oo giniga Istarliinka ah, dhinaca waxbarashada hoose sanadka markuu ahaa 1939-kii, waxay mustacmaradda xog ku bixisay in 16 soomali ah oo kaliya ay heeystaan waxbarashada galbeedka ee 12 sano ah (Dugsi Sare) markay taariikhdu ahayd 1942-1955-tii waxaa 19-ka Iskuul ee hoose dhiganayey 1000 arday.

Xorriyadda markii la qaatay waqooyiga waxaa ku yiillay 38 iskuul ee hoose oo wiilasha ah iyo 3 iskuul oo gabdhaha ah. Tirada wiilasha dhigta waxay ahaayeen 2020 arday, gabdhahana 319, ogoow wiilasha iyo gabdhaha iskuuladooda waa kala soocnaayeen dhinaca waqooyiga wadanka.

12 iskuul oo ah dugsiga dhexe oo ay dhigtaan1039 iyo labo dugsi sare oo ay dhigtaan 70 wiil.

Waxa dibadda waxbarasho ugu maqnaa gaar ahaan ingiriiska 150 arday waxaana waqooyiga joogay 45 macallin. Koonfurta soomaaliya markii xorriyadda la qaatay waxaa jiray 100 iskuul oo isugu jiro hoose, dhexe iyo sare, ardada waxay gaarayeen16000 oo arday oo dhigta dugsiga hoose iyo2800 oo dhexe ah,782 sare. Macallimiinta waxay ahaayeen 470 waxaa heeystay shahaado buuxda 290 kaliya .

Xukunkii talyaaniga ee xorriyad gaarsiinta soomaliya loo xilsaaray wuxuu diyaariyey macaahid wax lagu barto sida machadka siyaasadda iyo maamulka (1950),machadka sare ee dhaqaalaha iyo sharciga (1954),iskuulka barashada islaamka,dugsiga magistaraale university institute oo isu bedeshay jaamacadda ummadda. Machadka barashada islaamka wuxuu soo saari jiray qaalliyaasha maxkamadaha madaniga ah. Ardada macaahidaa ka baxda waxaa waxbarasho sare loogu diri jiray waddankaTalyaaniga. Dadkii waxbarashada u ololeeynaayey in si buuxdo loo raaco galbeedka, waxaa ka mid ahaa Mohamoud Ahmed Ali oo loo yaqaan aabaha waxbarashada waqooyiga, wuxuu aaminsanaa in ilmaha la gayn karo iskuul marka uu quraanka soo dhameeyo.

Ardada ka baxda iskuullada afka carabiga lagu dhigto waxay waxbarasho sare u aadi jireen jaamacadda Azhar, waxaa jiri jiray dugsiyada waxbarashada daka waaweeyn oo ay dhiganayeen ilaa 1900 oo arday.

Waxaan taariikhda waxbarashada soomaaliya kaaga siinayaa fikir in uu kuu muuqdo sawirka dhaqdhaqaaqa islamiga ah ee soomaaliya oo kasoo dhexbaxay dabaqada ku jirtay wabarashada.

Waxaa kuu muuqda in isticmaarka markii lagasoo baxay tacliinta ay si fiican gacanta ugu dhigeen dadkii calmaaniyiinta ahaa iyo wadaadadii oo wata tacliintii Islaamiga ahayd, laakin ku oodan masaajidda waxna aan kulahayn hogaaminta nolosha iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Waxaa dunida muslinka ka billaawaday dhaqdhqaaq ay horkacayaan dad culimo ah. Hindiya waxaa kasoo baxay jamaacal islaamiyah oo uu hogaaminayo Abu Acla Al-Mowduudi, isku manhajna ahaayeen ikhwaanka. Masar waxaa kasoo baxay Jamaacatul ikhwaanu Al-muslimiin, oo uu hogaaminayey Sh. Xasan Al-Bannaa, fikirkoodana ku fidiyey dunida Muslinka gaar ahaan dowladaha carabta, Ikhwaankii waxay samaysteen xisbi siyaasi ah iyo joornaal afkooda ku hadla lana dhihi jiray majallatu al-dacwah, halkudhiggoodu wuxuu ahaa; Islaamku waa Dacwadeena, Quraanku waa dastuurkeenna, Rasuulku waa midka aan ku dayanayno, Jihaadka waa jidkeenna ,yoolkeennu waa ilaahay, waxaan hiigsanayno waxaa ugu sarreeyo jidka allaah oo lagu shahiido.

