Home » Warar »

Weriye Amiin Yuusuf Khasaaro oo Sawiro Naxdin leh ka soo qaadey Caruurta ku jirta Isbitaaladda Muqdisho

Tan iyo markii ay Bilowdeen Dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya kuwoodii ugu xooganaa ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho, waxayna Dagaaladaas Galaafteen Kumaan Soomaali ah oo manta God u jiifa aan garaneyn wax ay u dhinteen ama u dhaawacmeen, qaar kalena lixaadkoodii ayey ku waayeen oo waxaa ku arkeysaa Wadooyinka Muqdisho iyadoo uu ka muuqdo raadkii Dagaaladda iyadoo taasi jirto ayaa Caruurtaas  Dagaaladaas ka sokow waxaa ugu darsamey Cuduro kala duwaan oo ay dadka qaar sabab uga dhigey Sunta Baddooda lagu shubayo, waxaana xaaladaadu isbadeleysaa markaad ku booqato Isbitaalada Muqdisho oo ku galeyso Naxdin iyo Murugo.

Mar aan booqdey Isbitaalada Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Isbitaalada Madiina iyo Banaadir  waxaan ku soo arkey Caruur fara badan oo qaar kamd ah ku waxyeeloobey Dagaalada oo weli ka sii socda Magaalada Muqdisho, qaar kalena waxaay la il daran yihiin Cuduro kala duwan , kuwa kalena wuxuun dhaawacoodu uu noqdey mid wax looga qaban waayey Ibsitaalada Muqdiho.

Sawirada aan ka soo qaadey Isbitaaladda  Banaadir iyo Madiina qaar ka mid ah si aad ah ayaad uga naxaysaa markaad Daawato oo waxaa Dareenka Jirkaada ka soo muuqanaya  Murugo iyo Tiiraanyo iyadoo Waalidiintii dhashey Caruurtaas qaarkooda wax gacanta ugu jiraan ma jirto oo waxaad ka dareemeysaa sida ay uga Murugeysan yihiin Caruurtooda,waayaandarro inteeda la eg  mana muuqato sansaan ay Caruurtaas uga baxayaan dhibaatada 21 jirsatey waxaana weli dhagahooda ay maqlayaan Daryanka iyo Guuxa Madaafiicda la isweydaarsanyo.

Caruurata qaar waxay dhasheen iyagoo aan lahayn Meel ay ka saxaroodaan,waxayna Dhaqaatiirta ku sugan Isbitaaladaas ay u sameeyeen Qaliin ay dhinac ka duleeliyeen oo ay Geliyaan Tuubo saxarada soo qaada , qaar kale waxay la xanuunsanyaan Wadna Xanuun waxaana isbitaalka ku arkey Caruur wadnahooda sida uu u shaqeynayo aad banaanka ka arkeysid , kuwa kale waxaa ku habsadey Madaafiic aan loo meel dayin ka haleeshey Xubnahooda ugu muhiimsan iyagana waxay u baahan yihiin Qaliin Dibadaha , kuwa kale waxaa ku dhacay Cuduro kala duwan oo ay ka qaadeen Sunta Haraadiga ee lagu daadinayo Baddooda  u baahan iyagana in loo qaado Dibadaha.

Halkan kadaawo sawiro dheerad ah

Dr Luul Maxamed Maxamuud oo ah Agaasimaha qaybta Hooyada iyo dhalaanka ee Isbitaal Banaadir ayaa waxay Natusisey Caruur gaaraya ilaa 20 oo dhamaantood wax looga qaban waayey Dalka gudhiisa oo ay sheegtey in ay u baah yihiin Xoogaa Lacag ah in laga bixiyo waayo haddii aan nahay Maamulka Isbitaalka Banaadir Caruurtaas uma hayno qalab aan ku tacaali lahayn Cudurada haya iyo kuwa ku soo dhaawacmey Dagaalada.

Dr Luul Waxay sheegtey in Caruurataas ay u baahan yihiin in laga bxiyo Tikidhka Muqdisho iyo Dalka Suudaan waayo waxaa dalka Suudaan ku sugan Dhaqaatiir Balan qaadey in ay si Tabarucaad ah Caruurtaas u daaweyaan ama Qaliin ugu sameeyaan hase yeeshee Isbitaalka ma awoodu in caruurtaas geeyo Dadlka Suudaan waayo  Shaqaalaha ka shaqeeya isbitaalka si Mutadawacnimo ayey ku shaqeeyaan.

“Caruurta Dadkooda wax haysta dibada ayaa loola cararey oo halka baa lagu soo dawaaweynaya laakiin kuwaan Ilaah baa u maqan, waxayna Waalidiintoooda dhamaatood ka soo jeedaan dad aan waxba haysan marka dadka Soomaaliyeed ayaa looga baahan yahay Samatabixinta Caruurtaas aadka u liidata” ayey tiri Dr Luul oo  ugu baaqdey Jaaliyadaha Dibadda ku nool iyo Hayadaha Samafalka  in ay ka qayb qaataan Samatabixinta Caruuraas ku dhibaateysan Magaaladda Muqdisho.

Hadaba Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan Dadlka Gudhiisa iyo Dibadiisa oo waqtiyadaan looga bartey in ay is Caawiyaan dadkooda  ayaa looga fadhiyaa sidii ay ugu qaybqaadan lahaayeen Badbaadinta Caruurtaas waayo Caruurta waa Mustqabalkii  Berito Mana jirto Cid kale oo u Maqan.oo Alle ahayn

Hadaba cidii dooneysa in ay Caawinto Caruurtaas kala soo xiriir

Drs Luul Maxamuud Maxamed

E-Mail; drlul@hotmail.com

Tel  00252615290118

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Weriye Amiin Yuusuf Khasaaro oo Sawiro Naxdin leh ka soo qaadey Caruurta ku jirta Isbitaaladda Muqdisho "

  1. Saaxib Yusuf waad mahadsantahay sida aad ugu taagantahay shacabkaada.
    Adigoo iga raali ah sawirada caruurta meesha kuma jiraan haddii aad soo galinkarto waa wanaagsanaan laheyd.
    Waxaan ku talinaya in caruurtaas malafkooda loo geeyo hay’adaha faraha badan ee magaalada muqdishu ku soo qulqulaya.
    Haddii aad ugudbisaan hay’adaha ka shaqeeya Qatar waxaan isku dayayaya inaan dabo galo oo aan ku adkeeyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen. Hay’adaha Qatar ee xamar Xafiiska ku leh waxaa ka mid ah Qatar Charity, Eich Charity, Thani bin Thani charity iyo kuwa kale oo fara badan. Waxaad sidoo kale geyn kartaan Munadama dacwa al-Islaamiya oo Sudan ah laakinse xafiis ku leh halkan Doha. Waxaa ila wanaagsan in lagu soo lifaaqo dhamaan waraaqadaha muhiimka ee muujinayo in ilmahaan balan ku leeyihiin wadanka Sudan.
    Waa nasiib daro waxa lacag wadanka ku soo qulqulayso haddii aan ticketka Somalia to Sudan loo helikarin ilma xanuunsan.
    Waad mahadsantihiin Allahana idinla garab galo.