Home » News »

Ka Leexo Siyaasadday ku guuldaraysteen R Wasaareyaashii xilka kaaga horeeyay

Warqad furan oo ku socota Ra’iisal Wasaare Prof. Cabdiweli M. Cali
Ujeedo: Ka Leexo Siyaasadday ku guuldaraysteen R Wasaareyaashii xilka kaaga horeeyay
 
Mudane Ra’iisal Wasaare, waxaan kugu salaamayaa salaanta islaamka, assalaamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuhu.

Waxay igu dhalatay inaan kuu soo gudbiyo fartiintaan gaaban oo naseexada huwan, markaan maqlay sida shacabka Soomaaliyeed ugu naaloonayaan inaad wax ka badalidoontid xaalada Soomaaliya. 

Waxaa iila yaab badnaa sida laguugu qanacsanyahay, baarlamaankii ku caan baxay kala qaybsanaan iyo iska soo horjeed oo si buuxda u aqbalay magacaabidaada!!  Waxaa intaas dheer Soomaalida joogta Dunida dacaladeeda oo muujinaya midnimo, xaflado lagugu bogaadinayo oo loo dhigayo si aan kala har lahayn.  Runtii waa arrin la yaab leh, wali ma arag qof kaasoo hor jeeda!  Waxaan Allaah ka baryayaa inay arrintani tilmaan wanaagsan u noqoto Soomaalida oo miyirkii kusoo noqonayo iskana tuuraya reeryada duliga!    

Markii laga soo bilaabo burburkii dawladdii dhexe oo Soomaaliya waxaa Soomaalida soo maray 4 Madaxweyne iyo 8 Ra’iisal Wasaare markii adiga lagugu daro.  Todobadii Ra’iisal Wasaare oo kaa horeeyay kuma guulaysan mas’uuliyaddaas. Sidaas daraadeed waxaa mudan in lays waydiiyo, maxay ugu guuldaraysteen xilkooda, xaggee wax ka qaldanyihiin?  Soomaalidu maaha dad dun xun, mana aha dad leh reer magaalnimo qodda dheer, sidaas oo kale maaha dad mug wayn xagga maadada (materialism)  laakiin waxaa isu kaashaday arrimo badan oo ay ka mid tahay iyagoo waayay hogaan wanaagsan.   

Mudane Ra’iisal Wasaare, haddaad doonaysid inaad xilkaas culayska badan ku guulaysatid; ugu horayntii Allaah uga baq mas’uulidda; xusuusnow inaad xilka u haysid shacabka oo dhan; kiisa wanaagsan, kiisa xun, kan khayrka jecel, kan sharka wada, kan waxma garatada ah, kan qof karmeedka ah, kan cadawga u jaajuusa, kan aqoonta leh, kaan aqoonta lahayn, kan xag jirka ah, kan burcad badeeda ah, kan jiriga ah, kan  mooryaanta ah iwm.  Waxaad kaloo xusuusnaata inaad shacabka u joogtid meesha aabuhu u joogo ilmaha uu dhalay.  Aabuhu ilmaha ku madax adkaada ma dilo, mana dayriyo ee geed dheer iyo geed gaaban wuxuu u fuulaa inuu dariiqa wanaagsan kusoo duwo, isagoo jecayl iyo xikmat adeegsanaya.

Mas’uuliyadaad ummadda u haysaana waxay u baahantahay jecayl, xikmat iyo caddaalad, waxaa laga wariyay Nabigeenna CSS qofka ummaddayda mas’uuliyad u qabta oo aan u caddaalad falin waxay ku noqonaysaa maalinta qiyaame hoog iyo shalayto.  Qofka Allaah ka baqa Allaah baa u jid bixiya qur’aan (65:2) kuna kalsoonow in awood iyo guul oo dhammi ku jiraan gantiisa SWT qur’aan (3 :126, 3 :160).  Qofka Allaah ka baqa Allaah baa amuurtiisa fududeeya qur’aan (65:4), qofka Allaah tala saarta Allaah baa kufilan qur’aan (65:5).

Soomalida, keeda xun iyo keeda wanaagsaniba, dalka xaq bay ku leeyihiin, Soomaaliga mujrimka ahi wuxuu xaq u leeyay in dalkiisa dhexdiisa lagu maxkamadeeyo, oo dalkiisa dhexdiisa lagu mariyo wuxuu mutaysto.  

