Home » Warar »

Shacabka Muqdisho oo Ciidaan ugu soo Beegantey iyagoo ay isugu Darsameen Abaar , Colaad iyo Cuduro

Dadweynaha Muqdisho ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyey ee ay isugu Diyaarinayaan Ciidul Fidriga waxaana  Suuqyada Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo Mushquul waxaana isku garbinayo dad fara badan kuwaas oo doonaya in ay si farxad leh ugu qaybqaataan Ciidul fidriga

 

Ciida oo la filayo in ay dhalato maalinta Berri Talaado ah   ayaa waxaa sidoo kale Mashquul ah Xarumaha lagu iibiyo waxyaabaha Macmacaanka waxaana arkeyey Foornoooyinkii  joojisey dalabkii Buskud iyo Macmacaanka  ka dib markii  ay ku bateen dalabka Macmacaankaas sidoo kale waxaa Mashquul ah Goobaha lagu saaro Cilaanka oo ay isku Garbinayaan gabdho  oo doonaya in Cilaan saartaan si ay ugu qaybqaataan  Farxadda Ciidul Fidriga

Ciidaaan ayaa ku soo beegantey Xili  Magaaladda Muqdisho ay ku soo qulquleen dad fara badan oo ka soo cararey Abaaraha kuwaas mar aan la kulmey waxay ii sheegeen in aysan haysan wax ay ku Ciidaan “Maxaan Ciidnaa waxaa dagaal ugu jirnaa sidii aan ku heli lahayn Raashinkii aan Cuni lahayn oo aan ku quudin lahayn Caruurta”ayey tiri Faadumo Mayow wo ka walwalsan waxay  Ilmaheeda ugu iibi lahayd Dharkii Ciidda

Waxay kaloo Ciidaan ay ku soo beegantey Xili weli Dagaalo ka sii socdaan Qaybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho sidoo kale waxay Ciidaan iyana ku soo beegantey iyadoo uu Haawanayo Suuqii weynaa ee Bakaaraha oo ay ka adeegan Xilgaan oo kale kuwaas oo doonaya in ay ka qaybqaataan Ciidul Fidriga waxaa kaloo jira in weli ay Xiran yihiin qaar ka mid ah  wadooyin Muhiim ah oo ku yaal Magaaladda Muqdisho

Waxaana kuu muuqanaya Burburka lixaadka leh ee soo gaarey dhismayaashii Magaalada Muqdisho ka dib markii Muddo Sadex Sanno ah lagu hardamayey,Welina  waxaa jira kala qaybsanaa u dhaxeeysey dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho mid welib waxaa uu iclaamiyey Goobo loo Calaamadeeyey in lagu tukado Salaada Ciidul Fidriga, Dowladda Federaalka ayaa waxay  Diooneysaa in maalinka Ciida la isugu yimaado Masjidka Isbaheysiga Islaamka , sidoo kale Xarakadda AlShabaab ayaa laba Goobood iyana Iclaamisey oo kala ah Suuqa Xoolaha iyo Ceealsha Biyaha

Isku soo duuboo Ciidaan iyo Ciido ka horeeyey Shacabka Muqdisho waxay ahaayeen kuwo Marti u ah Colaad Abaar iyo Cuduro mana Muuqato saan saan looga baxayo  Dagaaladaan iyo kala qaybsanaantaan  ay ku raageen Muddo labaatan sanno  sidoo kale mahelin Mudadaas Dowlad ka bixisa dhibaatada iyo Darxumada, qaarkoodna waaba ay quusteen waxayna iyaga Caruurtooda u baxdadeen Goobo ay is leeyihiin waad ku badbaadi kartaan marka waxaan leenahay Ciidan Ciideeda Ilaahow Nabad iyo Barwaaqo nagu gaarsii.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail   amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.