Home » Maqaallo »

Gabey:Duulaankii Deyniile Ka Naxow Nafta Waa

Muslimiinta Xaqqa jecel Meel kastoo ay joogaan Maalin farxadeed ayay u ahayd 20-Bishii Octobar ee 2011-ka Maxaa yeelay Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu laayay Gaalo tira badan oo ku soo duushay dad Muslimiin ah.
Reer Muqdisho kuwooda Kheyrka doonaya Maalintaas Dabaal ayay ku jireen Alle ayayna u Mahad celiyeen laakiin Bujambura oo ah Caasimadda Dalka Burundi waxa a u ahayd Muruga iyo tacsi.

Askar lagu daalay daad gureynta Maydadkooda oo Burundi u dhashay ayaa Maalintaas lagu laayay Degmada dayniile ee Muqdisho ka tirsan, waana taas arinta labada dhinac Qolona ku faraxday Qolona ka naxday.
Askarta Burundi iyo kuwa Uganda oo ku howlgalaya Magac ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya waxa ay Muqdisho joogaan in ka badan afar sano.
Tira koob rasmi ah lagama hayo dadka ay Caasimadda Soomaaliya ku dileen ee shacabka ah ayna ku laayeen Madaafiicda Casriga ah, hase ahaatee waxaa hubanti ah in ay kumaanaan dhan yihiin.
Sidaas aawgeed ma ahan Nabad ilaalin ee waa Nabad ka ilaalin.

Maadaama Muslimiin walaalahay ah ay horay u laayeen, aanna ka mid ahay kuwa ay Amaanka iyo Horumarka u diideen, in baddana Xanbadda la doondoonayeen, Nabar ayaa iga fuqay markii aan arkay maydadkooda oo Hablaha iyo Ubadku jiidayaan.

Halkan hoose  kadhegeyso Gabaygoo Cod ah.

[audio:https://somalitalk.com/web/wp-content/uploads/2011/11/Cabdulaahi-soomaali-iyo-Gabayga-Dayniile.mp3]

Dadka Degmada Dayniile iyo Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshaabab oo iskaashaanaya ayaa ka qeyb galay Dagaalka askarta Burundi lagu laayay.
Tilaabadaas waxay ahayd sax ,maxaa yeelay waa Muslimiin Gaalo ku soo duushay waana iska difaaceen.

76 askeri oo Burundi u dhashay ayaa Maydadkooda waxaa gawaari ku soo qaaday Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Mujaahdiinta Alshabaab waxaana lagu soo Bandhigay Deegaanka calamada ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye halkaasoo ay joogaan Kumanaan ciidamada Shisheeye ka soo barakiciyeen Guryihii ay Muqdisho ku lahaayeen.

Waxaan is leeyahay kuwa dadweynaha la tusay waxaa badan Maydadka iyo dhaawacyada Burundigu ay qaateen.

Afhayeen Alshaabab u hadlay waxa uu sheegay in Sadax boqol oo Burundi u dhashay ay Dagaalka ku dileen, tira intaas labo ugu jibaarantana ay ka dhaawaceen.

Waxa aan Markaas anigu tiriyay Maansandaan oo la yiraahdo Dayniile.
waxa aan ku hal qabsaday Degmada Dagaalku ka dhacay oo Maqalka Magaceedu Gaalada Falaar Wadnahaha kaga taagan ku noqday.

Waxa ay ka waramaysaa wixii dhacay iyo in aan aad ugu faraxsanaa.
Waxa ay faalo ka bixinaysaa in raggii dadkoodi la laayay in ay yihiin ragga Burundi baa bi’iyay.
Wax ay cadeynaysaa in aanay Dayniile Burundigu Caano iyo Hilib ka helin laakiin Geeri ay ka dhaxleen.

Waxa ay ku bilaabaneysaa ;-

Saqda dhexe waxaad Madfac nagu Salaan taanba,
Saqafkiyo Gidaarka waxaad Ciidda la sintaanba,
Oo Sabigiyo Hooyadi ku jiray sermay Hilibkoodu,

Socodka dhiigoodu wuxuu seyladaha gaaray,
Sunniyo ku Ciroolaha Saanta rogi waayay,
Zuu’iyo waxaad la dhacdeen Sebenya Bii teen’ba

Suuqyo waxaad naga Gubteen Sahaydu noo tiilay.
Sas iyo waxaad nagu rideen Seex kari waayga,
Ninba Saacadiisa weeyee saakay Malagiin gel.

Sadax goor Ninkaad dhaawacday ama Sagaal goorba,
Sodohadiis Ninki aad dishiyo tii Ibaha siisay.
Sagaasashan qaraabadiisaa Ninkaad Subax qura laysay,

Sunadu kuway ka muuqatood Saaftay Hilibkooda,
Saaxiibkoodi Diinta ee Ciil Sed cuni waayay
Yaa Saableyda kaa toogtayoo Baaruud kagu saaqay.

Saxariir hadaad ku raagto mar baad subag ruxeysaaye
Seerma waydiyo waxaad heli Sanad Barwaaqaaye
Sawaariiq wax badan ku laysay Sokeeyahaygiiye

Alleylehe Sidaan rabay noqotay Subaxaan aan joogo,
Sareeyaahaa Mahaddaa leh in aan Saliibigaan laynay
Oo waa kaa safan Maydkoodi Saanadina Taabnay

Sadaqada Ninkii dhiibayoo Salaadana ooga,
Saacad waliba Ilaah tuugahaan Sinna u hilmaamin,
Suuradaha Qur’aankana akhriya Sowdka Alle weyne,
Sekadana iska bixinayoo Sooma Ramadaanka,
Seeftiisuna Afeysantahee Sax u jihaadaaya
Iyo Saliibiga intaas lidkeeda Sinnaa kari waaye,

Sidayaasha wadnaha iyo Sambabka kaa goynay,
Adigoo ku sugan Gaalnimo Nafta lagaa siibyay,
Cadaabtuna waxay sugi kuwa sidaadaaye.

Saani hadii laguu rabo Lacag laguma siisteene.
Nin ku siray ayaa ku keenayoo Siriqdaan kuu qoolee,
Saliiq iyo Habaas lahow Bartaan sidaan Xal weeyaane,

Suusac iyo Dhaay kamaad helin Sabada Dayniile,
Soloy iyo kumeydnaan Cunin Sarar la foorneeye,
Sidaan Gaalo loo baa’bi’iyaan Sugayay waa dheere
Saxiix weeye in aan qancoo Leebki iga siibmay.

Selelka Bujaanbuura, iyo Murugta saameysay
Sibraha habraha haystiyo Saqiir agoontoobay,
Sadaadada isgaartay iyo Ilinta seyrmeysa,

Saa’id in ay noqotaan rabaa Subax Alle keene,
Sandareerto qaadateen iyo Sanuud badankiine,
Soo dira wiilashiina ragbaa sugaya layntoode.

Waxaa Tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)
Email; Cabdulaahisomali@hotmail.com
Tell 0025265594321
Muqdisho-Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.