Home » Warar »

Kulan aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirradu maanta yeesheen oo looga hadlay Arrimaha gargaarka, warbixina looga dhegeystay Madaxa hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Kulan aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay xaaladda abaarta iyo gaarsiinta gargaarka dadka dhamaan gobolada dalka ee ay ka jiraan abuuraha, waxayna kula kulmeen mas’uuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, iyagoo su’aalo ka weydiiyay qaabka ay Hay’addu u waddo qeybinta gargaarka ka imaanaya walaalaha caalamka ee soo gaaraya caasimadda.

Shirkan oo uu shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhgga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa Golaha Wasiirradu waxay su’aalo ka weydiiyeen madaxa hay’adda Maareynta Musoobooyinka Mudane Cabdullaahi Shirwac hannaanka ay u maraan in gargaarku gaaro dadkii loogu talogalay, qaabka ay ku xushaan meesha ay gargaarka gaarsiinayaan iyo sida ay ku hubiyaan inuu gaaray gargaarkii la diray, iyo arrimo kale oo khuseeyo howlaha Hay’adda.

Warbixinta Hay’adda ayaa taabaneysay meesha ay marayaan howlahaas iyo caqabadaha ka hor yimaada inta ay gudanayaan howlahooda. Hay’addu waxay sheegtay in gargaarku si dardar leh loo qeybiyo, balse ay jiraan tallaabooyin lama-huraan ah oo ay tahay in la maro ka hor intaan gargaarka la qeybin, sida dajinta iyo isu dheelli-tirka noocyada gargaarka, waayo mararka qaarkood waxaa la keenaa raashiin hal nooc ah oo u baahan in lala qeybiyo nooc kale, arrimahaas oo laga yaabo inay qaataan waqti.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Golaha Wasiirradu waxay ka dalbadeen Guddiga Abaaraha ee heerka wasiir iyo Hay’adda inay sii laba-jibbaaraan howlaha lagu qeybinayo gargaarka si wax loogu qabto dadka baahan, isla markaana waxay ka dalbadeen Guddiga Wasiirrada inay warbixin ku soo gudbiyaan kulanka ugu horreeya ee Golaha Wasiirrada. Golaha Wasiirradu waxay u ballanqaadeen in wasaaradaha ay khuseyso arrimaha gargaarka ay kala shaqeyn doonaan Hay’adda sidii loo fududeyn lahaa gaarsiinta gargaarka.

Ugu dambeyntii, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ballanqaadday inay soo gudbin doonto warbixin guud ee Hay`adda horraanta bisha soo socota.

-DHAMAAD –


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Oman, Germany, iyo UK

Ra’iisul Wasaaraha oo beryahan ka qeybgalaya shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulan dheer la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Oman oo ay labada mas’uul ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Professor Abdiweli Mohamed Ali ayaa warbixin kooban ka siiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Oman xaaladda dalka, iyo horumarka baaxadda leh ee laga gaaray arrimaha amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, iyo siyaasadda.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Oman ayaa sheegay in dowladda Oman iyo madaxdoodaba ayaa aad uga walwalsanyihiin xaaladda abaaraha, waxuuna sheegay inay diyaar u yihiin inay saacidaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryahan dar-dar xoog leh geliyey arrimaha dibedda ayaa waxaa u suurtogashay in beesha caalamku ay diiradda saaraan arrimaha Soomaaliya oo ay muuqdaan ifafaalo iyo yididiilo hor leh oo keeni kara in waddanka Soomaaliya lagu soo celiyo nabad iyo kala danbeyn. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Wasiirka Arrimaha Afrika ee dalka UK iyo wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Jarmalka oo ayna ka wada hadleen xaaladaha amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo horumarka siyaasadda ee dalka Soomaaliya.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.