Home » Warar »

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo soo kordhisay adeeg cusub oo la magac baxay Dalmar International Roaming

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkada ugu weyn dhinaca Isgaarsiinta ee ka howlagasha koonfurta iyo bartamaha Somalia ayaa maanta soo bandhigtay adeeg la magic baxay Dalmar International Roaming, kaasoo ay sheegtay in macaamiisheeda ay ka heli doonaan faa’iidooyin badan.

Gudoomiyaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Axmed Maxamuud Yuusuf ooo manta shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirkadaas ay leedahay naawaxiga Km-5 ee magaalada Muqdisho aya sheegay in adeegan uu ka yahay adeegyo badan oo shirkadu soo kordhisay xiliyo kala duwan.

“Shirkada hormuud telecom somalia waxaa hore looga bartay in ay mar walba keento adeegyo casriya oo laga isticmaalo dunida waxaana adeegyadii ugu muhiimsanaa ee shirkada lagu xasuusto ka mida adeega E-vouchar oo 2008-dii howlgalay, adeega Zaad oo 2010-kii shaqeeyey, EVCplus oo 2011-ka shaqo bilaabay GPRS oo 2011-ka” ayuu yiri Gudoomiyaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Axmed Maxamuud Yuusuf.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxaa uu intaa ku daray Axmed Maxamuud Yuusuf in maanta oo taariikhdu tahay 01/11/2011 ay shirkadu si rasmi u hirgalinayso adeeg loogu magic daray (DALMAR SERVICE) oo ah International roaming.

Gudoomiyaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf aya intaa ku daray in adeega Dalmar uu macaamiisha shirkadda u suuro galinayo in nambarkooda hormuud ay ula safri karaan meel kasta oo dunida ka mid ah iyadoo laga soo wici karo waxna ka wici karaan wuxuuna xusay in adeegan ay ka faa’ iideysan karaan dhammaan macaamiisha dibadaha u safarta

“Adeeggaan Dalmar oo maanta hirgalay wejigiisa koowaad waxa isticmaali kara oo kaliya ilaa hadda macaamiisha postpaid-ka ah iyadoo shirkadu hirgalin doonto dhawaan adeegyo kale oo muhiim ah, iyadoo macaamiisha daneyneysa adeegaan ay booqan karaan dhammaan xurumaha hormuud gudaha dalka Gudoomiyaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf oo intaa ku daray in adeegaan Dalmar Service uu xilligan wixii ka dambeeya ka howlgalayo in ka badan 300 oo wadan oo ka tirsan caalamka.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.