Sheikh Xasan wuxuu isku duway rag mutacallimiin ah oo lix ah wuxuuu sheegay hadafkooda ah in ay soo celiyaan khilaafadii islaamka ee dhacaday 1920. Waxay billaabeen in ay Talaado kasta kulmaan, markii la ogaaday wadaadkii waxaa dilay si shirqool ah boqorkii waqtigaa Masar xukumayey Faaruuq, isagiina waa la inqilaabay, waxaa qabsaday masar golihii milateriga ee uu hogaaminayay Jamaal Cabdi Naasir. Sidoo kale Soomaalia waxaa soo gaarayey shanqaraha dunida muslimka, waqooyiga Soomaaliya waxaa ka billawday ururkii “waxdada”oo uu hogaaminayey Sh. Cabdulqaadir Xaaji Jaamac , isku manhajna ahaayeen Ikhwaanka.

Koofurta waxaa isu tagay koox arday ah oo tiibo talyaani ah oo uu horkacayo nin aad u caqli badan aadna u firfircoon kana yimid reer culimo ah, Sh. C/qaadir Sh. Maxamud, waxay aasaaseen xisbiga Islaamka, waqtigii dowladdii xorriyadda ee la ogolaa in la furto Axsaab si ay u tartamaan, xisbigaas oo hadafkiisu ahaa dhaqan galinta shareecada Islaamka, isku manhajna ahaayeen Ikhwaanka.

Waxay baran jireen diinta Islaamka, ardayda iskuulada dhigata oo aad diinta uga fogaana, waxay ugu yeerijireen barasha Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda. Waxaan soo gaaray 1967-69 waxay ahayd wax lala yaabo, qof tacliin maadi ah dhigto xadaarada reer galbeedka oo markaas caalamka saydaray naysay ka biyo cabbay, in uu diin ugu yeedho dadka, gaar ahaan kuwa Iskuulada dhigta.

Waxay tagi jireen fasallada markaasay wacdin jireen, waxaa dhashay kacaankii 21-kii Oktoober, waxaa kula wareegay inqilaab aan dhiig ku daadan taladii wadanka xukuumaddii milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Genaral Maxamed Siyaad Barre ,wax isu imaad ah waa la diiday waxay kooxdii Xisbiga Islaamka billaabeen in ay hoos isugu xirnaadaan,hoosna u shiraan hoosna ardada u uruursadaan,

Waa inoo qormada soo socota insha allaah.

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar
burdhinle@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Uur Doox: Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya – Qaybtii 2-aad "

  1. Wxaan cafis weydiisanayaa qoyska sheekhu kabaxay. Kuma diganayo – xaasha balse waxaa tacbiir suugaaneed kaliya ereyga “Baga”

    Markii sheekh baariyoow
    Bulshada boosaaso iyo
    baladdul somaal dhamaan
    Iftiin baxayaw ahaa
    markii baas lagu banaday
    Bagey culumadu baqeen

    Badnaydaa toloow intay
    bayaan aan kala caddayn
    Barbaarta habawyday iyo
    Baroortii hooyadood
    Bar qudha wada dhigeen

    Bagay culimadu baqeen
    markii umal iyo bahdii
    dhambaal loo dhigay dharaar
    bireeyn soo socota iyo
    inuu baas leefi karo
    fartuna keeb beegsi tahay

    Bashiirkii ina salaad
    bayaankii godane iyo
    markuu baaqiisi helay

    Miyuu sida baar qabkiyo
    Amase ba anoow libaax
    bayaanshay warkii dadnaa

    Barbaarta habawday iyo
    midkii beerkiyo wadnaha
    calooshiisa uga boggay.

