Home » Warar »

Walaalo Soomaaliyeed oo ku Nool Magaaladda Orebro Dalka Sweden oo Deeq lacageed gaarsiiyey Goobaha loo Barakacay

Walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Sweden gaar ahaan Magaaladda Orebrto  ayaa Deeq ay iska soo ururriyyeen waxay gaarsiiyeen Walaalahooda ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho gaar haan Goobaha loo Barakacay  .

Deeqdaan ayaa walaalaha Maqan u soo wakiisheen inuu uu ka gaarsiiyo dadka Dhibaateeysan Walaalka Faarax Shidane oo ku sugan Dalka Sweden  halka uu isna u soo Wakiishay inuu u qeybiyo Barakacayaasha walaalka shiikh Mahad  Axmed  Kaahiye .

Qadarata lacagta ay iska soo uruuriyeen walaalaha is Xilqaamay ayaa waxay gaareysay $1,130 ( kun iy  Boqol iyo Sodan Doolar Kaliya ).

Qoysaska ka faaideeystay deeqdaan ayaa waxay gaarayaan  qoysas kor u dhaafaya  90 Qoys kuwaas oo mudnaa in loo kaalmeeyo , kaalmada oo  Xiligaan ay muhiim u tahaya Dadka dhibaateeysan dadka Bixiyayna ay Fadli Gaar u leedahay maadama lagu Jiray Bisha Barakeeysan ee Ramadaan iyo Ciidul Fidriga

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ugu danbeeyntii Dadka Deeqda loo qeybiayay ayaa waxay u mahad celiyeen Allaah ka dib walaallahii is Xilqaamay una soo dhiibay Deeqdaan halka uu Masuulka deeqdaan asna Sidaasi si la mid uu ugu mahadceliyaa uguna  baaqay walaalaha kale iney sidaas si la mida ah dadka u soo kaalmeeyaan.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.