Home » Warar »

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka oo sheegey in Awoodii Alshabaab iyo Al-Qaacida Soomaaliya ay sidoodii weli u jirto.

Horaantii Bishaan waxaa qaybo Muhiim ah ku yaal Magaaladda Muqdisho  ka baxay Xoogagaii Alshabaab ee Dagaalada kula jirey Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Federaalka , waxaana Goobhii ay ay baxeen Durba buuxiyey Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowladda Federaalka , iyadoo taasi ay jirto ayaa Xogahaya Gaashaandhiga Mareykanka waxaa uu ka dhawaajiyey in Xoogaga Alshabaab iyo Kuwa Al Qaacida yihiin kuwo awoodoodii aan waxba iska badelin Warkaan oo laga soo saarey Xafiiska Xoghayaha Gaashaandhigg Mareykanka  Lean Panetta  ayna sii daayeen Wakaaladaha Wararka Adduunka ayaa lagu  sheegey in Xoogaga Alshabaab iyo kuwa Alqaacida ay yihiin kuwa weli weerar ka geysan kara Gudaha Dalka Soomaaliya oo uu ula jeedey in ay weerari karaan Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka sidoo kale Xoghayaha ayaa sheegey in sidoo kale Alshabaab iyo Al Qaacida ay yihiin kuwa weeraro ka geysan karaan Wadamada Caalamka iyo kuwa deriska la ah Soomaaliya . “Inkstoo Dhulk Muhiim aha dhawaan lagala wareegey Xarakada Shabaab oo ku yaal Magaaladda Muqdisho hadana weli waxay ku xoogan yihiin Koofurta Soomaaliya oo ay ka geysan karaan weeraro”ayuu yiri Lean Panetta  oo hore u ahaan jirey Agaasimaha Sirdoonka Mareykana CIA wuxuu kaloo uu sheegey in iskaashi uu ka dhaceeyo Xarakadda Alshabaab iyo Alqaacida dalka Yaman taasoo uu sheegey in ay keeni karto in labadooda ay weerraro ka geystaan Wadamada Deriska lah Soomaaliya  Xoghayaha  Gaashaandhigga ayaa ugu baaqey Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Federaal;ka in ay taxadar Muujiyaan islamarkaa ay la socdaan Dhaqaaqa Xarakadda Alshabaab oo uu sheegey in ay Xoogoodu ku badan yahay Koonfurta Soomaaliaya ay dhaci karto in ay sii xoojiyaan dagaalada ay ka wadaan Gudaha Dalka Soomaaliya Xarakadda ay Shabaab oo xoogoodii ka baxay Magaaladda Muqdisho kadib markii ay sheegeen in arrinkaas ay u sameeyeen Xeelada Dagaal hadana Xoogagaas waxay si aad ah ugu xoogan yihiin Koofurta Soomaaliya  iyagoo sheegey in Muqdisho ay ka sii wadi doonaan Dagaaladda Ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay maalmahan ka wadeen Qaybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho. 

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.