Home » Faallo »

Website-ka SomaaliTalk Difaacaha Badda Soomaaliyeed !!!!

Webside-ka Soomalitalk oo 10 Jirsaday sannadkii hore 2009 ayaa Waxuuna soo Bandhigaa wararka, Maqaallada, Cilmi Baarista, Suugaanta iyo ka faalooshahaa Arrimaha Diinta, Bulshada, Waxbarashada IWM.

Waxaa kaloo lagu gaareyn ama aan iraahdo waa webside-ka kaliya ee Boqolaalka Somaali-Websides ee u guntaday Difaaca Badda Soomaaliyeed.

Akhristoow laga soo bilaabo April-2009 wuxuu Somaalitalk u tafa xeytay in uu Cilmi Baaris heer sare ah, ka diyaariyo Xuduud Badeedka Soomaaliya markii uu Dalka Kiinya Damac ka galay in uu Badda Soomaaliya ku soo xadgudbo asagoo ka faa’ideysanaya Burburkii Wadanka Soomaaliyeed.

Sidaan ognahay waxaa waa tii April ,2009 uu Wasiirkii Iskaashiga Caalamiga ee DFKMG Waqtigaas C/raxmaan C/shakuur uu Heshiis lagu magacaabay Heshiis Is-Afgarad kula saxiixday Wasiirka Arrimaha Debedda ee Dalka Kiinya Mousa Watagala, Magaallada Nairoobi. Heshiiskaas oon loo baahneyn sida ay Qiray Aqoonyahanka shuruucda Badaha Adduunka Garyaqaan.

Xildhibaan Ceydiid Ilko Xanaf (1), wuxuuna yiri maba loo baahneyn in aad Heshiis ka gasho Baddaada maadamaa hadhow lagula Dacwoon karo, marka ma haboona in aad Baddaada muran galiso.

Haddaba Akhristoow si aad u fahamto Shuruucda Baddaha Adduunka bal Khariidadaan hoos ku qoran ila dhuux,
Waxaana ka soo Qaatay Qoraalladdii Somalitalk ee badda Sooaaliyeed ay ka diyaarisay:

[ Arrinta ugu weyn ee xilligaas (1994) uu Xeerka Badaha Adduunku wax ka bedeley waxay ahayd in la kordhiyey fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ay leeyihiin dalalka xeebaha leh, taas oo ahaan jirtey 3 nmi waxaa laga dhigay meel xeebta ka durugsan ilaa 12 nmi (22 km), waxaana qaybtaas loo aqoonsaday in ay ka mid tahay dhulka dalka xeebta leh – eeg sawirka hoose – barta (TS). Islamarkaas fogaan xeebta ka durugsan ilaa 24nmi waxaa loo tixgeliyey in ay tahay aag la ollog ah dalka xeebta leh (CZ).
Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xeebta dalkaas u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u siinayaa in dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo xuquuqda batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas – toosna ugu beegan xeebta (macne weyn ayaa ku jira hadalka ah “toos ugu beegan xeebta”).
Fogaanta badda ee xeebta ka durugsan ilaa 200 nmi (370 km) waxaa loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan dalalka leh xeebaha.

TS: Territorial sea (ee dalalka qaar). CZ: Contiguous Zone (Aagga la olloga ah dalka). EEZ: Economic Exclusive Zone (Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga). HS: High Sea (Bad weyn). Continental Shelf (Qalfoofka Qaaradda - waa inta dhulka ah ee si toos badda u sii dhex gashan, waa fogaanta loo ogolyaha Soomaaliya laga bilaabo 2009). Sawir faahfaahsan oo ay samaysan Qarammada Midoobey Eeg halkan (www.un.org). FG: Sagaal (9) waddan oo Soomaaliya ka midtahay waxaa TS u ah 200 M (Nautical Mile)

Haddaba ma ila fahamtay Sawirkaan oo uu ku muujisan yahay Xeerarka Baddaha ilaa 12 nmi Mayl badeed oo u dhiganta 22 km cabirka dhulka waaxay ka tirsan tahay xeebta dalkaas leeyahay, waxaa ku xiga 24 nmi oo loo Aqoonsanyahay aagga ku dhagan xeebta dalkaas taas oo u dhiganta 44 km, waxaa intaas ku xigta Aagga Ganacsiga EEZ ( economic exclusive zone) oo cabirkiisu yahay 200 nmi oo u dhiganta 370.4 km cabbirka dhulka, Cabbirkaas waxaa loo ogolyahay in uu dalkaas ka kalluumaysto kaligiis sidoo kale uu la soo baxo kheyraadka ku jira sida Batroolka IWM.

Haddaba waxay Qaramadda madoobay ay ku baaqday in Aagga Ganacsiga la kordhiyo ilaa 350nmi oo u dhiganta 648.2 km, waa haddii ay wadamadaasi soo buuxsadaan inta ka horysa 13 May, 2009 waana tii nalagu qatalay ee kiinya naga gaarsiisay in aan heshiis is afgarad la saxiixano taas oon loo baahneyn, maxaaayeelay Yamen iyo Sychelles oon ayagaba aan xuduud badeed wadaagno ma loo baahan in aan heshiis is afgarad la saxiixano ee waxaa loo baahnaa oo kaliya in aan codsigeena uun aan gudbisano, waana sameynay oo waan gudbisanay.

Waxaa kaloo haray oo aad u baahantahay Qalfofka qaaradda (continental shelf) oo ah inta dhulka ah ee badda sii dhex gashan sida Sawirka ka muuqata taasna dalkaas ayaa iska leh waa inta baddiisa ku aadan.
Intaas waxaa ka sii danbeysa Badweynta dalkas ku toosan ( HS) sida badweynta Hindiya oo Soomaaliya xuduud la leedahay ] .

