Home » Warar »

Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Urur Goboleedka IGAD iyo Bankiga Horumarinta Afrika Ee Lagu Qabtey Caasimadda Dalka Jabuuti.

Aqoon is-weydaarsi socodey laba maalmood oo ay ujeedadiisu ahayd bilowga mash-ruuca ka hortaga abaaraha iyo horumarinta xoolaha ee Geeska Afrika oo socon doona mudo 3-sanno ee soo socota, isla markaana ay si wada jir ah u sooqaban qaabiyeen Urur Goboleedka IGAD iyo Bankiga Horumarinta Afrika oo ay ka soo qayb galeen khubaradda xannaanada xoolaha, Beeraha IWM ee wadamadda Urur goboleedka IGAD, xubno ka socda hay’addaha kala duwan ee Q.M ee fadhigoodu yahay dalka jabuuti iyo wakiilo ka socdey hay’adaha caalamka ee fadhigoodu yahay magaaladda Nayroobi ayaa lagu soo geba gabeeyey Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka jabuuti 15/09/2011.

Siminaarkan oo ahaa mid si weyn loo agaasimey, isla markaana ay martigelisey dowladda Jabuuti ayaa Gunaanadkii aqoon is-weydaarsiga waxaa laga soo saarey war-saxaafadeed lagu faah faahinayo go’aamadii ka soo baxay shirka, kaasoo ku qornaa luqadda Ingiriiska halkan ka eeg

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Xog-hayaga guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng, Mah-buubb iyo Agaasimaha guud ee Bankiga Horumarinta Afrika Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtey isla hoolka intii shirka uu socdey, islamarkaana aan wax weydiiney ayaa shirkooda jaraa’id wuxuu u dhacay sidan.

Beyle (Halkaan ka daawo shirka jaraa’id)

Eng. Mah-buubb (Halkaan ka daawo)

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee DFKMG soomaaliya Md, Cabdullaahi Goodax oo isna warfidiyeenada goobta joogey wax ka weydiiyeen ujeedada shirka iyo soomaaliya waxa ay ka filaneyso ayaa wuxuu yiri

(halkaan ka daawo hadalka wasiirka qorshaynta)

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee dalka Jabuuti Md. Maxamed Axmed Cawaale, isla markaana ahaa martigeliyaha shirka oo furitaankii siminaarkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo ku baxaysa luqada faransiiska, isla markaana dhinacyo kala duwan oo uu uga hadlayo arimaha abaaraha, xoolo dhaqatada gobolka iyo baahiyahooda guud ayaa khudbadiisa waxay u dhacdey sidan

Halkan ka daawo hadalkii wasiirka Beeraha

 

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.