    barbaartii cali iyo cumar
    cusmaan beydkiisa
    kuwii baaba ku simay
    iney bah khawaarij yiin
    bayaanshay warkii dadnaa

    Bidhaan bay muuqatoo
    xaqbaa soo bidhaamayee
    bashiir taariikhda geli
    Inaad xaqa baajiseen
    markaad baqateen dabeed
    bishimaha aad kala furteen

  2. kaahin nuur says:

    asc wr.wb. waxaa mahad iska leh Eebe kor ahaaye, naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato sharaf badane rasuulkeen Muxammad Ibnu Cabdillaah, waxaan halkan uga mahad-naqayaa Sheekunaa CabdiRaxmaan, Rabi ha ka abaal mariyo, abaal marin janno, cimrigiisa ha u barakeeyo, camalkiisana Rabi ha ka yeelo mid nuuraya oo hadana isaga nuuriya annagana na nuuriya, Rabi ha xifdiyo sheekha isaga iyo ehelkiisaba, hana ka yeelo sheekha mid u noqda keyd umadda Muslimiinta. waxaan ugu danbeyn ka codsanayaa sheekha inuu sii wado taxanaha taariikheed ee ay ka dararayso xikmad ku dheellitiran xaqaa,iq iyo cibrooyin xambaarsan caqli iyo garasho hufan.

  3. Asc.
    Sh. C.raxmaan kheyr Allaha kaa siiyo, qoraaladaan taxanaha ee aad bilaawday, runtii wax badan waad ogtahay in badana waadba la mucaasirtay taariikhda Soomaaliya, waxaadna ka soo jeedaa qooys iyo guri diineed, marka maanta oo kale xaalka waxuu mari war yaa maali jiray, marka ragga laga sugahayo in ay xarafka la qaloociyay saxaan una hiiliyaan tilmaam iyo sheegid waa ka dhanyihiin.

  4. Muse says:

    Allah Ha ka ajarsiiyo Sheeqa qoraalka.
    Waxa aan anigu odhanlahaa halkan iyo guud ahaanba dhaqanka soomaaliyed
    Waxad ku arkaysaa in Wax layiraahdo ka fikir iyo hadalkaygu maxuu umada ku yeelan karaa in uuna meesha ku jirin. Arintani waxay awal caado u ahaan jirtay shaqsiyaadka siyaasada ku jira iyaga oo ku hadla wax walba oo ay markaa iyada ah isleeyihiin waxay adkaynaysaa sii jiritankina siyaasadeed. Bulshada inteeda badani nimankan way ka way ka warhaysay waxayna ugu yeedhi jiren magacyo kala duwan, hadalkooda caadifada ku salaysana ee shaqsiga ahna aayad Quran ah iyo Xadistoona uma soo qaadan jirin. Saan la,wada socono maalmahan amaba aan iraahdo sanadahan dambe waxa iyaduna soo baxday aan iraahdo siyaasiyeen ka duwan kuwaan horay usoo sheegay wax walba oo ay sheegayaana u adeegsada Diinta Islaamka iyaga oo mararka badan hal shay kadhigaya xaaraan islashaygii hadana kadhigaya xalaal labada marnaba adeegsanaya Xadiis iyo Aayad Quran ah. Taa waxa dheer oo nimankani kuwii hore kaga gadisan yihiin waxay mushtamacii u kala qaybiyeen si,aan horay loo arag. Hadan tusale u qaado waxa magaalada aan daganahay ka dhacday in culimo kuwan aan kor kusoo xusay ah timid dadkii magaalada daganaana ay qaar xaadiren qaarkii kalana ayba ku sheegeen nimankan Gaalo. Aniga wardoon ah watana dhalin badan oo dagan magaalada ayaan tagnay meeshii waxii noogu yaabka badnaa een meesha kala kulanay waxay ahayd colaada iyo nacaybka ay kuwani kuwii kale u Hayeen iyaga oo iyaguna kuwa kale kulahaa amaba barbar dhigayay Gaalada. Waan ku dheeraaday hadalkan ee kusoo gabagabayn lahaa xaalad xunbay umadu ku sugan tahay waxa kaliya ee lagu badbaadin karana waa kitaabka Ilaahay ee halaga daayo kitaabka laysla dhacayo is gaalaynta iyo danaha shaqsiga ah ee loo adeegsanayo Kalaamu Laah. Fikirka shaqsiga ah eed qabtana xorbaad u tahay ee ka haku dabaqin aayad Quran ah iyo Xadiiskii Rasuulka SCW.
    Hadii kale waan hubaa inaad shaygad maanta xaaraymaysay bari xalaalaydoonto ileen awalba shaygani asal xaaraan uma ahayne. Ilaahay kaliya ayaa Wax badbaadinkare hana badabaadiyo Aamiin.