Intaas ayuu ku Dhamaaday sawirkaas iyo sharaxiisii aan farta waaweyn ku qoray.(2).

Markii Baarlamaanka Soomaaliya uu sameeyey Tallaabo wax ku ool ah oo uu ku burburiyey Heshiishkii Is-afgaradka ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo kiinya, ayaa Waxaa markale Waraabayaashii ku soo Qamaamaayey Badda Soomaaliya ay la soo if baxeen markale in ay soo saaraan Qorsho cusub oo lagu Baabi,inaayo Xeerkii Badda Soomaaliyeed ee soo baxay Sep,1972 ee Badda Soomaaliya xuduudeeda ka dhigaayey 200nmi si loogu baddalo 12nmi oo kaliya, taas oo loogu soo gabanaayo EEZ oo ah 200nm, ah ina aad xaq u leedahay in aad ka ganacsano se aan xuduud badeed kuu aheyn.

Qaramada midoobay oo arrinkaas loo sii maray ayaa DKMG Soomaaliya Shardi uga dhigtay inay ay fuliyaan ( road map) la yiri waxaad uga baxaysaan kumeelgaarka. Taas oo laga yaabo in ay saxiixaan Dec 19,2011.

Hadday taasi dhacdo waa guuldaro Soomaaliya u soo hoyatay oo lagu biliqeysanaayo Badda Soomaaliyeed oo dad badan hunguri ka haayo.

Sida loogu qamaamaayo Badda Soomaaliyeed waxay i soo xasuusisay Saarkii Careys Ciise Allaah ha u naxariistee ee ku saabsanaa Waraabo iyo Wan. Wanka uu ka waday Soomaaliya waraabahana Ethiopia oo Dhulka Soomaaliyeed waligeed weerar ku aheyd, Haatanna waxaa ku soo biiray kuwa kale oo Kiinya u horeysaa oo raba in ay Badda Soomaaliyeed Biliqeystaan.

  • Waxyeelaan kugu aqaan, Wadaynimo kaama rabo, Waaraaboow Maalin wacan.

Haddaba Soomaaliyeey hagardaamadii la idiin maleegaayey waayo badan haatan bay idin haysataa ,waadna u dagan tihiin adinkaa dhexdiina iska haysta Waraabayaal fara badanina wey idinku heeraarsan yihiin.

fii amaani laah.
Shiikh Saahid mohamed yusuf
USa,va
sahidyusuf@yahoo.com

………………..
(1) haatan waa madaxa Maxkamadda sare.
(2) waxaan ka soo qaatay buugga ay somalitalk ka diyaarisay badda Soomaaliyeed.  https://somalitalk.com/2009/may/13/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Website-ka SomaaliTalk Difaacaha Badda Soomaaliyeed !!!! "

  1. omar hussein says:

    somaalitalk waad ku mahadsan tihiin war bixinta waana wax loo baahan waa hanti soomaali oo dhan laga dhacayo inta aduunku dhamaanaayo laakiin waxaa pla haboon inaad ka shaqaysaan oo aad ka bilawdaan magaaladaad joogtaan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo arintaas si somaalidu waxbey arkaan oo ku daydaane ay u daydaan markii lagu guuleystona guusha soomaalitalk ayaa leh waxaa dhici karta inaan dad badani webkaba gelin oo ayan war uhayn wasasllaama caleykum noo bilaaba aan idin ku dayanee

  2. Cumar says:

    ASC,
    SH.saahid, dhowr jeer ayaan akhiryay qoraalada daraasaadka tixraaca rasmiga xanbaarsan aad qorto. Waa loo bogay ee sii wat.
    Goor iyo ayaan waxaan ku adkeysaneynaa xadka badda EEZ (aagga gaarka ee ganaciga) Soomaliya rasmi ahaan dunida u aqoon sanyahay ma ahan 12nm sida hadda gabood falyaasha wadaan. Xuduudeenna waa 200nm oo la oggolyahay in lagu sii kordhisto 150nm xilliga cusbooneysiinta.
    Dal iyo dad Islaam ah ayaan nahay oo hore loogu garbaday cadaw ma quusta ah haddan damacsan inay jiritaankooda o dhan tirtiraan. kaasoo adeegsanay wax kastaa sida shakhsiyaad iimaan daran oo naga mid ah.
    Waxaan tuhmayaa in adduun badan loo ballan qaaday kuwa fuliya hadimada guracan ee qeyb dalka ka mid ah lagu bixinaayo ( baabi`nta xeer No37 ee xadka badda). kuwani Alle hor istaaggiisa dan kama lahan waxay raalli ka yihiin adduunka iyo hawadiisa. Bal eeg way miir baabsanyihiin, waxaa ku goàn inay shirqoolada ansixiyaan, inkiraadooda gefgefka ay dibindaabyada aaney dibba uga laabaneyn.
    Walaalayaal Kenya iyo kuwa la ujeedka ah wey na quursadeen, yasmo lays liido oo dhacdey wixii ka danbeyay shirkii Berlin 1884 ma jirto.
    Imisaa dal ayaa uu dagaal ahli ka dhacay ma xaduudahooda qeybo ka mid baa dal jiraankooda loo hibeeyay?
    Qarniga 21aad ayaan ku jirnaa miyaanan aheyn shacab qiime leh oo ka dhiidhin kara ka ciishoon kara in dalkooda sahal lagu qaato?
    Annaga diyaar baan u nahay fulinta Barnaamijka BADBAADI BADDA.
    waxaan ku soo gebagebayn dhammaantiinna waxgaradka danqanya ee u taagan difaaca qadiyadan badbaadinta baddeanna Illaah idinkii waannu guuleysan.