Home » Warar »

Caalim Geeridii waa Furin aan la Awdi karin| Daawo 10 Muxaadaro Dec 9-11, 2011

Asalaamu Calaykum Waraxmah

Sidaan horay idinku balan qaadnay illaahay fadligii waxaan idiin soo gudbinaynaa 10 Muxaadaro oo daawasho ah, kana mid ah Nadwadii lagu qabtay Masaajidka Abubakar ee Minneapolis oo cin waankeedu ahaa “أثر فقد العلماء على الأمة Saamaynta Dhimashada Culimadu Ummada ku Leedahay” Muxaadarooyinkaan oo aad muhiim u ah kana faa’iidaysteen dad farabadan ayaa kuna soo aaday xili aad u xasaasi ah oo ah Dilkii loogu gaystay Boosaaso Dr. Axmed Xaaji Cabdirahman illaahay ha u naxariistee. Muxaadarooyinkaan ayaa ah kuwa ka sheekaynayaa taariikhdii Dacwada iyo sidii lagu soo gaarsiiyey marxalada ay maanta marayso, iyo dadkii dacwadaan soo unkay oo uu ka mid ahaa Dr. Axmed, sidoo kale waxaa laga hadlay Manhajka Dacwada Salafiyada Soomaaliya. Waxaan idiin rajaynaynaa inaad ka faa’iidaysan doontaan. Illaahay hanaga dhigo kuwa hadalka dhagaysta kiisa wanaagsana qaata.

Waraysi Xasan Dhooye Idaacada VOA kala yeelatay Kulan Diineedka iyo Bayaanka kasoo baxay hoos ka dhagayso
[audio:http://abuubakar.org/codmp3/waraysi_xasan_dhooye_dilkii_Dr.axmed.mp3]

Saamaynta Dhimashada Culimadu Ummada Ku Leedahay: Sh. C/raxmaan Sh. Cumar

Banaysiga Dhiiga Qofka Islaamka Ah| Sh Axmed Nuur

TAARIIKHDII SH,DR AXMED XAJI C/MAAN- SH. MAXAMED IDIRIS

Isaga digida banaysiga dhiiga Culimanada iyo muslimiinta|Sh. Cabdullahi Ibraahim

Barnaamij Gaar ah oo looga hadlayey Dilkii Dr. Axmed Xaaji Abdiraxman: Somali Media MN

Dilidda culimmadu waa dhaqanka firqooyinka lumay Sh. C/risaq Sancaani

Dhexdhexaysiga Khawaarijta iyo Murji’ada| Sh Axmed Nuur

Dhibka Xagee Nooga Yimi Sideese Looga Baxaa Sh. Max’ed Idriis

Bayaankii Culummada Ku Kulmay Kulan Diineed Ka Dhacay MPLS MN kasoo baxay


Musiibo Marka Ay Dhacdo Qofka Muslimka Waxaaa Looga Bahan Yahay (Ku sabrida marka aad waydo qofka aad jeceshay) Sh. C/risaaq Xaashi

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Caalim Geeridii waa Furin aan la Awdi karin| Daawo 10 Muxaadaro Dec 9-11, 2011 "

  1. ASC,

    Maashaa Allaah Jazaakoum Allaahu khayr bahda Somalitalk.

    Intaa kadibna culimada la dilay ee shuhadada ah Ilaahay ha u naxariisto, ummaddana sabir haka siiyo.

    Waxaan kale oo aan Ilaahay ka baryayaa in zabenkan aan joogno uusan Ilaahay ka dhigin zebenkii uu Rasuulku s.c.w. uu ku tilaamay in culimada la oofsanayo sidaana uu cilmigu ku guurayo dabadeedna ay isusoo hadhayaan jaahiliin baadiyeysan oo dadka baadiyeynaya.
    Ummadda muslimiinta ahna meel kastoo ay joogaan waxaan kula dar-daarmayaa inay culimadooda ixtiraamaan xaqana ku midoobaan oo ay iska qabtaan daalimiinta ku dhex dhuumanaysa.

    Mar kale jazaakumullaahu khayr,
    wa salaamu calaykum