  5. Muse says:

    Allah Ha ka ajarsiiyo Sheeqa qoraalka.
    Waxa aan anigu odhanlahaa halkan iyo guud ahaanba dhaqanka soomaaliyed
    Waxad ku arkaysaa in Wax layiraahdo ka fikir iyo hadalkaygu maxuu umada ku yeelan karaa in uuna meesha ku jirin. Arintani waxay awal caado u ahaan jirtay shaqsiyaadka siyaasada ku jira iyaga oo ku hadla wax walba oo ay markaa iyada ah isleeyihiin waxay adkaynaysaa sii jiritankina siyaasadeed. Bulshada inteeda badani nimankan way ka way ka warhaysay waxayna ugu yeedhi jiren magacyo kala duwan, hadalkooda caadifada ku salaysana ee shaqsiga ahna aayad Quran ah iyo Xadistoona uma soo qaadan jirin. Saan la,wada socono maalmahan amaba aan iraahdo sanadahan dambe waxa iyaduna soo baxday

  6. Mire says:

    Ac

    Sheekh cabdiraxmaan jazaaka-llaah kheyran waan ku diirsanay taariikhdaas fadlan noo sii wad waana arin muhiim in aad nooga tagtaan taariikh qoran oo tixraac leh. Ma u Malaynayo in ay jirto si kale oo wax ku ogaan karaan jiilka danbe.

  7. acwrwb,,Sh Abirahman jazakalahu khayran alle cimrigaaga ha dhereeyo hana barakeeyo cilmigaga iyo camalkaaga runtiina aad ayay mahiim u yahay qoraalkaan oo waxuu iftiiminayaa dariiqii ay soo martay dacwdaan maanta la afduubay oo laga dhigay inay soo bilaabantay 2006,waxaan kaloo jeclaan lahaa hadii ay suurta gal tahay inaad ka digtid boog kooban ay ka faa’iidaystaan jiilkaan iyo kuwa danbe lagu qoro luqadaha kale sida Arabic iyo English wcwrwb

  8. Assalaamu calaykum w.w.

    Sheekheenna sheekh C/raxmaan Ilaahay jazihiisa ha wanaajiyo, illin baa igu soo istaagtay markaan akhriyay arartaada culimannimadu ka muuqato, aad ayaanan uga faa’iiday taariikhaha iyo arqaamta xog ogaalnimada iyo mudaalaco sarreyntu ka muuqato.

    Ilaahay cumrigaaga iyo cilmigaagaba ha noo barakeeyo, faa’iidana ha naga dhaxalsiiyo adigana ha kugu anfaco labada daaroodba.