Marka laga soo bilaabo 1978 dadka Soomaaliyeed xabad baa lagu garaacayay, iyagoo loo kaashanayo cadawgooda soo jireenka ah.  Cadawgaas oo si tashiilan oo isu miisaaman u hubeeya kooxaha ku hardamaya xukunka Soomaaliya.  Ujeedada ka dambaysa inaan cadawgu hubka ukala badin kooxahaas, waa si aan kooxi inta ka adkaato kooxaha kale dawlad u dhisin.  Waxaa ceeb iyo calool xumo leh sidaan kooxina ugu baraarugin dabinada qarsoon oo cadawgu u daadinayo, khayaanooyinka qayaxan oo laga soo maleego  galbeedka Itoobiyana fulinjirtay markii hore, haddase fuliyeyaasha badan yeeshay. 

Soomaalidu waxay tiraahdaa carrab dalab leh laga garan og lug dalab leh, baaq nabadeed oo dalab leh shacabku waa ka daalay.  Waxaa la yiraahdaa qalbi wixii kasoo baxaa kalbiga kale gaara, waxa afka ka soo baxaana dhegta ma dhaafaan.  Waxaan is leeyahay, waxaa xarig xarig ugu qabanwaayay dawladaheenna, waxay adeegsadaan hadal dalab leh oo kasoo baxay qalbi dalab leh, markaasa wax waliba dalab yeesheen.

Shacabku waxay u baahanyihiin inay helaan NABAD IYO NOLOL WANAAGSAN, MANA SII XAMILIKARAAN DAGAAL.   Shacabka Soomaaliyeed waxa haystaa waa waxyaalaha Rabbi laga magangalo; dagaal, gaajo, cudur jahli iyo iwm.

Mudane Ra’iisal wasaare, qolooyinkii kaaga horeeyay jagada waxay ku fashilmeen inay xabad u adeegsadaan shacabka ee adigu xikmat adeegso, oo dib u heshiisiin dhab ah ugu yeer shacabka kooxihiisa kala duwan.  DKMG ahi waxay tiraahda cadaw dalka kusoo duulay baan la dagaalamaynaa, xabad waxaa ugu xanuun badan tay kugu dhufato dawladdii kaa daafici lahayd xabadda cadawga.  haddii xabbadi xal keenayso waxaa ku xallin lahayd dawladdii dhexe oo shacabkeeda u adeegsatay nooc walba oo hub ah, oo xattaa diyaarado ku garaacday.    Dad dhallinyaro ah oo wax bartay, adduunkana maray baad  tihiin ee ka siqsiqa in xuruuf laydiin yeersho sidii aad xoghayn tihiin.  Dal baaxad wayn oo si walba taajir u ah baad madax u tihiin ee dareen iyo dhaqan madaxnimo yeesha.       

Gaalada Maraykanku hogaaminayaa waxay doonayaan in Soomaalidu tiih iyo iska dabakawareeg ku jirto intay ka dhammaanayaan dadka waawayn oo garanaya waxay soomaaliya ahaan jirtay, amaba dal ahaan u laxawsada, iyo xattaa dadka afka Soomaaliga si fiican u yaqaan.  Si loogu beero dalka dad aan Soomaaliya aqoon iyo dareen wadaninimo midna u lahayn, boqolaal jinsiyadood watta, boqolaal af ku hadla, oo u adeega danaha dalalkay ku dhasheen,ku koreen oo wax ku barteen sidoodana u fakara, markaasna Soomaaliya noqoto dal aan cid gaar ah u suntanayn.   
 
Waxaa la yiraahdaa dad waxaa u liita qofka naftiisa been u sheega, waana sida Soomaalidu ku sugantahay maanta.  Dawladnimo soo celinmayo qof madax ah oo inta iska hor mariya dabaabado shisheeye, markay shacabkiisa xasuuqaan maydadkooda is dul taaga oo yiraahda “alxamdullilaah Ilaah baa naga guuleeyay” sida ka dhacda madaxda dawladda Soomaaliya!  INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, YAA GUULAYSTAY YAASE GUULDARAYSTAY?   

