Home » News »

Magaaladii London oo Ku jirto Xaalad Cakiran..

Tan iyo markii ay biloowdeen rabshadaha ka aloosan magaalada London ee dalka ingariiska waxaa socdey boob,dhac,goobo ganacsi oo dab la qabadsiiyey,iyo weliba walwal badan oo lasoo darsey xaalada amaan ee magaalada London.

 

Waxaa magaaladii London hada ku sugan tahay xaalad cakiran,Waxaa xiran inta badan goobihii ganacsiga oo idil,waxaa goobaha ganacsiga oo waaweyn iyo wadooyinka mahiimka ah ee loo yaqaano (High street) aad u tuban ciidamada nabadgelyada ee police-ka loo yaqaano,

Inta badan dhibkan ay horboodayaan dhalinyaradu oo ka biloowdey mid kamid ah dhalinyarada ku nool waqooyiga magaalada London oo ku baxay gacanta ciidamada police-ka,Goobihii uu saameeyey gadoodkan ka socda magaalada London waxaa ugu badnaa xaafad ahaan.

Waqooyiga magaalada London,bariga magaalada London,K/galbeedka magaalada London, iyadoo loo geeystey boob,dhac,goobo lagubay iwm.

Hadaba daruufaha adag oo jira darted waxaa dhamaan albaabada loo laabay goobihii ganacsiga sida goobihii laga dukaaameysan jirey oo waaweynaa,(Shopping center),dukaamadii yaryarka ahaa,Kaalimadii shidaalka laga qaadanayey oo inta badan xiran iwm.

 

Waxaase heeganki u adkaa manta si buuxda loo galiyey ciidamada abniga ee police-ka iyadoo qaar kamid ah masuuliyiinta sarsare ee dalkan ingariiska ay aaminsan yahiin in hawlgalka ay ka qayb qaataan ciidama difaaca qaranka ee milatery-ga loo yaqaano,

 

Galabta ayey ayey ahayd markii ciidamada nabadgelyada ay amar ku bixiyeen in xaafado katisan galbeedka London amnigooda aad loo adkeeyo,kadib markii xog laga helay qaswadayaasha ah in abaaraha 04.00pm ay bartilmaameed ka dhigan doonaan xaafado kamid ah galbeedka London oo ay ku yaalaan goobo laga adeegto oo waaweyn(shopping center),kaasoo laga helay xogtaas aalada internetka gaar ahaan(Blackbury messenger),Waxaana la isla dhex marayaa in si ku meelgaar ah loo joojin doono balckburry messengerka iyo qaar kamid ah aalada network-ga.

Balse waxaa guud ahaan la adkeeyey amaanka xaafadahaas iyadoo la arkayey soomaalidii banaanka dhoodhooban jirtey oo ciidamada policeku ay il gaara ku hayaan,dhaqdhaqaaqoodana ay la socdaan,ilaa ay ku amraan inay kala danaystaan.

Waxaan galabta cagta soo mariyey xaafado badan oo kamid ah galbeedka magaalada London,sida Acton,shupherbush,Harrow,Hounslow,southall,Hayes,Hillingdon,Uxbridge, Dhamaan waxaa albaabada la isu laabay goobiii ganacsiga,wado walbana waxaa tuban ciidamada police-ka,Labadii dhalinyaraa oo wada socatana waa la istaajinayaa oo la baarayaa,

Waxaan la kulmay aabayaal badan oo soomaaliyeed oo aan ilaa labo beri in ku siman aanan fara ku hayn wiilal ay dhaleen oo ilaa hada ka maqan yahiin.

Rabshadahan waxay sidoo kale ka biloowdeen magaalooyinka,Birminham,leeds,Liverpool,iyo lieceter oo cabsi laga qabo.

 

Waxyaabihii iigu yaabka badnaa waxaa kamid ahaa-nin da,diisu ay ku dhawaad tahay 75 years old,oo wareysi mar uu bixinayey sheegay inuu Dukaaan uu ka ganacsan jirey uu ku waayey goobihii ganacsiga ee dabka la qabadsiiyey ee xaafada loo yaqaano (Croydon ee k/beri ka dhacda magaaladan London),

Waxuu ninkaasu yiri dukaankan waxuu soo jiraa 5 ab ama Fac( 5 Generation) waxuu ka badbaadeybuu yiri Dagaalkii 1-aad ee dunida iyo kii 2-aad oo six u ay u bom-gareyn jireen diyaaradihii jarmalku, Balse nasiib daro waxaa filan waa ahayd markii 5 wiil oo yaryar ahi mudo aan ka badneyn 20 ay dhaceen dabna qabad siiyeen,anoo arkaya ayuu dukaankii 5-fac soo jirey horteyda mudo gaaban ku bas belay ayuu ku cataabey odeygaasu,

 

Si kastaba ha ahaatee su,aasha meesha taala waxay tahay London waa rimanayd eh ma dhali doontaa hadii xaaladu sidaan kusii socoto weli..

 

Mahadsanidiin,,

Durraan shirwac

Em-Durta21@hotmail.com

Raasmedia

London/uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.