Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo xafiiska ku qaabilay wafuud ka kala soctay Midowga Yurub, dalka Turkey iyo Bisha Cas ee dalka Iran.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul DFKMG ayaa waxaa ka mid ahaa:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maantaxafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub iyo wafdi kale oo ka socdayBisha Cas ee dalka Iran.

Ra’iisul Wasaaraha kulankii u la qaatay wafdigii uu hoggaaminayey George MarkAndre oo ah Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxey uga wada hadleenlabada mas’uul iyo wafdigii la socdayba sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Yurub iyoSomalia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey booqashada wafdigan ay kuyimaadeen xafiiskiisa Muqdisho, waxuuna warbixin ka siiyey xaaladda dalka, gaarahaan guulihii dhanka amniga oo Al-Shabaab looga saaray dalka iyo arrimaha gargaarkabani’aadanimo. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in arrimaha macluusha ayyihiin kuwo aad u daran una baahan in Midowga Yurub ay kaalin mug leh ka qaataangurmadka abaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu ka codsaday MidowgaYurub inay Dowladda ka saacidaan qorsha xasilinta Muqdisho iyo sidii dalka oo dhanloogu soo celin lahaa amni iyo kala danbeyn buuxda.George Mark Andre ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa qaaliga ah,islamarkaana ku ammaanay guulaha amniga ee caasimadda, una xaqiijiyey in MidowgaYurub ay diyaar u yihiin inay saacidaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.Waxuuna sheegay in Midowga Yurub ay kordhiyeen miisaniyaddii ay ugu talo galeenSomalia oo markii hore aheyd 250 million euro oo hadda laga dhigay 390 million euro.Waxuuna sheegay inay ugu talo galeen gar-gaarka bani’aadanimo lacag gaareysa 80million oo dollar.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalkaTurkiga oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Iskaashiga Caalamiga iyo horumarintaee dalka Turkiga Mr Serdar CAM. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyey wafidgaTurkiga una sheegay in Turki ay tahay dal xiriir qoto dheer la leh Somalia.

WafidgaTurkiga ayaa sheegay inay u yimaadeen Muqdisho si ay u saacidaan shacabkaSoomaaliyeed, isla markaana ay soo wadaan mucaawanooyin hor leh.Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha waxuu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayBisha Cas ee dalka Iran oo u yimid Muqdisho inay saacidaan barakacayaasha,waxeyna sheegeen inay diyaarado iyo maraakiib mucaawano ah ay keeni doonaandhowaan dalka.

Wafdigan waxaa la socday mas’uuliyiin ka socotay Bisha Cas eeSomalia. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Iran dadaaladooda ku wajahangar-gaarka bani’aadanimo kana codsaday inay shacabka barakacayaasha gar-gaaraanoo ay gar-gaarka gaarsiiyaan dhammaan gobolada shacabku ku tabaaleysanyahay.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.