    Waxaan kaa codsanayaa in aad qoraalkan waddid ilaa aad ka keeneysid kursiga aad fadhidid idanka Ilaahay, waayo waa keyd ay xaq ku leeyihiin in ay ka quutaan dadka aan nasiibka u yeelan in ay xilliyadaa aad ka sheekeyneyso noolaadaan, haddii ay noolaayeenna aanan waqtigooda, maskaxdooda iyo awooddooda ugu adeegin diintan Alle ee dad badani ka qarsoon tahay juhdigii loo soo bixiyay iyo wixii dhibaato laga soo maray inay iyaga soo gaadho iyagoon dhibaato ka mudan. Wallaahul-mustacaan

    mar kale qofkaan dadka mahadin Alle ma mahadiyo ayaa xadiiskii ahaaye Sheekh waad mahadsan tahay ee Ilaahay jazahaaga janno ha ka dhigo, annana ha noola kaa raxariisto, hana na hanuuniyo. aamiin aamiin aamiin.

  9. Abdi says:

    Asalaamu Calaykum akhuunaa, Sheykhanaa Sh.C/raxmaan Sh.Cumar Allaah hakaa abaal mariyo dadaalka aad ugu jirto in da’yarta Soomaaliyeed inaad u bidhaamiso sooyaalka taariikhdeen ee saxwada barakaysan oo aad ka mid tahay culimadii lasoo jaan qaaday. Fadiilatu Sheykh, ku sabra dadaalka iyo juhdiga aad wadaan,Ilaahayna ha xifdiyo adiga iyo culimadeena tirada badan ee u taagan inay dadkooda ku hagaan manhajkii toosnaa ee salafu saalix. Allaah Waxaan ku weydiisanayaa fii asmaa’ihil xusnaa wasifaatihil culyaa inuu Culimada noo xifdiyo, cilmigoodana nagu anfaco ,nagana dhigo kuwo qadarka ay leeyihiin garta, kuwa dhibka la doonayana Ilaahay soo hanuuniyo,haduusan hanuun la doonina shartooda naga kaafiyo, aamiin yaa rabal caalamiin,wa aakhiru dacwaanaa anil xamdulillaahi rabil caalamiin, wasalallaahu calaanabiyinaa muxammad.

  10. Abdishukri says:

    Ascw, sheikhunaa markale khayr allaha kaa siiyo qoraalkaaga taariikhiga ah koley anigu aadbaan uga helay iftiiminta aqoonta ku dhisan eed nooga sheekaysay taariikhda iyo isbedelada waxbarashada soomaliya soo marktey. umadina waxay mustaqbalkeeda horumar ku gaari kartaa markay ogaato meeshay shalay soomartey, marka waxaan sugnaa waa qaybtii sedexaad.

  11. SCWXWB:
    Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Shiikh C/raxmaan Shiikh Cumar aad baanan u xiiseynayaa Maqaalkaan uu horudhaciisu xataa i saameeyey.
    Waxaan oranayaa Dhallinta uu Shiikhu Sheegay : ( Haddaad dagaalkii sokeeye bilawgiisii aad sexddex jir ahayd oo aad hadda 23 jir tahay, akhri wixii kaa horreeyey, kaddibna markaad aqoonteeda iyo khibradeeda yeelato wax qiimee oo taladaada ku darso geeddisocodka islamdoonka.) !!!
    Aniga xataa tusaalahaas oo kale ayaa igu dhacay wiil aad u caqli badan oon la dooday baa hadda ka hor ii soo qoray ereyaddaan asagoo ii cudurdaaranaaya markaan is baranay oo uu arkay in aan ugu yaraan 30 sano ka weynahay, ayuu i yiri hadalladaan :
    ( ugu horeyn waxaan jeclaan lahaa in aan raalli galin kasoo gudbiyo arimihi hore, waayoo diinteynu waxey nafareysaa in aan qadarino qofka naga weyn, waayoo waqtiga aad soomaaliya aad kasoo tageysay uunbaan aniguna imid (dhashay kkk), marka qof inti aananba dhalan macalin jaamacad ka ahaa waa qalad in aan la doodaa ) !!!!
    Haddaba u kaadiya adinkoo lala qabo in aad caqli badan tihiin la isna soo gaaray baa haddana Ixtiraamku soconayaa sida Ardeygan fiican oo kale .
    sahidyusuf@yahoo.com