Home » Faallo »

QORSHAHA QARSOON EE YEMEN QAYBTII LABAAD

Boqortooyooyinkan xagga hoose ku qoran oo dhami waxay kashaqayn jireen ganacsiga (Spice Trade) oo isaga gooshi jiray Afrika, Aasiya iyo Bariga dhexe kaasoo waxa laga ganacsado ay ka mid ahayd, dawo dhaqameedyada, xawaashyada, xabkaha iyo faleenka, uduga iyo weliba daroogada, kaasoo ay joojisay markii danbe boqortooyadii Cismaaniyiintu, ganacsigaas dartiis ayey Romans kii hore u yaqaaniin Yemen farxaddii Carabta “Happy Arabia”, sida aad arki doonto boqortooyooyinkani dhamaantood waxay degi jireen meelaha biyo mareenada ah wayo intooda badan ayaa ahayd beeralay.

Saba, waxay degi jireen Koonfur Galbeed ee Yemen caasimaddooduna waxay ahayd Ma’rib kuna taala Togga Dana taasoo u dhow caasimadda Sanca, waxaana la sheegaa in inankii ugu weynaa Nabiyullahi Nuux oo la odhan jiray Shem in uu aasaasay magaaldaa Ma’rib. Waxaana jiray biyo xidheen weyn oo ay caan ku ahayd Marib lana odhan jiray biyoxidheenkii Ma’rib oo la dhisay 800 sano kahor dhalashadii NNKH, kaasoo dhowr jeer dumay 540 kii miilaadiyada, 542 kii miilaadiyada, aakhirkiina wada dumay sanadkii 570 miilaadiyada.
Boqortooyadani waxay bilaabantay 800 oo sano kahor dhalashadii Nebiyullaahi Ciise narariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ilaa 275 Dhalashadii Nebi Ciise NNKH.

Xatramuut, waxay iyana bilaabantay 800 oo sano kahor dhalashadii Nebi Ciise naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate waxaana caasimad u ahayd Shabwa Togga Irma, waxay ahaayeen dad kuxeeldheer ganacsiga, dagaalo badana way galeen, iyagoo ay islaayeen Ximyar iyo Saba ( boqorkii boqortooyadii Saba Shairum Awtar ayaa qabsaday caasimadoodii Shabwa 225 miilaadiyada), waxay kaloo la midoobeen boqortooyadii Qatabaan. Boqorkoodana waxaa la odhan jiray Yadil, waxaa iyana mar qabsaday boqortooyadii Xabashida ee Aqsum, waxaa kaloo aakhirkii wada qabsaday boqorkii Ximyar ee Shammar Yuxariis kudhowaad sanadkii 300 ee miilaadiyada.
Boqortooyadni waxay taladeedii idlaatay sanadkii 300 dhalashadii Nebi Ciise NNKH.

Awsan, waa boqortooyo yar oo kajirtay iyana koonfurta jazeerada Carabta, caasimaddeedu waxay ahayd magaalo la dhaho Bigsos Yahirr ee Togga Markha (260KM ayey ka xigtaa Bari caasimadda Sanca), sida caadiga ahayd mar walba boqortooyooyinka Yemeneed waxaa ka dhaxaysay cadaawad, sidaas darteed ayaa boqortkii Saba 700 oo sano ka hor dhalashadhii Nebi Ciise NNKH wuxuu burburiyey caasimaddoodii, waxay boqortooyadan Awsan 200 oo sano in ku dhow haysteen magaalada iyo dekedda Cadan.
Boqortooyadani waxay abuurantay 800 oo sano kahor dhalashadii Nebi Ciise NNKH, waxayna burburtay sanadkii 500 miilaadiyada.

Qatabaan, waxay caasimaddoodu ahayd Timna (gobolka Shabwah) ee Togga Bayhan.waxay kaloo caan ku ahaayeen sida boqortooyinkii kale ee Yemen ganacsiga sida xawaasha xabkaha iyo faleenka. Boqorkooda waxaa loogu yeedhi jiray AMM( Adeer), dadkana waxaa loogu yeedhi jiray caruurtii Adeer.

Maciin iyaga caasimaddoodu waxay ahayd Karna ( gobolka Sacda) ee Togga Jawf waana Waqooyi Galbeed ee Yemen, aakhirkiina way baaba’een xataa luqaddoodii.
Boqortooyadani waxay bilaabantay 800 oo sano kahor dhalashadii Nebi Ciise NNKH waxayna baa’baday sanadkii 100 ee Miilaadiyada.

Ximyar, waxay deganaayeen koonfur galbeed, waxaanay maamulijireen dhulka xeebta ah ( Badda Cas & Gacanka Cadmeed) casimadooduna waxay ahayd Zafar (dufar) 130Km ayey ka xigtaa caasimadda Sanac koonfur Bari waana magaalo yar oo hadda ku taala Gobolka IBB.waxay diintii la haystay ee kiristanka kubedeleen tii Yuhuuda.
Waa boqortooyadii ugu xooga badnay waxayna lahayd ciidan fara badan oo habaysan taasoo ay ku qabtasatay dhul balaadhan oo kudhow ilaa magaalada Riyaad. Waxay yeelatay cadowyo badan sida reer Saba, boqortooyadii Xadramuud, tii Itoobiya ee Aqsum.
Waxaa boqortooyadii Ximyar ka adkaaday oo qabsaday boqortooyadii Xabashida ee Aqsum weliba iyaga oo kaashanaya boqortooyooyinkii kale sida Saba iyo Xadramuut, waxaanay Aqsum haysatay Ximyar ilaa koton sanadood, aakhirkiina waxaa ka kiciyey boqortooyadii Beershiya ( boqorkii Khosrau koowaad) oo usoo dirtay wax allaale wixii danbiile ah ahaa ee jeelasha kujiray iyagoo kajawaabayey taageeradii uu ka dalbaday boqorkii Sayf Ibnu Di Yasan kii Ximyar. Waxay bilaabantay boqortooyadani 110 sano kahor dhalashadii Nebi Ciise naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ilaa 570 miilaadiyada ayeyna burburtay.

LASOCO QAYBTII SADEXAAD

Diyaariye
Cabdi Cali Maxamed
Abdi2234@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " QORSHAHA QARSOON EE YEMEN QAYBTII LABAAD "

  1. Asc,,
    waa taariikh aad u qiima badan, iyo maqaal xilligiisii ku soo aaday.
    waxaad saxdaa taariikhaha qaarkood(qoraaga), sida dhalashada Nebi
    Ciise caleyhi salaam, ka hor ,kadib IWM..
    si guudna aad ayaan u xiisaynayaa maqaalka.
    Asc,,