Waxyaabaha qalbi jabka ku ah shacabka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah 550 xil dhibaan oo markii la hor keeno arrin si ay go’aan uga gaaraan, laba maalmood oo isku xiga midna ku  oriya arrinta, midna  ansixiya!!  Waxaa shacabku isa su’aalayaan maxaa dhaca habeenka u dhexeeya labada maalmood?  Waa wax aad u fool xun in baarlamaankii dalku sidaas u dhaqmo, maalintii lagu dhawaaqay 550 waxaan qoray maqaal gaaban oo aan cinwaan uga dhigay (innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun)! Nabigeennu CSS wuxuu ina baray inaynu sidaas niraahno haddii dhibaato inaku dhacdo, waxaa ina haysata dhibaato aad u wayn.  Allaah waxaan waydiisanaynaa inuu toobadda ina waafajiyo, hogaankana inoo ku dhiibo kuwa shacabka Allaah uga baqa.

Xil dhibaannada waxaan xusuusinayaa taariikhdu ma dhimato; marka qofka jirkiisu dhinto raadkiisa waxaa dhaxla ummadihii uu wax la wadaagay oo ubadkiisu ugu horeeyaan qur’aan (18:82), taariikhda runteedana wuxuu la hor tagayaa Rabbi SWT Maalinta Qiyaame oo aan waxba la qarin karin, haddaan xumaha laga toobad keenina ciqaabta Allaah looma adkaysankaro.

Waxaa laga sheegay war baahinta inay tiri Ameerika waxaan siinaynaa AMISOM diyaarado ay ku duqeeyaan Soomaaliya.  Dalka ma AMISOM baa leh mise Soomaali baa leh, Ilaahow hana dulayn, Soomaali waa la fududaystay.  Waxaa kaloo laga wariyay inay tiri waxaan siinayaa dawladaha dariska la ah Soomaaliya USD 45M si Al-Shabaab loola dagaalamo.  Al-Shabaab ma waxay joogaan dawladaha dariska la ah Soomaaliya mise Soomaaliyay joogaan?  Arrimahaasi waxay caddayn u yihiin sida loo quursanayo Soomaalida iyo sidaan wax ixtiraam ah loogu hayn.  Waxaa la yiraahdaa in lagu ixtiraamo dadka lagama baryo ee waa lagu khasbaa, waana markaad adigu is ixtiraamtid.

Siyaasada Ameerika oo ku dhisan munaafaqnimada, laba wajiilanimada iyo islaam necaybku waa fashilantahay, dhaqaalihii Maraykanku dhulkuu yaal, waxa ku xigaana waa hantigoosadkoo mara meeshii hanti wadaagii maray, qofkii danaynayaa ha akhriyo buugan (The fall of Capitalism & the Rise of Islam by Dr. Mummad Malkawi).  Hadda waxaan sugnaaba waa islaamkoo hogaanka u qabta adduunka, siduu horay hogaanka ugu qabtay.  Islaamku waa isla isagii ee Allaah waxaan ka baryaynaa inuu qalbiyadeen inta dago mira macaan kasoo saaro siduu uga soo saaray qalbiyadii daad sanab caabudijiray markay fahmeen kuna dhaqmeen.  Adduunka iyo amarkiisaba  Allaah baa leh wuxuuna kor ahaaye ballan qaaday inuu dhaxalsiindoono dhulka kuwa isaga ka baqa qur’aan (24:55).

 Gabagabo

 Mudane Ra’iisal wasaare waxaan idiin rejaynayaa, adiga iyo golahaaga wasiirada,  in Allaah idinku toosiyo Xaqqa, inaad noqotaan kuwa Allaah ka haybaysta ee aan gaal ka haybaysan, kuwa dadka iyo dalka jecel ee aan kursi jeclayn, kuwa qanaaco leh oo aan u hanqaltaagin hantida ummadda. 

Tixdan heesta ahi waxay xusuus u leedahay dadka waawayn oo garanaya gobonimadii runta ahayd oo Soomaaliya, idinkana ducay idiin tahay ee Allaha idiin aqbalo (sannad waliba hoodiyo hawliyo dhibaatiyo wuxuu hadimo leeyahay waa laga helaayoo hadhaw lagu xusuustaa kii noo hagaagoo noqo loo han waynyahay) daba qabta dalka! 

Xaqqa Allaah ha nagu sugo,

cabda12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.