Home » Warar »

Hayada Horn Africa Develomenta Trust oo Kun Qoys Gaarsiisey Deeq Lacageed

Waxaa weli socda gargaarka la gaarsiinayo dadka ay Abaaraha saameeyeen ee ku nool Koofurta Soomaaliya , iyadoo taasi ay jirto ayaa Hayada Horn  Africa Development Trust ayaa Deeq lacageed oo ay soo dhiibtey ka qaybisey Magaalada Muqdisho Kaamam ku yaal oo ay ku jiraan dad aad u liita oo saameeysey Abaarta

Deeqdaan lacageed ayaa waxay Hayada Qaybinteeda u soo wakiiladatey Hayad kale oo fadhigeedu yahay Gudaha Soomaaliya oo lagu Magacaabo  Somali Action Humanitarian Development Organization  oo Marka la soo gaabiyo loo yaqaan SAHDA,waxaana Barakacayashaas mid mid gacanta uga saarey Deeqdaas Lacageed Masuuliyiinka tirsan Hayadda Sahdo.

Qoysaska Deeqdaan lacageed ka faaiideystey waxaa ay gaarayeen ila Kun qoys oo ku jirey lix kaam oo ku yaal Magaaladda Muqdisho waxaana ka mid ahaa Kaamamkaas la gaarsiiyey Lacagtaaas Kaamka Khayr Qabe, Kaamka Hakaba , Barwaaqo Haaruun, Garoore iyo Digfeer iyadoo intii aysan bilaaban qaybinta Deeqdaas Lacageed waxaa Saxaafadda la Hadley Xoghayaha Arrimaha Bulshada Sahdo  Saalax Maxamed Cadde oo sheegey  in Deeqdaan ay maanta Qaybinayaan aysan ahayn mid ugu horeysey , isagoo sheegy in Dhowr jeer ay Deeqo noocaan oo kale ay qaybiyeen

Dadkii la siiyey Deeqdaas ayaa u Mahadceliyey Hayadda Horn  Africa Development Trust iyao Hayada kale ee qaybinteed loo soo wakiishey ee ah Somali Action Humanterian Development Organization ee Sahdo  iyagoo sheegey in Deeqdaan ay heleen waqti ay si aad ah ugu baahnayeen waxayna Hayada u soo jeediyeen in ay sii labalaabaan Deeqaha Noocaan ah ee la siinayo dadka baahan, ee  Abaarta Saameeysey.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Deeqdaan ayaa sidII loogu talagaley qaybinteeda ku dhamaatey mana aha markii ugu horeysaey ee Hayadaan Deeqo Lacageed ka qaybisey Magaalada Muqdisho waxayna Balan qaadeen in Gobolada dalka ay gaarsiin doonaan  Deeqa noocaaan oo kale maadaama ay ku sugan yihiin dad  ay saameeysey Abaarta oo soo gaari wayey Magaalada Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.